Video: Waayeelka Soomaalida iyo Swedishka oo isdhexgal loo sameeyay

Magaalada Borlänge ayaa waxaa laga bilaabay mashruuc isdhexgal loogu sameynayo waayeelka Soomaalida iyo Swedishka. Mashruucaan oo uu ka dambeeyo ururka ay ku midaysanyihiin waayeelka Swedishka ee lagu magacaabo PRO ayaa waxaa la doonayaa in la sameeyo kulan iyo wada-shaqayn dhexmarta waayeelada Soomaalida oo ay ku adagtahay isdhexgalka iyo barashada luuqada.

Abdi Haji oo ka mid ah jaaliyada ay ku mideysanyihiin waayeelka Soomaalida ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay kulankii ugu horeeyay, isagoo telefishinka SVT u sheegay in arintaan ay tahay mid aad u xiiso badan isla markaana ay tahay markii ugu horeysay ee uu la kulmo Swedish sidaa u badan.

Waxa uu intaas ku daray in uu markasta uu guriga iska joogo balse uu doonayo in uu luuqada barto. Isagoo intaas ku daray in haddii qof uu doonayo in uu Sweden ku noolaado ay waajibtahay in uu luuqada barto oo bulshada dhex galo.

Fikradaan ayaa ah mid cusub oo aan horay looga samayn Sweden. Waxaan wada ognahay in waayeelka Soomaalida ay dhibaato weyn ka haysato barashada luuqada isla markaana ay qaarkood ku noolyihiin kelinimo maadaama aysan dhex-gali karin bulshada.

Sidee u aragtaa fikradaan?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. siraad says:

    Asc dhamaan somalida dhaan setahiin. Sheekadan waa otroligt wakaahi walobahna.sey Aniga ilatahay dad bada oo waaye somali ah aa guryahaa ku xiraan oo meleey adan ama kusheeys taan xata anan haysan. Waxaan leyahay dadkii so alifaay Sheekadan Grattis de va ett bra förslag walaahi. .grattis grattis. Ps JIMCAAL walaal somalida Shekaad u hayso meshaas kasi wad. Ajaar iyo xasanaadna allah hakaasiyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 2

  2. dhuubane says:

    s

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. WaayaArag says:

    Qawda ma qashii, waxbana ha u qaban…!!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  4. Jag gillar inte dictatori says:

    Odasha haala baro qab odiyala dhaqmeed ay ku dhistayh qaba qabiil palees wayo hormar ay garay ufa idey iyo wax qabt

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0