Volkanaha oo saameeyay diyaaraha Sweden

3

Ku dhawaad 20 duulimaad oo u kala gooashayay magaalooyinka Stockholm iyo Göteborg ayaa la joojiyay ka dib markii uu sameyn ku yeeshay qiica ka yimid Volkana ka dhacay dalka Iceland. Shirkada maamusha Eeroboorada Sweden ayaa sheegtay in laga yaabo in saameyn ay ku yeelato arintaan diyaaraha caalamiga ah.

Diyaarada SAS ayaa joojiyay safaradii u kala gooshay wadamada Norway, Sweden iyo Denmark. Shirkada ayaa sheegtay in ay filayaan hoos u dhac ku yimaada safarada. Dalka Germalka iyo wadamo badan oo ka tirsan Yurub ayaa la sheegay in sidoo kale uu soo gaaray qiica ka yimid qaraxa volkanaha.

Shirkada Swedavia oo masuul ka ah eeraboorada ayaa sheegtay in dadka safraya ay la xiriiraan shirkadaha diyaaradaha si ay ula socdaan warbixinada ugu dambeeyay. Arlanda ayaa la sheegay in aan wali aysan saameyn ku yeelan arintaan.

Waa markii labaad ee qarax volkano ka dhacay Iceland uu saameyn ku yeesho duulimaadyada Yurub iyo Maraykanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here