Waa imisa Soomaalida sharciga ka heshay Sweden sanadkii hore?

17

Inkastoo Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ay sanadihii dambe dhabarka u jeedisay magan galyo doonka Soomaalida, ayaa hadana waxaa muuqata in aysan hoos u dhicin Soomaalida iska dhiibaysa Sweden. Macluumadkii ugu dambeeyay ee ay soo bandhigtay Laanta Socdaalka ayaa muujinaya in sanadkii tagay ee 2014 ay Sweden iska dhiibeen Soomaali gaaraysa 4363 qof, kuwaasoo 1025 la qaabilay, inta kalena la diiday ama aan wali go’aan laga gaarin.

Dhinaca kale, tirada dadka lagu keenay mideynta qoyska ayaa gaaraysa 3948 qof. Waxaa sidoo kale Sweden ay xeryaha qaxootiga ka soo qaaday Soomaali gaaraysa 716, halka 162 qof sharciga lagu siiyay arimo qaas ah sida cudur iwm. Guud ahaan Soomaalida sharciga laga siiyay Sweden ayaa 57 qof waxaa la siiyay sharci ku meel gaar ah.

Tirada magan galyo doonka Soomaalida ee iska dhiibtay Sweden sanadkii 2014 ayaa u muuqata in ay kor u kacday marka lala barbar dhigo sanadkii 2013 oo ay wadanka iska dhiibeen 3901 qof. Balse tirada dadka lagu keenay mideynta qoyska ayaa hoos u dhacday.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here