Waa imisa tirada Soomaalida la filayo in ay yimaadaan Sweden?

36

Qaar ka mid ah warbaahinta Sweden ayaa isbuucyadii ugu dambeeyay waxay ka dhawaajiyeen cadadka Soomaalida  la filayo in ay Sweden ku yimaadaan wadada mideynta qoysaska.

Dowlada ayaa ku qiyaasaysa in dhowrka sano ee soo socda ay imaan karaan Sweden Soomaali gaaraysa 30,000 kuwaasoo ku imaanaya wadada mideynta reeraha. Arintaas ayaa waxay walwal ku abuurtay maamulada kamuunada Sweden.

Sidii hore aan u qornay dhowr Kamuun oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada Katrineholm ayaa walaac ka muujiyay dadka faraha badan ee imaan kara magaaladooda. Maanta ayaa sidoo kale waxa uu kulan ka dhacayaa magaalada Växjö halkaasoo oo ay wada tashi ku yeelanayaan kamuunada gobolkaasi si ay ugu diyaar garoobaan Soomaalida cusub.

Dhinaca kale Jaaliyada lagu magacaabo Somaliland Förening ee ka dhisan magaalada Malmö ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo la mid ah kan Maraykanka iyo Kanada ay sameeyaan. Kaasoo ah in dadka cusub la siiyo casharo ku saabsan nolosha Sweden inta aysan ka soo bixin Afrika.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here