Waa in xal loo helaa balwada Geediga

9

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden waxay leedahay hal balwad oo inta badan ay ka simanyihiin. Sida caadiga ah balwad kasta waxay leedahay saameyn ay ku yeelato qofka leh. Balwada ay leeyihiin Soomaalida sweden waa geediga oo ah in aysan meel si rasmi ah u degin, waxaad arkeysaa qof hada magaalada soo degay oo ku weydiinaya sida guri looga helo magaalo kale.

Kuwo waxaad arkeysaa wadanka 8 sano joogay oo toban magaalo soo degay ilaa hadana geedi ku jira. Waxyaabaha aan wax uga qabsan weynay dalkaan waxaa ka mid ah in aanan meel ku nagaan. Qofka marka uu sharciga qaato waxaa wanaagsan in uu magaalada uu dego uu waqti ku qaato, waa la wada ogyahay saameynta uu geedigu ku yeesho qofka.

Markaad guurto waxkasta waxaad ka soo bilaabeysaa zero. Asxaab cusub waa in aad sameysataa, guri waa in aad raadsataa, magaalo cusub waa in aad barataa iwm. Xiriirkii aad dhistay mudadii aad ku noolayd magaalada aad ka guurtay waa uu burburayaa.

Arintaan ayaa loo eedeyn karaa dhaqankeena ku dhisan geediga balse lama dhihi karo waa waajib. Soomaalidu in ay meel ku nagaadaan waxaa ku jira mustaqbalkooda. War carabta fiiriya, tuulo yar haddii ay yimaadaan ganacsi ayay ka abuuraan oo kama guuraan. Haddii qofku u guurayo sababo waxbarasho ama shaqo uu magaalo kale ka helay waa la gartay balse haddii aad u guureysa in magaalo kale ay ka cayr badantahay midaada, taasi horumar ma soo kordhineyso.

Qaasatan dadka wadanka ku cusub waxaa haboon in ay meesha ay ka degaan wadanka ku nagaadaan waqti ilaa ay ka dhameeyaan  SFIga, ka qaataan Laysanka iyo xitaa in ay dhameeyaan iskuulka Komvux. Qofku waa in uusan ka guurin magaaladiisa ilaa in uu shaqo ka helo magaalo kale mooyee ama waxbarasho.

Balwadaan waxay naga reebtay asaageen. Fikradihiina ku darsada…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here