“Waa kanaa cadowga dhabta ah ee soo galootiga”

37

Bal Soomaaliyeey ila daawada muuqaalkaan. Haweeneydaan maddowga ah waxay soo fuushay bas iyadoo aan wax tikit ah wadan.

Markii la waydiiyay in ay bixiso tikitkeeda ayay ku dhufatay qeylo dhaan iyadoo aflagaado u geysatay Sweden iyo shacabkeeda. Waxay aflagaadeesay booliska. Bal eega eraya ay ku qeylinayso “jävla kuk kuk” waa eray fool xun, bal haddii aysan lacag wadan may iska aamusto ama si xushmad leh u weydiisato.

Waxaa ka sii daran in ay hadana oohin ay ku dhufatay, waxay ku ooyaysaa in Sudan ay 15 sano ku nooleyd. Waxaan filayaa in ay ka soo jeedo Eritrea ama Ethiopia. Ka dibna waxay ku xijineysaa qosol iyo hadal aan dhamaanayn. Waxay ka hadlaysaa in ay Muslim tahay oo aysan qamriga cabin maadaama uusan xalaal ahayn balse waxaa iga su’aal ah  WAX XALAAL AH MAKA MAQASHAAN AFKEEDA IYO FICILADEEDA?

Dadka nuucaan ah waa kuwa magaca naga dilay haddii aan nahay Soo galooti, african iyo Muslimiin. Waa dadka ay sida ba’an u raadinayaan cunsuriyiiintu si ay tusaale uga dhigtaan. Haddii aan awooda hayn lahaa qofkaan 1 maalin oo kale Sweden kuma ay sugnaateen. DAAWO VIDEOGA OO DHAMAYSO…MA QOSOSHAA MISE WAA CAROOTAA?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here