Waa kanaa qorshaha ay dowlada Sweden ku musaafurinayso qaxootiga

Dowlada Sweden oo balan-qaaday in ay wadanka ka saari doonaan 80,000 qof oo qaxootiga diidmada la siiyay ah ayaa maanta soo bandhigay qorshihii dadkaasi lagu celin lahaa. Dowlada ayaa hadda go’aan rasmi ah gaadhay taasoo lagu xaqiijinayo in qaxootiga sharciga loo diiday ay wadanka isaga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Qorshaha dowlada ayaa ah ugu horeyn in marka qofka diidmada la siiyo in laga goosto lacagta kaalmada isla markaana laga ceyriyo xerada qaxootiga. Arintaas ayaa la sheegay in ay saameyn ku yeelan doonto dad ka badan 4000 qof oo hadda ku sugan xeryaha laanta socdaalka (Migrationsverket) isla markaana kaalmo dhaqaale hela.

Talaabada labaad  ayaa ah in qofkaasi loo qabto 2 ilaa 4 isbuuc in uu wadanka si iskiis ah uga baxo, oo haddii uu ka bixi waayo wadanka markaasi qasab looga saari doono. Wasiirka Socdaalka Morgan Johansson ayaa sheegay in ay diyaarin doonaan goobo lagu hayo dadka la soo qabtay ee loo diyaarinayo musaafurinta.

Qorshaha dowlada oo ah mid xoogan ayaa waxa uu taageero ka haystaa xisbiyada mucaaradka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

30 Responses

  1. Sahra shiiqey says:

    Waa yaaab inta diidmada heesto oo aniga ka mid ahay awalba sweden qofkii bilaa sharci ah waxba kuma heesto oo toban number ayaa meel walba lakaa wedinaa awal ayaa silac ku nooleen ee wadankena no dhamo cid ku naxeeso malahan oo dadka sharciyada heesto nooma diirnaxaan oo nooma doodaan oo iyakaba niyada kaa jabinayaan oo wax kaleto iska dhikaan dadka qaar ee alla noo maqan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 36 Thumb down 6

    • kabtan matii says:

      Hidden due to low comment rating. Click here to see.

      Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 9

    • Mohamed Mussa says:

      Sorry aad baan uga xumahay sahra shiiqay dhibaata ku haysato swedan waa wadan sii xumaanaya inkastoo aan aniga germany ku noolahay hadana qaabka ay u dhaqmayaan wadanka aan joogo uma dhaqmo xataa hadii negative lagu siiyo waa shaqaysan ilaahow wadankeena nabad nooga dhig

      Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

    • khadar says:

      Hidden due to low comment rating. Click here to see.

      Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  2. ifka says:

    sahra shiiq abaayo sorry waan ka xuumahay in aad haysan sherci laakin adiga iyo inta kula mida waxan idiin rajeeynay in ilahay nosaqiiro aniga haysana shercigana naga qado guumaysiiga aan ku jiirno ileen waan wada ognahay sweden meel ma ahee

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 1

  3. Nuurdiin says:

    Walalayaal dadka sharciga loo diiday oo caruurta u joogaan Sweden ha nala soo xariiraan si aan ugu saacidno qaabkee u marayaan dacwadooda shirkada DNA ga

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 5

  4. samatar says:

    Hal talo aya idin sina aada italy inta ana qarada nikala sarin aniga waxa sharci la.an aha 10 sano ku dhawad wadamo badana wa tagay sharciga Dublin aya la I cuskaday dib ayana la I so celiye ano la.igu hanjabay in qarada dhan la.iga sarayo hadi la i qabto aya waxa maqlay in Italy e Dublin-ga cafiso kadibna wa aday alx hada sharci shan sano ah e isiyen hada cidna kama baqayo in e qasab igu celiso nin sharci yurub haysto a ahay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 1

  5. dadkaaga wax u qabo says:

    Nuurdiin hadaa wax caawineyso caawi dadka masaakiinta ah oo dharcuga heysay u ololeey meesha hala soo istaagis DNA iyo ganacsi dhuuntaa ladahayee uf lacag aa kuu fan eh

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Catoosh says:

    Su.all dadka laga sarayo xeryaha makujiran kuwa reerka leh iyo ilmo lkn aysan wadankan ujoogin madama wasiirka dhahayo dadka qan garka ah kuma jiran oo familijen ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Sahra shii says:

    Ifka aamiiin walaaal nuuradiin maxaa waaye DNA aad shekeso aniga hada dhow ayaan cunug dhalay diidmo ayaan heestaa cunikii markaan geyey migareshanka magan galyo udalab ayaa ledhahay kadib laba isbuuc diidmo ayee usoo tuuran waa mida aan aadka uku qoslay markee cunika diidmo ika siiyeey diidmada ayee ku macneyeen sababta aleku diiday oo aan eheen qof magan galyo ubahan sahra ahaan cunukana uma bahno leku dhahay ee awal qallbika naka tookteen ileen toban number nohor taalo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • Cabdiqaadir says:

      Cunuga abahii kulma jogo haduu kula jogo sharci ha ka war warin

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. ayaanle ali says:

    asc sxb jimcale sweden waxaan soo galey aniga oo ah 14 jir sanadkii 2014 hada waxaan ahay 16 sanadka soo socdo 17 Ayaan noqonaa insha allah wadankana markaas waxaan joogaa 3 sano walina magaarin 18 marka ma dalban karaa sharciga ween couse waxaan maqley wadanka hadaa 3 sano aa joogto aadna 18 ka yar tahay sharciga ween waa dalban kartaa maxaa ka jiro arinkaas iga jaahil bixi sxb thanks alot

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. Abdi says:

    Sahra Walashey Alle hakaaga soo qaado Sharci sabar insha ‘alah Wax kheyr leh aad ku faraxdid waa ku heleysa sabarkaaga insha’alah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. Abdi says:

    @Ayaanle
    we jirta dad sidaas ku qaatay waa arkay Waxa lagaaga xisaabinaya xiliga sharciga Degenaashaha heshay ama hada ku imaaday Dacwo xiliga wadanka soo gashay Ayaa ka tirsaneesaa 36 bil ama Sadex Sano

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. asc walaa wxaan heesta diidmo hadana waxaa balan iga so dhacdey poliska ma laga yaaba iney qasab igu celiyaan wadankana sanad kabadana ka maqnaa bilihi u dambeeyey ayuu migrationka kaarka lacagta iga xayirey
    marka hadey jirto cid wax ka og oo iga war roon iga caawiya
    waa mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • @hooyo Soomaliyeed: Asc marka hore.wanka xumahay diidmada lagu siiye,mida lawaad maadama aad wadanka ka maqneyd sida qoralka aad kuso qorte waxan filaya su´aala aye ku weeydinayan,wax qasab oo la isku celiyo ma arkin.booliskana danbiya aye baaran,lakin qof in la celiyo maxkamad ku xukunto weey ku lug yeelan karan.Insha Allahu waan kuso ducena niyada kheyr usheeg,wax dhib ah ma arkeysid.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. hoodo says:

    asc walalyaal rer iswedhan ilaahy cadawga galada hanaga wada qabto su aal dadka maysan yurbtaa kele u carari karin may uga baxaan wadnka oo melkale iyo nasibkoda egaa ilaahy baa joga walaahi sahro ilaahy adiga iyo nuunahaaga ha idiin gar gaaro wax ka khayir badan baan ilaahy kuu wey dinay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. hoodo says:

    walalyaal dadkii dacwadaha u xarysnaa oo labsno waxay diiden iyo qaabki ay u cuskden cidii war ka haysaa ha ii shegto anigu rer labo sanan ka hary walina dhigii bay aabihii ka qaadin dacwadana 16bil bay no marysaa marka ayaantaan rer labo sano waan wayey ma wada helen ma qayibaa la diday xagee ka dhacden

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. ifka says:

    sahro shiiq abaayo aniga war ku hayo ee iga so wac viberka lambarkusu yahay 0728682007

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Abdifatah says:

    kkkkkkkkkkkkkkkk sooomalay warkiin ba intaaa dalkiini soo gubteen ayaa halkaan waxaad ku haysaan oohin iyo calacal war sharcigii ilaahay waa haysataan ee alx dhaha qof walba adunnka joooga ilaahay wax buu u qoray cidna kama horsitaagi karto marka walaalaha sharciga wadankaan tabata alx wax ka khayrbadan ayaa ilaahay idinku bedelayaa inuu shar idinkaga maqan yahaya ayaa laga ayabaa kuwa haytaana saalada iskuulada ayay kaga tagtaa idinkaa alx wakhti aad ilaahay wax fcn ku weydiisataan haysta alx marka ilaahay wadankena nabadn ha nooga dhigo mid sharci haysa iyo mid aan haysanba waa u baahan yahay wadaankiisa wlalal ilaahay wadamadan gaalada ha naugu ifdiyo aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

    • Dalandool says:

      Araméen bro wallahi somali hasaynu nahay ama Muslïn bdan oo samankan manta joga caqiidadii baa inaga xumaatay oo risiqii ilaahay inoo balan qaaday ayaynu ka warwarnaa in bdan oo hadh iyo habeen gaal been loo sheegayaa anigaygani ka mid baan ahay halki là rabay inaynu gaalada dhaqan wangsan kula dhqano oo shrafta islaamka dhawro ayaynu nafaheenii,tii diinteena,iyo tii dalkeenaba dhulka ka hoosmarinay Alle ha ina soo hadeeyo.Aĺahuma amen

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  16. Ahmed Xujaale says:

    TALO XUMO: Dadka loo diidady sharciga hadii loogu daro in lagu goosto Biilka iyo Hoyga waxa khatar gelaya aminiga Dalka Sweden, Dukaamada ineey dhacaan si ay u helaan wexey cunaan ayey noqoneynaa.

    Waxa kaloo ayaduna adag in Qof wadankii uu naftiisa kalasoo cararay dib loogu celiyo, Waxa suuragal ah in dadka diiidmada la siiyey ay qalalaaso iyo dhib hor leh geystaan, sidoo kalena ay ku kacaan falal aan Haboonayn!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Foos fanniy says:

    Asc walalaha somaliyed waxan ahay gabar diidmo heysato 2013:3:27 ilaa hada hada waxaan noqoday familay lk. Weli caruun maan Dhalin ee walalo yaal yaa iga caawin karo sidan ninkeyga isku shevan laheyn oo arintan iiga roon hada ka hor marbuu tagay iskadka waxaa la yori waa iney le dahay 4 nambar marka wllha ahalkan ku jira maxaa igu caawin kartiin oo talo iyo tusalo ah jwb wacan insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Ali says:

    Sorry waan ka xumahay..dhibaato da haysata.umada soomaliyeed.meel.walba.oo.ay.joogaan.waxan ku noolahay.wadanka.maraykanka.lkn.wali.waxan.ku.sugayaaa.sharciga.balse.dhibtaas.la.mida.nama.haysato….xoogaa.waad.xamalan.kartaa.ganacsina waad.furan.kartaaa.lkn.wanad.socdaali.karin.uun….dhamaantiin.waan.idin.soo.ducaynayaa.wallalah.dhiban.illahay.waa.idinka.saari.doonaa.dhibta.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. muuse adow says:

    asc dhamaan umada somaliyeed meel kasteey joogto u duceeya qofki dhib heesto ee yaan si doqon nimo ah loo hadlin sida ki gabadha ku yirri matahay gabar qurux badan iyo waxan qof xishood ku dabeeyo ku hadlin ogow waxba ma dhaantid waxad tahay soo gallooti wana lagala laban kara war qada aad isku haleesay doqon baad tahaye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. sucaad naasir says:

    asc dhamaantiina dhibaatada meelkasta ayeey talaa aniga xataa wiil aan dhaley ayaa iga qaangaarey markaa wuu yimid malafkiisii hore Ayaan ku dhiibey waana sheegey inaa aniga dhaley oo aan u dacwoonaayey oo iyaga iga qaan gaariyeen intii aan sugaayeey lkn nasiib daro faro ayaa looga sooqaadey Italia markii uu gariiga kasoo galey hada waaku celineynaa ayeey dheheen oo Italia ayaa kuu celineynaa Italia mayaqano waligiisna ma arkin ee maxaa falaa walaalayaalow ila talia arintiisa boliska ayaa lagu wareejiyey lacagtiina waa kagoosteen bishii sagaalaad 2015 Italia dhana sadax maalmood ayuu joogey markaa maxaan sameyaa dacwada ma iska sii wadaa mise waan iska aamusaa looyar wax maqabankaraa arintaan oo kale bal ii soo jawaaba qofkii arintan oo kale heeysato

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Ramla says:

    Asc walal nuradiin waxan rawa noberka ama mel an idinkala soo xiriiro shirkada DNA wan ubahanahay walal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. cadnan says:

    SUUCAD wll Aniga waxaan kushegaya wiilka hadi faro logasoqaday itali ay kuwani leyihiin wan kugu celineyna itali ha iskaga labto shrcina hakasoqato kadi asiivo xurah ayo kusolawanaya o sharci haysto teda kalena italiya aqon uma bahna ayo marki lagadajiyo elaborka ayaba laga kaxeynaya o kam aya ageynaya meshasi Ayo kabilawaya dacwadisa idinkana waxaad kutari kartan ayad kutareysa wayo qof italiya jogo xoga bishi wo iskaga bahanyahay wayo nolasheda aya iskayara adag

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. sucaad nasir says:

    jizakalah cadnaan waa saas wax dhaanto maleh alaa kariim

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. sucaad nasir says:

    su,aalbaa ii hartey cadnaanow ma iskiis ayuu u baxayaa mise boliska Ayaan u geeyaa see cml sidee Italia kugeyaa bal sharciga Italia ha iska doontee shukran

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0