Waa kee baasaboorka ugu qiimaha badan iyo kan ugu liita aduunka?

14

Baaritaan cusub oo la soo saaray ayaa muujinaya baasaboorada aduunka ugu qiimaha badan iyo kuwa ugu liita. Baaritaankaan oo ay samaysay shirkada Henley & Partners ayaa waxaa kaalinta 1-aad galay baasaboorka Germany oo 177 wadan viiso la’aan ku gali kara. Halka Sweden ay gashay kaalinta 2-aad oo ay dadka baasaboorka Swedishka haysta u safri karaan 176 wadan.

Wadamada Ingiriiska, France, Italy, Spain iyo Finland ayaa kaalinta 3-aad galay oo 175 booqan kara. Halka Maraykanka, Belgium, Denmark iyo Holland ay kaalinta 4-aad ku jiraan.

Dhinaca kale, baasaboorada ugu qiimaha liita aduunka ayaa kaalinta 1-aad ee ugu liidata waxaa galay Afghanistan, Labaad Paskistan, sadexaad Iraq iyo afaraad oo ay gashay Somalia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here