Waa kuma 10ka qof ee aduunka ugu lacagta badan?

Maanta waa maalin axad ah oo nasasho iyo hurdo lagu jiro. Inteena badan maanta shaqada, iskuulada iy baraatiiga waan ka fadhinaa. Hadaba waxaan eegeynaa 10ka qof ee aduunka ugu lacagta badan iyo sidii ay ku gaareen heerkaas.

1. Carlos Slim iyo reerkiisa waa nin ka so jeeda dalka Mexico oo lacagtiisa lagu qiyaaso 74 bilyan oo dollar. Ninkaan waa ninka aduunka ugu lacagta badan. Lacagta ayuu ka sameeyay dhowr shirkadood.

2. Bill Gates waa ninka aad wada taqaanaan ee mudo dheer ahaa ninka ugu lacagta badan aduunka. Bill Gates waa aabaha shirkada Microsoft ee sameysa barnaamijyada komburada sida Windows & Office. Lacagta Bill Gates ayaa lagu sheegaa 56 bilyan oo dollar. Da’diida waa 55 sano.

3. Warren Buffett waa nin kale oo mareykan ah waana ninka sadexaad ee aduunka ugu lacagta badan. Beesada uu haysto ayaa gaareysa 50 bilyan oo dollar. Da’diida waa 80 sano jir isagoo waxaas oo lacag ah ka sameeyay hal shirkad.

4. Bernard Arnault ninkaan waa 62 sano jir Faransiis ah waana ninka afaraad eee aduunka ugu lacagta badan. Lacagtiisa waxay gaareysaa 41 bilyan oo dollar.

5. Larry Ellison waa 66 sano jir, waana aabaha shirkada Oracle ee maraykanka waa ninka shanaad ee aduunka ugu lacagta badan oo qasnadiisa ay ku jirto 39.5 bilyan oo dollar.

6. Lakshmi Mittal waa nin hindi ah oo da’diisa tahay 60 sano jir. Ninkaan ayaa gabadhiisa ku guuriyay lacag ka badan 60 milyan oo dollar. Dhaqaalihiisa ayaa lagu qiyaasaa 31.1 bilyan oo dollar. Waxa uu leeyahay shirkad birta sameysa.

7. Amancio Ortega waa 74 sano u dhashay wadanka Spain oo ah ninka todobaad ee aduunka ugu lacagta badan. Dhaqaalihiisa ayaa gaaraya 31 bilyan oo dollar.

8. Eike Batista waa 53 sano jir u dhashay wadanka Brazil. Lacagtiisa ayaa lagu sheegaa 30 bilyan oo dollar.

9. Mukesh Ambani waa nin hindi ah oo 53 sano jir ah, waxa uu leeyahay shirkad lagu magacaabo Reliance. Lacagtiisa ayaa gaareysa 27 bilyan oo dollar.

10. Christy Walton waa haweenayda uu ka dhintay ninkii iska lahaa dukaamada Wal-Mart ee ugu weyn Maraykanka. Markii uu dhintay ninkeeda ayay dhaxashay lacagtiisii oo gaareysa 15.7 bilyan dollar iyo intii qasnadeeda ku jirtay taasoo ka dhigaysa dhaqaalaheeda 26.5 bilyan dollar. Da’deeda waa 55 sano jir.

Dadkaas waa 10 qof ee aduunka ugu lacagta badan. Ninka Sweden ugu lacagta badan ayaa liiska kaga jira nambar 13. Waa ninka lagu magacaabo Stefan Persson oo ah agaasimaha dukaamada dharka ee H&M lacagtiisa ayaaa gaareysa. 24.5 bilyan oo dollar.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

19 Responses

  1. Dooyaale says:

    Sanadkaan Ingvar Kamprad ( IKEA ) kuma jiro waa lasoo dhaafay cml .

    Cinwaanka Mawduucana dib u fiiris ayuu u baahanya .

    Cinwaanka qoraalkiisu waxaa uu tilmaamaa qof kaliya ;; Kuma;; iyo Kuwama ;; farqiyaa u dhaxeeya naxwa ahaan.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  2. Massago says:

    DOOYAAL MEESHA AJRUMI MAALAGU HAAYAAA
    KUMA–KUWAMA WAA ISKUMID?
    LKN WAXAAAKA DHIMAN MESHA MASSAGO MAXAA YEELAY NINMANKAAS ANIGA AYAABA KALACAG BADAN 4–WAQTI AAN CUNAA LKN WAXAA MACQUUL AH AYAKU INEEYSAN 4–ISKA DHAAFE XATA AYSAN 2 WAQTI CUNIN

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  3. Dooyaale says:

    Walaal Massago , meesho waa Saxaafad qoraalkii qaldana in aqristuhu yiraa hala saxo , waxaan filaa waa wax qofka u furan , haddiise aad wadid qori qori ku taagtii na qaribtay waa kugu adiga.

    Adiga bal fasir erayga ah ”Waa Kuma Tobanka Qof ee Dunida ku Hodansan ?”
    iyo ” Waa Kuwama Tobanka Qof ee Dunida Ugu Hodansan?

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  4. Faa`id says:

    Waa kuwama ayuu ka waday,qofku haduu wax qoro qalad laga weyn maayo waxaasina dhib ma lahan waana la fahmaa inga fara.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  5. Dooyaale says:

    Haa sax Faa’id mahadsanid , Nin Gahaysray ayaa tahay.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  6. abuubakar says:

    ASC masago saaxiib adiga taajirnimadaada sadexda waqti aa ka hadashay ayagana lacag aan macquul ahayn ayay haystaan, laakiin ninka ka taajirsan waa ninka si dhab ah ula yimaad kuna dhaqma kalimada ah ( LAA ILLAAHA ILLA LAAH ) iimaan dhab ahna la yimaad.

    WWS

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 1

  7. mohamed says:

    a.s aqyaarta dhamaan marka hore ma gafe waa Ilaah bin’adaam qalad maba laga weyn karo, waa kuma iyo waa kuwee waxay ila tahay waxay ku kala duwan yihin (kuma) waa hal, kali,(kuwee) waa, labo iyo wixii ka badan .

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  8. najma says:

    ASC dhamaantina waxaan jeclahaay ina ku darsado rayigeyga
    ile waxaa fican ina wax kaasta la la socda oo aduunka ka dhacayo
    waana ficaantahay ina ogano dadka ugu tajirsan dunida
    lakiin waxaan kasi jeclaan lahaay iney ku jiran dad muslima oo isku darsadaay labada dhinaac adigo heysadiid lacaagta dunida ugu badan iyo diinta ugu weyn uguna saxsan .
    waxaan kalo sina rayi massago inu ka hadliin cunada 4 waqti
    ile nimaankaas lacaagta badana iskaba dhafe cuna laga yabe iney xata lacaagtada ku imaneyso swedan iney cawiyaan dadka qoxotiga oo xata adiga ogeynin iney kugu jirto lacagaha qadaneysid ille swedan lacaagaha ey dadka sinayo waxaa laga soo qada qurumaha midowe kuwa qoxotiga cawiyaan ee iska dhaaf botada .

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  9. kahiye says:

    asc dhamaan waa idin salam markaan ka hadalo naxwihii uu ka hadalayay dooyale waa sax waa qaldan yihin WAKUMA WAXAAY NOQONYSA 1 QOF WAKUMA WAXAY NOQONAYSA 2 IYO KASII BADAN lkn waa la fahamay mida kale waxa tajir ah qofkii ILAHAY ka dhigay muslim dhab ah messgo mahanin aad tiraa 4 waqti ayan waxa cunaa waxa ka cuna badan malah gaalada ee ku mahadi ILAHAYGII kadhiagy muslinka waa hadii aad atahy muslin maxayelay magacagu mahan magac muslime

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  10. faysal says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  11. Daade yare says:

    A.s.c.salantas kadib waxan idin weydiyay dhaman fa.idadi mowduca oo dhan nimanka iskuso magacabay canbulo iyo masago iyo galey iyo bukurey iyo IWM mawaxd kudhamey sen KTMA IYO KUWAMA MICNAHA BULURAL IYO SINGULAR WALE WACAJIB SOMALAY K.K.K.K.K.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  12. Dooyaale says:

    Daade Yare Ugaas , intaadan adiga ruuxaaga Garsuure noqon Afka soomaaliga soo sax , qoraalkiisa iyo oraahdiisaba.

    Plural/Singular Af Soomaali maahan , teeda kale (,) Hakadka (.) Joogsiga , (/) Hawaarta (:) Heegayaasha (;) Kulmaha intaba iga soo sax walaal.

    Markaa Garsoore isu soo sharax………..hhhahah ha iga dhirfin waa uun kula kaftamaaye.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  13. Daade yare says:

    Dooyaalle.fadlan afsomali adiga hana barin ee hadii aad. adiga xiso uqabto fasalada lagubarto kumashqul ee horta soo saxo magaca aad sheganeyso qabka uu uqormo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  14. Dooyaale says:

    Daade yare mahadsanid , balse markaa waxa jira kuu sheegay aasaadan garwaaqsan ayaa magacayga ilkaha suratay .

    Waxaan filaa dhulka Soomaaliwayn ayaadan kala aqoon , oo Doonyaale ayaad u haysataa in aan ka wado .

    Kama wado sidaaye Dooyaale ayaan ka wadaa , waana meel magaceed .

    Doonyaalana waa jirtaa. Dooyaalana waa jirtaa waana laba degmo/tuulo oo boqolaal Km isku jira kalana gobol ah . Marka Daade dhulka intaa ka taqaanid uun ma’ahan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  15. Daade yare says:

    Ku,dooyaalle,sxb iskuma heysano mesha ladhaho ee waxan iskuheysana sida ey uqoranto kudhawaq then qor dooyaald miya mise dooyaalle adiga ayan kudeynaya jw

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. Daade yare says:

    Dooyaalle miyey uqorontaa.mise dooyaale,adiga ayan kudeynaya, jw?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Dooyaale says:

    Walaal Daade yare , mahadsanid dood wadaagaaga.

    Sida ay iila muuqato eraygaan waxaa uu u qormaa Dooyaale, xitaa markii aan isku dayay in aan kaashado qoraalo horay loogo qoray magacaan si aan u ogaado keenamaa saxan .

    Waxaan soo helay Gabay uu tiriyay Abwaan Ducaale Cabdisamad Axmed .

    Oo uuoo ku soo qaadanaa magaalooyin iyo Tuulooyin waxaana ka mid ah Degmada Dooyaale ee aan hadda magaceeda wato.

    Bal ila arag Hab Qoraaleedka gabayga uu ugu qoranya.

    Dal waqooyi daafeed Wanliyo da iyo meel dheerba

    hara lagu dabaashiyo illaa Dabare loo gaaro

    burka Dugule daaraha Burciyo harafka Dooyaale

    degmo iima laabnee ilaa daaqil Xamar-weyne

    waxaan gabar daruur u eg arkiyo dooran cid u joogta

    oo daaman shuban ood ilkaha dahab u moodeysid

    mid waxaan darduuree mid kale sii dabariyaaba

    dardar waxaan ku dhaafiyo waxaan dumar liidaaba

    degdeg waxaan ku helo taan hablaha hadal ka doonaaba

    warkaagaan ka doorbiday waxaan daadahyn jiraye .

    Walaal Daade yare bal gabaygaa aqriyo ka eeg Dooyaale halka ay ku qoranta .

    Way dhici kartaa in aad iga saxanta ulaman jeedo is difaacid , balse asalka erayga qaab dhigmeedkiisa , waxaan filaa in uu san ladhnayn , maxaa yeelay eraygu marka uu kabbarka leeya iyo marka uusan lahayn isku yeerid mahaan .

    Tusaale Dabarre kabbar ama ladh ayuu leeya .

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. daade yare says:

    sxb gabayga aad rabto in aad igu qanciso horta waxaan aamin sanahay in uuqori karo ama uuqoray nin sxbkey dooyaalle ookale ah balse xaqiiqda ayaa wexeytahay in xarfaha labo laabmo eey soomali oodhan eey wada ogyahiin hadii aad u ogalatay dabarre in ey saas uqoranto dooyaalle in ey sas uqoranto madaah baakaasaaran eni wey sxb madax adeega dhaaf ee aan kala faideysano ijiid aan kujiide waa gacmo daalis waxbadan ayaan kusalamayaa================by by

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  19. Dooyaale says:

    Cadde waa yahay waan kugu raacay sida aad sheegtay :

    Balse haddii aan ku weriyo , Dooyaalle halkee ku taal ma garanee ?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1