Waa kuma bulshada Roma?

3

Soomaalida Sweden waxay ka eedsheegtaan cunsuriyad ama waxaa lagu eedeeyaa in aysan la qabsan bulshada ay ku dhex noolyihiin, balse Soomaalida waxaa la dhihi karaa waa kuwo meel sare jooga marka loo barbar dhigo bulshada Roma oo mudo kharniyaal ah la daris ahayd cunsuriyad baaxsan. Hadaba maxay yihiin Roma? Maxay Soomaalidu ka baran karaan?

dadka Romada ayaa la kulmay cunsuriyad iyo naceyb badan oo socday mudo boqolaal sano ah. Waxay ku kala firirsanyihiin guud ahaan Yurub. Xiligii kumeysiga ayaa xitaa wadanka Portugal uu musaafuriyay dadkii romada ee ku noolaa dalkiisa isagoo u dhigay Brazil.  Dadka romada waxay caan ku yihiin tuugsiga iyadoo aad ku arkeyso tareemada iyo goobaha kale iyagoo tuugsanaya.

Dadka Romada ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 7 milyan balse waxaa la aaminsanyahay in tiro badan oo Roma ah aysan diiwaan galin in ay Roma yihiin si ay uga fogaadaan cunsuriyada sidaa darteed waxaa lagu qayaasaa ku dhawaad 14 milyan in ay guud ahaan yihiin. Inta badan waxay ku nool yihiin wadamada bariga Yurub balse  sidoo kale tiro badan ayaa ku nool galbeedka Yurub iyo bariga dhexe.

Romada ayaa la aaminsanyahay in ay ka soo jeedaan India oo qarnigii 11-aad ay u soo haajireen Yurub. Wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee aduunka ayaa dadka Romaha waxaa gaboodfalyo xun kula kacay nidaamkii Ruushka iyadoo la mamnuucay luuqadooda, dumarkooda waa la duray si loo yareeyo in ay wax dhalaan.

Romada waa dad qiimeeya qoyska, sida Soomaalida waxay leeyihiin qoysas balaaran iyadoo gabdhaha da’a yar lagu guursado. Bikrada muhiim ayay u tahay romada. Sida Soomaalida marka ay is guursanayaan Romada ninka ayaa lacag ku bixiya xaaska. Dadka Romada ayaa la dhihi karaa nidaamka qoyskooda waxa uu ku dhow yahay midka Soomaalida, waloow caadooyin badan ay kala yimaadeen India.

Romada ayaa waxay soomaalida kaga duwan yihiin in ay qaataan diinta meelaha ay u haajiraan, inta badan roomaha waa Kiristaan balse waxay sidoo kale leeyihiin Muslimiin qaasatan kuwa ku nool Bosnia, Masar iyo Turkiga.

Sweden dadka romada ah waxaa lagu sifeeyaa dad minorati ah kaasoo xaq u siinaya in si gaar ah loola dhaqmo iyo in caruurtooda xaq u leeyihiin luuqadooda hooyo wax lagu baro balse Romada kama faaideystaan fursadaan iyadoo kala bar caruurta Romada aysan dugsi hoose ka bixin. waaxda iskuulada (Skolverket) ayaa sheegtay in aysan hayn cid ku hadli karta luuqada Romada.

Soomaalida Sweden ku dhaqan ayaa qaarkood dhahaan waxaan ka liidanaa Romada taasoo meelaha qaar markii loo eego xaqiiqo ah, balse meelo badan ayaan kaga wanaagsanahay. Soomaalida dad cunsuriyad ku soo korey ma ahan sida Romada balse Romada waxay nooga fiicanyihiin way naga firfircoonyihiin Sweden. Waxay leeyihiin ururo ay ku mideysanyihiin oo xuquuqdooda u dooda.

Hadaba ma la dhihi karaa Soomaalida waxay noqon karaan ama yihiin Romada labaad ee Yurub? Sidee ayaan uga hortagi karnaa in aysan nagu dhicin waxa ku dhacay Bulshada Roma? taas waa mid u taala dadka wax garadka ah ee Soomaaliyeed.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here