Waa kuma ninka Swedishka ah ee Somaliland ay u magacowday safiirka Qaaradab Yurub?

31

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan u magacaabay nin Swedish ah oo lagu magacaabo Mikael Torstensson in uu noqdo safiir sharafeedka Somaliland ee qaarada Yurub. Ninkaan oo aan horay wax uga qornay ayaa ah mid aan haba yaraatee wax waayo aragnimo ah aan u lahyn dhinaca Siyaasada balse ah nin degan tuulo yar oo lagu magacaabo Sävsjö halkaasi oo ay uga furantahay shirkad yar oo daabacaada samaysa isaga iyo xaaskiisa.

Markii uu soo galay masraxa Somaliland ayuu isku magacaabay in uu yahay nin maalgashade ah balse arimahaas ayaa u muuqda kuwo been abuur ah maadaama shirkadiisa cusub ee maalgashiga uu aasaasay sanadkii 2012 iyadoo ilaa sanadkii hore ahayd mid qasaaro ku jidhay iska daa maalgashi ay samaysee.

Madaxda iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa u muuqda kuwo aan baaritaan fiican ku samayn shaqada ninkaan ee kor ka raacay in uu cadaan yahay oo keliya. In qof loo magacaabo safiirka Qaarada Yurub ma ahan arin fudud, iyadoo qofka xilkaasi loo magacaabayo looga baahanyahay in uu la yimaado xirfadii iyo waayo-aragnimadii uu hawshaas ku qaban lahaa. Mikael Torstensson oo waligiis aan Sävsjö kor u dhaafin in uu wax badan u soo kordhinayo Somaliland ilama ahan.

Intaasi waxaa sii dheer in ninkaan uu caado ka dhigtay in uu afxumeeyo Somalia, isagoo taasi magac uga raadinaya dadka reer Somaliland. Sanadkii hore ayay ahayd markii uu ku jeesjeesay dadkii lagu dilay weerarkiii argagixisada ee ka dhacay hoteelka Jaziira isagoo soo qoray “Qarax kale 10 ayaa ku dhimaday. Goorma ayay aduunku aqoonsan doonaan wadanka nabada iyo dimoqraadiga ah ee Somaliland oo ay naga xoreyn doonaan wadanka argagixisada ah ee Somalia”

Guud ahaan siyaasiyiinta Somaalida ayaa u muuqda kuwo indho-beel ku dhaco markii uu qof cadaan ah u yimaado, iyagoo laga yaabo in haddii suut loo soo xiro kuwa ka tuugsada wadooyinka Stockholm in ay jagooyin u magacaabi doonaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here