Waa maalinta Qaranka, Hambalyo Sweden

Maanta waa maalinta Qaranka Sweden (Sveriges nationaldag). Guud ahaan wadanka ayaa laga dhigayaa xaflado lagu maamuusayo maalintaan iyadoo soomaalida sweden ku dhaqan ay ka qeyb qaadanayaan. Xisbiga Miljöpartiet ayaa ku baaqay in maalintaan laga dhigo mid lagu muujiyo furnaanshaha iyo dhaqamada kala duwan ee Sweden. Cunsuriyiinta ayaa iyagu aaminsan in maalintaan laga afduubtay dadka dhaladka Swedishka ah.

Maalinta Qaranka Sweden ayaa si rasmi ah waxaa loo dhaqan galiyay sanadkii 1983 ka dib go’aan ka soo baxay baarlamaanka Sweden. Maalintaan ayaa waqtigaas ka hor waxaa loo yaqaanay Maalinta calanka Sweden (Svenska flaggans dag).

Dabaal daga maalintaan ayaa bilowday sanadkii 1916, iyadoo lagu maamuusayay doorashadii boqorkii Sweden Gustav Vasa sanadkii 1523, iyadoo tani loo arko aasaaskii Sweden.

Maalintaan ayaa la dhihi karaa waa maalinta xornimada Sweden maadaama lagu maamuuso sidoo kale markii Sweden ay ka baxday midnimadii loo yaqaanay Kalmarunionen waqtigaas oo Sweden ay hal wadan la ahayd Denmark iyo Norway.

Sanadkii 2005 ayaa Maalinta Qaranka Sweden si rasmi ah looga dhigay maalin fasax ah.

Hadaba Sweden iyo shacabkeeda waxaan leenahay Grattis Sverige på nationaldagen!!!

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. aabe soomaaliyed says:

    asc dhaman asxaabta ku dhaqan hambalyo sweden ayaa leenahay dhanka kale maxaa kasoo cusbonaday arintii laba sano maalmahan warkeda waa la waayay wixii aqbaar haayo naso gudbiyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. salma says:

    asc jimcaale walal ariinta dadka aan wax isku dhalin warmaka heeysaa inooso sheeg wax warka haayo dadka aan wax isku dhalin arintooda meesha aay mareeyso jimcaale inaso jawaaab thnks

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  3. Abdi says:

    Marka hore Grattis Sverige nationaldagen!!!.
    Tan labaad waxaa soo baxay qanuun cusub ( Exemption Rule), waxuuna xal u yahay Asxaabta 2 sano.
    Qanuunka waxuu leeyahay waxaa shardi ah in caruur ee jirto , yihiina kuwa ka yar 18 sano. Intaas hadii la helo Dna ayaa lugu cadeynayaa xiriirka reerka . Marka hoosha asxaabta 2 sano weey dhamaatay just singel ka u soo duceeya.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  4. sumayo says:

    ASC ASXAABTA WAAN IDIN SALAAMAY DHAMANTIIN. WALAALAYAAL WAXAAN RABY CIDII WAR KAHAYSA QANUUNKA CUSUB EE 2DA SANO GOORTUU DHAQANGALAYO IN AAD IISOO GUDBISAAN IDINKOO MAHADSAN

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1