Waa markale iyo sheekadii Somaliland & Sävsjö

58

Waxaan filayaa xiligaan in qaar ka mid ah akhristayaasha ay ii arkaan nin anti-Somaliland ah laakiin muhiimadu waa in la soo bandhigo xogta marba haddii ay xiriir la leedahay Soomaalida iyo Sweden taasoo ah barnaamijka boggaan. Hadaba maanta waxaan soo bandhigaynaa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay tuulada yar ee Sävsjö.

Sävsjö ayaa beryahaan noqotay madaxtooyada Somaliland ee Sweden (inkastoo maamulka kamuunka ay diideen in ay aqoonsadaan dowladnimada Somaliland). Ninka lagu magacaabo  Mikael Torstensson oo ah la taliyaha madaxweyne Siilaanyo ayaa noqday mid fikrad kasta oo madaxiisa ku soo dhacda ku tijaabiya Somaliland.

Isbuucii la soo dhaafay waxa uu soo abaabulay tartan ciyaareed qiyaali ah oo ujeedka keliya ee laga lahaa uu ahaa in saxaafada lagu soo qoro in kooxda kubada cagta Somaliland ay ciyaareen tartan ciyaareedkii ugu horeeyay??? Isagoo intaas ku daray in Somaliland ay la ciyaareen kooxda kubada cagta Sweden?? balse taasi ayaa ahayd been abuur, iyaga oo la ciyaaray kooxda tuulada Sävsjö.

Ka dib markii ay ciyaarta dhamaatay ayuu hadana waxa uu qabtay shir loogu magacday “Somaliland World Coalition” taasoo lagu macnayn karo “Xulufada caalamka ee Somaliland” balse nasiib daro xulufo caalam ma ahayne waxaa ka soo qeyb galay Mikael Torstensson, reerkiisa iyo Edna Adan oo ah marwadiida Madaxweynaha Cigaal.

Hadaba su’aasha muhiimka ah ee u taala dadka iyo madaxda Somaliland ayaa ah sababta loogu ciyaarayo magaca Somaliland? oo hoos loogu dhigayo sharafta wadanka, iyadoo sheekadii iyo ictiraafkii wadanka dhan lagu soo koobay tuulo yar oo xitaa dadka Sweden ku nool aysan aqoonin? Inkastoo anigu aan ahay qof jecel Somaliweyn ayay hadana yaab ila noqotay in reer Somaliland aysan ka dhiidhin sheekooyinka macna darada ah ee Mikael Torstensson u abaabulayo ?

Akhristayaasha waxaan kula talinayaa in ay ka doodaan nuxurka mowduuca. Qaasatan qabyaalada waa ka mamnuuc halkaan oo waa la tirayaa fikradaha ku dhisan qabiilka iyo qabyaalada!!

To be continued…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here