Waa maxay Etableringslots iyo Sida lagu doorto?

5

Ka dib markii qaabilaada dadka cusub lagu wareejiyay xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) sanadkii 2010 ayaa waxay dowladu sidoo kale abuurtay mashruucyo kale oo lagu taageerayo dadkaas cusub.

Mashruucyadaas waxaa ka mid ah mashruuc loo yaqaan Etaberingslots ama lagu macneyn karo Hagayaasha Aasaaska oo waxqabadkoodu yahay in ay qofka cusub ka saacidaan waxyaabaha aasaaska ah ee uu baahanyahay marka uu sharciga qaato. Qaasatan hawsha Hagayaasha ayaa ah in ay qofka cusub ka saacidaan sidii uu wadanka shaqo uga heli lahaa taasoo loo marayo in la siiyo warbixinada muhiimka ah ee uu u baahanyahay iyo in lagu xiro shirkadaha shaqada bixiya.

Maadaama heerka waxbarashada ee Soomaalida cusub uu hooseeyo ayay Hagayaashu waxay inta badan qabtaan in ay qofka ka caawiyaan waxyaabaha nolosha la xiriira sida balamaha dhaqaatiirta, fasiraada warqadaha, diyaarinta CVga, iwm.

Mashruuca Etableringslots ayaa waxa uu sidoo kale shaqo u abuuray qaar badan oo ka tirsan soo galootiga maadaama ay shirkadaha Swedishka ah u baahanyihiin qof fahmaya dhaqanka iyo luuqada soo galootiga. Ama xitaa waxay soo galootigu laftoodu furtaan shirkado ka shaqeeya mashruucaan.

Qofka cusub ayaa dhinaca kale waxa uu xor u yahay in uu doorto cida u noqoneysa Etableringslots iyo xitaa in uu awood u leeyahay in uu iska badalo haddii uu ku qanci waayo midka uu horay u doortay. Shirkadaha Hagayaasha ayaan iyagu diidi karin qofkii soo doorta. Waxaana ku waajib ah in ay turjumaan u qabtaan haddii aysan ku hadlin qofka luuqadiisa.

Cida doonayso in ay abuurato shirkad ka shaqeysa mashruucaan ayaa u baahan in ay la xiriirto Arbetsförmedlingen oo iyagu go’aaminaya in qofka loo ogolaado iyo in kale.

Qofka ku nool magaalooyinkaan Falköping, Fagersta, Ludvika, Borlänge, Norrköping iyo Örebro ee doonaya in uu doorto shirkad Etableringslots ayaan ku soo dhaweynaynaa shirkada aan asxaabta nahay  ee LIVEK.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here