Waa maxay Halloween?

Maanta oo ay taariikhdu tahay 31 Oktobar waxay dad badan oo ku nool wadankaan u dabaaldagaan wax loo yaqaano Halloween. Waxaan filayaa in aad aragteen caruur si cabsileh u labisan oo wadooyinka lugeynaya. Hadaba su’aashu waxay tahay horta waa maxay Halloween?

Halloween waa waqti ay dadku sameeyaan qiyaanooyin kala duwan sida in lays cabsi galiyo, filimaan cabsi leh oo la daawato iyo iwm. Waxaan ku bilaabeynaa taariikhda dhacdadaan oo soo jirtay mudo kumanaan sano ah. Dhacdadaan ayaa ku bilaabatay dabaal deg loo yaqaano Samhain kaasoo loogu dabaal daggi jiray bilowga jiilaalka isla markaana ahayd bilowga sanadka dadkii cawaanta ahaa ee ku noolaa wadamada Ingiriiska iyo Ireland.

Waqtigaan ayaa dadku aaminsanaayeen in ay isku milmaan nafsada baniaadamka iyo mida ilaahyadooda. Waxay aaminsanaayeen in waqtigaas dabaaldega in ay dhulka soo booqan jireen dadkii horey u geeriyooday oo ka kala yimid caalamyo kala duwan. Waxay kale oo u dabaaldaji jireen isla waqtigaas ilaaha qoraxda iyo kan dadka dhintay. Waxaa loo mahdin jiray ilaaha qoraxda in uu ka difaaco qabowga jiilaalka.

Sidoo kale waxay aaminsanaayeen in ilaaha dhimashada uu soo aruuriyo dhamaan dadkii dhintay 31 oktobar oo uu ka dhigo xayawaano. Markii diinta Kiristaanku ay soo gaadhay dhulkii ay ku noolaayeen dadkaas cawaanta ah ayay isku dayeen Kiristaankii in ay meesha ka saaraan ciidaan ay sameynjiren dadka cawaanta ah. Waxay sameeyeen ciid kale oo iyaduna ku beegan isla waqtigaas. Ugu dambeyntii waxaa dhacday in ay isku milmaan ciidii cawaanta iyo midii kiristaanka oo ay halkaas ka dhalato waxa maanta loo yaqaan Halloween.

Waxyaabaha ay sameeyaan dadku xiliga Halloweenka waxaa ka mid ah. Khayaanooyinka sida dariska oo laga nixiyo. Waxaa kale oo la isticmaalaa sawirada xayawaanka Kibiliga iyo bisada oo ay aaminsanaayeen in ay la xiriiri karaan dadka dhintay. Waxaa kale oo ka mid ah ciyaaro la sameeyo qaasatan xafladaha caruurta kuwaasoo asalkoodu ka soo jeedo ciyaarihii ay sameyn jireen cawaantu si ay u qiyaasaan mustaqbalka.

Haddii aan eegno dhinaca diinta Islaamka iyo waxay ka qabto arimaha nuucaan ah ayay tahay mid iska cad in waxyaabaha la sameeyo dhacdadaan ay yihiin ficilo shirki ku dhisan taasna waa ognahay booska ay ka joogto diinta Islaamka. Dad badan ayaa ka qeyb qaata dhacdadaan iyaga oo aan wax fikrad ah ka haysan taariikhda iyo macnaha ka dambeeya. Hadaba waalidka Muslimka ah ayaa laga doonayaa in uu caruurtiisa ka weeciyo dhacdooyinka nuucaan ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. Akhriste wanaagsan says:

    Asalaamu caleykum,

    Sxbyaal markiin aan maqaalka hor dhaciisa aqriyay waan carooday waxaana isri qoladan Somaliska ma dad waalan baa waxa ay qorayaan bal fiiriya laakiin markii aan gabagabadii imid ayaan dareemay nuxurka maqaalka oo ah wacyi galin dadka muslimiinta laga wacyigalinayo in aysan qaadan dhaqamad Qurbaha. Markii hore waxaan rabay in aan Comments xun soo dhiibo laakiin Mahad Alla leh oo i gaarsiiyay in aan Gunaanadka aqriyo. Waxaan idiinka digayaa goáan deg deg ilaa aad ka baaraan degto. Waa mahadsanyahiin Walaalaha Somaliska.

    Shaqo fiican baad qabateen oo wacyigalin ku haboon xiligeedii Mahadsanidiin in badan.

    Akhriste,
    Norrkoping

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 1

  2. run says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 14

  3. xaseey says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 11

  4. fadlan kasaara shirkika meesha ku qoran says:

    waxaan ka codsanayaa jimcaale inaad meesha waxan ka sartid si aan dadka muslinka ah ee aan diintooda waxbadan ka aqooni ugu khaldamin quraafaadka iyo shirkiga gaaladii hore iyo kuwan maantu aaminsanyihiin mana haboona inuu akhriyo waxa gaaladu aaminsantahay qof aan diintiisa islaamka si fiican u aqoon wabilaahi tawfiiq

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 5

  5. aabbe says:

    scw horta waxaaa idiin sheegayaa maqaalkaan meesha ku qoran ilaa hada ila ma xuma oo wax aan ku dhaliilo uma jeedo qof waxaan u arkaa ii sheegey fikir iga maqnaaa ama wax igu soo kordhiyey coz micnaheeda maan aqoon lkn soomalida waxay iska jecelyihiiin inay wax un iska sheegaan teeda kale ninka wato magaca RUN waxaan dhihi lahaa mida koowaad waaa danbaawdee ilaaah u toobad keeen inaaad ilaah ku misaashid qabiil iyo waxaan jirin koleeey anigu kuma caaynayo waxbana kuma dhahayo lkn waxaan kuu sheegayaa inaad waxaaa soo qortey wax fiican aysan ahayn adiga iyo niinkii kaa danbeeyey ee kugu raaceyba marka waxaan idin dhihi lahaa wali jaanis ayaad heeysataan eee ilaaah u toobad keeena intaaad umad islaameed caayneeysaan ama aad ilaah wax ku masaaleeysid sidey ila tahay adigaaba hadal qaldan ku hadlayo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  6. Haykal says:

    Asalaamu alykum waxaay mahadi u sugnaatay alle subxaanahu watacaalaa , naxariis iyo nabad galyo ha ahaato suubanaheena MOhamed (S.C.W) intas ka dib waxaan arkaa dad badan oo ila kaldan fikir ahaantayda uu ka mid yahay RUN iyo XAASEY walalayaal idinku ka soo baxa dariiqii rasuulka ee la idin faray somali iyo qabiilkeedu idinma khusayso oo qof kasta goonidiisa ayaa loo xisaabayaa, Qofkastana wuxuu noloshiisa soo qabtay Ama Dhalinyaranimadiisa ku soo bixiyey waa hortalaa , Alle Subxaanahu watacaalaa Wuxuu samaystay naaar iyo JANO Labadaba waa la buuxinayaa , marka Qof kastoow haraacin qof kale xumaantiis , haduu xun yahay ha is oran kaasiba waa xun yahay adna xumooow , Waxaan kaloo SOMALISKA lee yahay waad ku saxantinii in aad arintaas Cadaysaan oo aad daaha ka qaadaan waayo waxaa laga yabaa in aay dad islaam ah oo weliba somali ahi la ciidayaan dadkaas Isugu soo baxaaya Ilaahyadoodii quraafaadka ahaa aay caabudaaan runtii waa wax iga maqnayd oo aan qororsaday hadii laygu casumona aanan ka qayb galayn anigoo og waxaay tahay ama macnaha aay ula jedaaan ciidaas Waxaaana Lee yahay waalidiinta Yurub iyo america joogoow Caruurtiina ha u horseedina BAADI CAD ,,,,,,,

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  7. Abdukadir Hoshow says:

    Maasha allaah waa arin ubaahan in leeysku baraarujiyo waana shirki cad cidii ka kadsoomi laheeydba sida eey culimada inoo sheegeen. Nimanka soo qoraaya hadallada aan loo fiirsan ee aan diin iyo cilmi midna kudhisneeyn waxaa leeyahay dhaqan iyo hormar midna kama taqaanaan ee joojiya dacaayada Soomaalina waa dad muslim ah 100% waase jiraan fara ku tiris ridoobay iyo kuwo lusifooyay munaafaqnimo iyagana ilaah hasoo hanuuniyo ayaan leenahay. Qabiilna ilaah ayaan naga dhigay nooguna sheegay qur,aanka kariimka ah waana run inaan siqaldan u isticmaalnay haddana waxaan dareemayaa in danteena aan soo fahmeeno ee nagala taga fikirkiina Soomaali naceeybka ah waana kufaanayaa qooymiyada aan kadhashay anigoo aaminsan inaan noqon doonno dadka ugu qiimaha badan afrika iyo aduunkaba. Naxariista alle lagama quusto dib u akhriya taariikhda aduunka iyo maraladaha kala duwan ee uu aduunka soo maray hamoodina Sverige ineey tahay janno oo ha isku nabina dhaqan iyo wax diinteenu noo diiday. Waa mahadsantihiin walaalaha somalika. Abdukadir

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. disowboy says:

    ascsxb jimcaale waa ku mahadsantaay sida aad noogu sharaxday halloween! waan ka shakisanaa in meeshaas wax ku jiraan laakin wax iga jaahil bixiyo ma aanan helin, marka sxb tusen tack. noosoo gudbi nwaxyaabahan oo kale ee hadii aanu samayno diinteena dhaawicikara amaba meel uga dhac ku noqonkara aaminsanaanteena.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. bishaaro says:

    Asc salaan ka dib Jimaacale mahadsanid sidaad dadkada aad uga digaayso in aaysan ku qaldamin dhibka diimaha lagu qarinayo magacayada dadkana waxan ledayahay isku daya in aad wax kasta wanaaga ka eegtan by

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0