Waa maxay Lucia?

5

Shalay oo taariikhdu ahayd 13 December ayaa ah maalin ay dadka Swedishka ah u dabaal dagaan waxa loo yaqaan Lucia. Waxaan filayaa in aad aragteen caruur ama dhalinyaro madaxa ku sida shumacyo iyo kuwo gacmaha ku wada oo heesaha. Hadaba su’aashu waxay tahay, waa maxay Lucia?

Sidii aan caadaystay waxaan baaritaan ku sameeyaa ciidaha Swedishka, taariikhdooda iyo faaidooyinka ama dhibaatooyinka ay u leeyihiin bulshadeena. Hadaba haddii aan waxyar idinkaga sheego luciadagen, waxa uu asalkeeda ka soo jeeda maamuska la maamusayo baadariyad Kiristaan ah oo magaceeda la oranjiray St. Lucy oo noolayd sanadkii 304 (ciise ka dib).

Caadada Lucia ayaa soo martay isbadalo badan iyadoo markii hore ay ahayd mid aan sidaas looga qiimeyn jirin Sweden isla markaana aysan ahayn nuuca maanta ay tahay balse ka soo bilaabata sanadkii 1764 ayay bilaabatay caadada Lucia ee gabdhaha dharka cad xiran ee shumacyada sita. Ujeedada ka dambeysa shumacyada ayay aaminsanyihiin in ay tahay sharaf la sharfayo dabka kaasoo ay sheegaan in uu diiday in uu gubo Lucy markii ninkeedu uu sidaas damcay. Sidoo kale waxay u haysteen in habeenka 13 december uu yahay habeenka ugu dheer sanadka taasoo qalad noqotay.

Caadada Lucia ayaa caadi ka noqotay Sweden wixii ka dambeeyay 1927 iyadoo markaas ay magaalada Stockholm u doorteen gabadh in ay noqoto Luciyada magaalada. Maanta ayaa inta badan magaalooyinka Sweden waxay doortaan gabadh in ay noqoto Lucia taasoo madaxa ku qaadeysa shumacyada iyo kooxdeeda. Iskuulada ayaa sidoo kale waxay doortaan Lucia.

Habeenka Lucia ayaa ah habeen ay aad u tuntaan dhalinyarada Sweden qaasatan kuwa dhigta iskuulada iyo jaamacadaha. Si kastaba ha ahaatee caadada Lucia ayaa la dhihi karaa waxay gogol xaar u tahay soo dhaweynta Kirismaska.

Haddii aan ka eegno dhinaceena Muslimiinta iyo Soomaalida ayay iska muuqataa in Lucia ay tahay caado aanan waxba ku darsan karin maadaama ay xiriir la leedahay Kiristaanka isla markaana la sameeyo waxyaabo badan oo fisqi ku ah bulshada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here