Waa maxay Midsommar?

14

Ciida midsommar waa mid si weyn looga maamuuso dalkaan Sweden oo ku beegan 22 bishaan Juun oo ku aadan sabtida. midsommar-somaliskaSoomaalida qaar ayaa ka qeyb qaata dabaaldaga maalintaan iyadoo iskuulada SFIga ay bilaabeen in ay dadku ku baraarujiyaan ka qeyb galna maalintaan. Hadaba warbixintaan waxaan ku eegeynaa taariikhda maalintaan iyo sababaha ka dambeeya.

Midsommar waa caado soo jireen ah oo laga maamuuso wadamo badan oo Yurub ah sida Sweden, Norway, Finland , Denmark iyo wadamo badan. Caadadaan ayaa dhinac waxay xiriir la leedahay diinta Kiristaanka oo lagu maamuuso xasuusta nabi Yaxye. Dhinaca kale caadooyin badan oo la sameeyo ciida midsommar ayaa waxay xiriir la leeyihiin dhaqamadii acraabiga ee ka horeeyay inta aysan diinta Kiristaanka soo gaarin Sweden.

Ka hor 1953 midsommar waxaa loo dabaal dagi jiray 24 bisha Juun balse waqtigaas ka dib waxaa loo wareejiyay jimcaha iyo sabtida u dhaxeeya 19-25 Juni. Galabta jimcaha ee ka horaysa sabtida ayaa waxaa loo yaqaan (Midsommarafton) halka maalinta sabtida ee ku beegan maalinta midsommar loo yaqaan (Midsommardagen). Ciida midsommar ayaa ah ciidaha ugu muhiimsan Sweden oo la dhihi karo waa ciida keliya ee dhaqankeeda Swedishka yahay marka la eego qaabka loo dabaal dago.

Dabaaldaga weyn waxa uu dhacaa galabta jimcaha iyadoo ay isku soo ururaan familka oo dhan halkaasoo ay soo ururiyaan ubaxyo iyagoo dhisa tabeelo ay ku wareegsadaan iyagoo ciyaaraya. Marka ay ku wareegsanayaan tabeelaha loo yaqaan (midsommarstång) ayay hadana waxay dhageystaan heesaha iyagoo madaxa ku xirta ubaxyo. Goobtaas ayaa lagu cunaa baradhada iyo qudaar kale isla markaana aad ayay dadku u cabaan khamriga.

Waqtigaan midsommar ayay Swedishku waxay aaminsanaayeen waayihii hore in uu wanaagsanyahay nasiibka iyo sixirka iyagoo dhalinyaradu qaasatan gabdhaha ay soo ururiyaan ubaxyo kuwaasoo ay hoos dhigaan barkinta ay ku seexanayaan, iyagoo rajeynaya in habeenkaas ay ku riyoon doonaan qofkii guursan lahaa. Waxay kaloo aaminsanyihiin in waqtigaan caafimaad la helo iyo dhaqaale.

Marka laga reebo caadooyinka ayaa maalinta Midsommar waxay ku beegantahay maalinta ugu iftiinka dheer ee aduunka, waqtigaasoo ay qoraxdu joogto dherarka ugu sareeya.

Sawirada aad ku aragtaan mowduuca ayaa ah Soomaali la barayo sida loo dabaaldago midsommarka magaalada Borlänge ee gobolka Dalarna.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here