Waa maxay Påsk?

Sida aad la socotaan waxaan ku jirnaa fasaxaya Påsk iyadoo dadka Kiristaanka ah ee caalamka ku nool ay ciid u tahay.  Hadaba   waa maxay Påsk? Maxay sameeyaan Kiristaanka? Ciida Påsk ama Easter ayaa ah mid aad muhiim ugu ah kiristaanka iyagoo sheega in ay u dabaal dagayaan kicitaankii uu nabi ciise ka soo kacay geerida 3-maalmood ka dib markii la dilay.

Sida ay aaminsanyihiin Kiristaanka ayay maalinta jimcaha oo loo yaqaan (långfredagen) bilaabaneysaa ciida Påsk iyagoo aaminsan in maalintaas jirkii nabi ciise la dhigay meel god ah, oo aad ay u ilaalinayeen ciidamadii Romanka. Sabtida ayaa loo yaqaan Påskafton. Maalinta Axada ayay sheegaan in uu nabi ciise ka soo baxay godkii la dhigay isagoo ay arkeen dad badan. Isbuuca ka horeeya Axada oo ku beegan Påsk ayay u yaqaanaan (stilla veckan) ama isbuuca barakeysan.

Dadka Kiristaanka ah ayaa u dabaal daga maalinta Påsk iyagoo dhar qurxoon xirta oo laga yaabo in halkaas maalin oo keliya ay aadaan kaniisada sanadkaas ama marka ku xigta ay noqoto Jul ama Kirismaska. Waxay la cunteeyaan reerahooda iyagoo cuna ukuno laga buuxiyay macmacaan.

Sababta ay ugu dabaal dagaan Påsk ayaa ah sida ay sheegaan in ay qiraan in nabi ciise uu geeriyooday isagoo u geeriyooday si uu dambiga uga dhaqo bani,aadamka. Sidaa darteed ayay Påsk tahay taariikhda ugu muhiimsan ee Kiristaanka.

Hadaba sida iska cad ciida Påsk waa mid 100% ka soo horjeeda aragtida Muslimiinta ee Nabi Ciise (nnkh). Shalay waxaan akhrineysay dood ku qorneyd SVT taasoo uu nin ku doodayay in Muslimiintu ay shaqeeyaan ciida Påsk si ay fasax u qaataan Ciidul Fitri ama Atxa – Fikradaas waxay iila muuqatay mid wanaagsan maadaama aysan Påsk wax qiimo ah akteena ka lahayn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Maxamed Cabdullahi says:

    Mahadsanidiin asxaabta maamusha beejkaan sidan faahfaahsan ee aad noogu soo gudbiseen macluumaadkan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. haaji Nadaara says:

    mahadsanid sxb miisaanka xasanaadka ILAAH HAKU SAARO AJIR FARABADAN KHEERKA IYO BARAARUJINTA AD SO JEEDISAY.
    wana ka faaiidnay sxb macaluumadka ad so bandhigtay…Somali.com baahidada reer swedan si fiican ayaa kaalintiina kaga qaadaten.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Cade dhere says:

    Asc walaalaha web-kan

    Salan kadib maa soo qoraan Mutabarka ka dhacayo xaafadda Älvsjö inta aad soo qoresaan Påsk yuuna anfacayaa
    waa fikirkeega

    wabillahi towfiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. afmadobe says:

    Asc, walal Jimcale waad mahadsan tahay, mar kasta waxad noosoo qortaa xaalada wadanka ka jirta ama dhaqamada swedhishku leeyahiin iyo gud ahaanba xaalada dhabta ah ee sweden ka jirta marka sxb waad ku mahadsan tahay mar la arko.
    Walal markasta oo aad qoraal soo qorto waan ka fa’ideysanaa lknse dad ayaa jira wax kasta iska mucaarada sida ninkan sheeganaya (cali dheere) iyo qaar kale oo badan. marka waxaan idinka codsanayaa bahda Somaliska.com ineydinkaan u jawaabin. waxan idiin rajeynayaa wanaag badan bahda somaliska.com

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Garyaqaan says:

    Asc? salaan kabacdi hadii aan fakar keeyga ka dhiibto. påsk waa maxay waa dalabad dag ciida kiristan ka ah .påsken är den viktigast kristan högtiden,på jesu kristan men jag kan inte förklra så mycke.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0