Waa maxay qiimaha dhalashada Sweden?

21

Wasiirka isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa isbuucaan ku dhawaaqay in ay sameynayaan baaritaan ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa qiimaha dhalashada Sweden isla markaana loo qeexi lahaa waxa loogu yeero Swedishnimo.

“Markii qof u soo haajiro wadankeena waxaan dooneynaa in aan u dirno fariin muhiim ah, waan kuu baahanahay, waa in aad shaqo heshaa oo aad luuqada barataa. Muhiimadu waa in soo galootigu ay dareemaan in ay bulshada ka midyihiin oo ay Swedish noqdaan” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa doonaya in uu Sweden la mid dhigo wadamada Maraykanka iyo Kanada oo qofka loogu yeero kanadiyaan ama ameerikaan balse Sweden waxaa dadka loogu yeeraa soo galooti (invandrare). Magacaas ayaan xitaa ku harin marka qofku uu qaato dhalashada. Wasiirka ayaa qirtay in aysan Sweden ku guuleysay in ay abuurto guri hooyo.

Qaadashada dhalashada ayaa faaidooyinkeeda leh, mida ugu muhiimsan ee Soomaalidu ay daneeyaan ayaa ah xoriyada safarka ee qofku uu helayo. Balse muhiimadu dhalashadu midaas miyaa? Wasiirku waxa uu doonayaa in qofka loo sameeyo xaflad marka dhalashada uu qaadanayo oo uu dareemo isbedel weyn isla markaana uu dareemo in ay Sweden noqotay dalkiisa hooyo.

Hadaba su’aashu waxay tahay riyada wasiirku ma rumoobi doontaa?

Erik Ullenhag ayaa gudiga cusub ee loo saaray kor u qaadista qiimaha Sweden ka dalbaday in ay soo bandhigaan wadooyinka dadka loogu dhiiri galin karo in ay ku dadaalaan qaadashada dhalashada Sweden oo qofkii dadaal dheeri ah siiya abaal marin looga dhigo baasaboorka.

Haddii ay aniga ila tashan lahaayeen waxaan oron lahaa Soomaalida wadanka sida fiican ula qabsata, ee luuqada barata, shaqaysata waa in laga yareeyaa shuruuda 8 sano ah.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here