Waa maxay qorshaha dayrta & jiilaalka ee Soomaalida Sweden?

30

Dhamaadkii sanadkii hore iyo bilowgii sanadkaan ayaa ahaa mid Soomaalida Sweden ku nool ay ahaayeen kuwo kacsan oo dibad baxyo iyo dadaalo badan ku bixiyay sidii loola mideyn lahaa reerahooda. Iyadoo waqtiga xagaaga ee hada dhamaadka maraya la dhihi karo wax talaabo ah horey looma qaadin maadaama fasax la wada aaday. Hadaba su’aashu waxay tahay muxuu yahay qorshaha xiliga dayrta ee hada ee bilaabanaya?

Haddaan nahay bahda Somaliska ayaa qorshaheena waxa uu yahay in aan ka qeyb qaadano arimaha warfaafinta iyo isku xirka balse waxaa la doonayaa Soomaalidu in aysan ka caajisin in ay u doodaan xuquuqdooda oo ay abaabul ka bilaabaan tuulo iyo magaalo kasta. Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya ayaa indhaha caalamka iyo kuwa shacabka Sweden ku soo jeediyay Soomaalida waana hada marka ay dadku Soomaalida u damqanayaan.

Mise waaban iska dhaafnaa dooda oo waxaan iska sugnaa inta dowlada Sweden iyadu dib inoo soo eegeyso? oo waxaan xooga saarnaa waxbarashada iyo shaqada? mise la saari karaa xooga arimahaas maadaama qaarbadan oo naga mida ay horey ugu doodeen in aysan ka fikiri karin wax kale caruurtoooda mooyee.??

Waa dood qofkasta u furan in uu ra’yigiisa ku darsado oo soo bandhigo waxyaabaha macquulka ah ee la sameyn karo. Aniga  waxay ila tahay in aan ka bilowno shir ay isugu yimaadaan dhamaan inta ay quseyso arintaan. Ku darso fikirkaaga >>

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here