Waa maxay sababta ay SD u necebyihiin Islaamka?

13

Mid ka mid ah cunsuriyiinta ugu magaca dheer xisbiga Sverige Demokraterna (SD) ayaa wareysi uu siiyay websiteyada ku hala afka cunsuriyiinta waxa uu kaga hadlay naceybka uu u qabo Islaamka.

Kent Ekeroth waxa uu ka midyahay xildhibaanada baarlamaanka Sweden ku matala xisbiga SD, waxa uu ka midyahay kuwa ugu magaca dheer ee caadada iyo siyaasada ka dhigtay naceybka Muslimiinta iyo diinta Islaamka. Ekeroth ayaa inta badan doodaha ka dhaca baarlamaanka Sweden kaga hadla qataraha Islaamka iyo sida looga hortagi karo in la joojiyo waxa uu ugu yeero “Islaamaynta Sweden”.

Wareysiga uu bixiyay ayaa su’aasha ugu horeysa ee la waydiiyay ahayd sababta uu u bilaabay naceybka Muslimiinta iyo Islaamka. Isagoo uga jawaabay in markii da’diisu ahayd 7 -8 sano uu iskuulka ku arki jiray sida ardada Muslimiinta ah ay u dhib badanyihiin. Waxa uu sheegay in dabeecadooda ku dhisan dagaalka ay ku dhalisay in uu ka soo horjeesto. Ka dibna waxa uu sheegay in waxyaabaha uu ka arkay warbaahinta ee ka dhacaya wadamada Muslimiinta ay u xaqiijisay in Islaamku uu yahay qatar ku soo wajahan Yurub iyo Sweden.

Wiilkaan da’da yar ayaa u muuqda mid aan wax badan kala socon diinta Islaamka isaga oo marar badan isku qasaya farqiga u dhexeeya Islaamka iyo dhaqamada wadamada kala duwan. Mar la waydiiyay sababta ka dambeysa qatarta Islaamka ayuu ku jawaabay “Dhaqanka carabta” taasoo kuu muujineysa in uusan wax badan kala socon Islaamka. Si kastaba ha ahaatee waa nin ay ka go’antahay in uu magac ku helo naceybka iyo faafinta borobogaandada ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta.

Waxa uu aaminsanyahay in Muslimiinta Sweden ku dhaqan ay yihiin kuwo qatar ku ah wadanka oo aysan macquul ahayn in ay bulshada dhex galaan. Waxa uu marar badan ku celiyay in kufsiga, dhaca iyo dilka ay ka dambeeyaan Muslimiinta. Waxa kale oo uu aaminsanyahay in lacago badan ay Sweden uga qasaarto Muslimiinta.

Mar wax laga waydiiyay awooda iyo saameynta xisbigiisa ayuu runta ka sheegay in xisbigiisu uusan wax saameyn weyn ah lahayn isla markaana ay ka soo horjeedaan inta badan saxaafada Sweden. Waxa uu ku cataabay in ay mudo dheer qaadatay in ay baarlamaanka soo galaan, hadana uusan filayn in si degdeg ah ay u kobcaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here