Waa maxay sababta ururka cunsuriga SD ee Soomaalida neceb ugu ololaynayo aqoonsiga Somaliland?

22

Xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) oo lagu yaqaano in ay yihiin kuwo neceb isirka Soomaalida iyo Muslimiinta ayaa soo saaray dalab ku saabsan in Sweden ay aqoonsato Somaliland. Mid ka mid xubnaha baarlamaanka SD oo lagu magacaabo Markus Wiechel oo ka qeyb galay kulan ay wafdi ka socda Somaliland ku qabteen xarunta baarlamaanka Sweden isbuucii hore, ayaa hadda ka dalbaday wasiirka arimaha dibadda Sweden in ay cadeyso mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga Somaliland.

Sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayay lix ka mid ah xubnaha SD ugu jira baarlamaanka Sweden waxay soo saareen mooshin ay ku codsanayaan in ay Sweden aqoonsato Somaliland. Dadka mooshinkaas soo saaray ayaa waxaa ka mid ah Björn Söder oo ka mid ah dadka ugu xagjirsan SD isla markaana lagu yaqaano in uu yahay nin aad u neceb soogalootiga, qaasatan Soomaalida (oo aan kala sooc lahayn) iyo Muslimiinta.

Xubnaha ka tirsan xisbigsa SD ayaa dhowr jeer soo hadal-qaaday in Sweden ay aqoonsanto Somaliland, taasoo ay dhagaha ka fureysteen xisbiyada kale ee Sweden. Hadaba waa maxay sababta SD ay ugu ololeynayso aqoonsiga Somaliland? Ma waxay jecel u qabaan dadka Somaliland iyo danahooda?

Ma cada in dadka u ololeeya aqoonsiga Somaliland ay xiriir la leeyihiin SD iyo in kale, balse haddii ay taasi jirto ayay tahay arin foolxun maadaama SD ay yihiin xisbi guud ahaan neceb dadka wadaaga isirka Soomaalida, meelkasta oo ay ka soo jeedaan. SD ayaa Soomaalida Sweden u isticmaasha propogandada ay ka faafiyaan Muslimiinta iyo soo galootiga.

Xaqiiqada ayaa ah in SD ay ciyaarayso siyaasad guracad oo ku aadan Soomaalida iyo Muslimiinta. SD ayaa markii Sweden ay aqoonsatay Falastiin waxay durbadiiba soo jeediyeen in Somaliland la aqoonsado, iyagoo taasi ku riixaya aqoonsigii Falastiin.

Hadaba waa maxay ujeedada ay SD ugu ololeynayso aqoonsiga Somaliland? Ku darso fikradaada…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here