Waa maxay sababta uu ninka Sweden ugu taajirsan u xirto dharka huudheyda?

Ingvar Kamprad oo ah ninka iska leh dukaanka IKEA isla markaana ah qofka ugu taajirsay Sweden ayaa qirtay in uu xirto dharka huudheyda ah si uu lacagta u dhaqaalaysto. Ingvar ayaa wareysi uu siiyay barnaamij laga diyaariyay noloshiisa oo ka baxaya telefishinka TV4 ayuu sheegay in dhamaan dharkiisa uu ka iibsado dukaamada huudheyda.

Ingvar  oo bishaan 90-sano buuxinaya ayaa intaasi ku daray in sababta ay IKEA ku gaadhay horumarka weyn ay tahay dabeecadiisa dhaqaalo keydinta. Dhaqaalaha Ingvar Kamprad ayaa lagu qiyaasaa  ‎€65.5billion oo Euro balse ma cada in lacagtaasi ay tiisa tahay oo keliya iyo tan shirkadiisa, isagoo hadda liiska dadka aduunka ugu dhaqaalaha badan kaga jira 11-aad. Ninkaan ayaa xitaa sheegay in uu timaha ku jarto lacag ka yar 20-dollar.

Ingvar Kamprad ayaa aasaasay dukaanka IKEA 1943 isaga oo 17 sano jir ah. Maanta ayaa shirkada ay IKEA tahay mid aduunka laga wada yaqaano oo wadamo badan ku leh dukaamo waaweyn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Abdinasir says:

    Waa nin dadaalay runti balse mar aan sidaas u fogeyn ayaan weediiyay sababta uu dhamaan qaaradaha dunida dukaamo uga furtay marka laga reebo waxuu iigu jawaabay mataqaaniin ! Africa waa faqri runti aad bee midaas ii dhibtay balse waxaa xaqiiq ah in uu dadaalay dadaalaa wuu gaaraa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. waa xaqiiq waxa wax lagugaaraa waa dhaqaaleysi lkn hadaan somali nahay waxan jecelnahay anago waxba heysan inaan ahaano kan ugu quruxda badan amab xaraga badan waana kutaageer sanahay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  3. abdi nasir waa muhiim alle wuxuu kusiiyaa iney kaa muuqato maahan ninkaan dhaqankiisa okale hudheyda gadanaayo waa bilaa diin sxb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Mahamud Nuur says:

    Maxaa maa kiisu tarayaah miyuu kadifaacayaah geeridada miyuu kadifaacayaah jahanamo 90 jiraah alana marumaysna maxuutarayah malkiisu

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. asraa says:

    Alle ha so hanuniyo asaga ayaa hanunka iska leh cimrigaan hadu Alle kusoo hanuniyo wuxu noqaa nin ad unsib badan Allena waa hanuniyaa qofku doono

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Omar says:

    Maalinhore news ka waxaan ka arkay oday waayeel oo bilaa caruur ah, qashinka ayuu dhalooyinka kala soo bixi jiray kadibna meesha lagu iibiyo ayuu latagi jiray. Guri labo qol ayuu degenaa o iska caadi. Dariskiisa wexey moodi jireen odey faqiir o nolol xumo hayso. Odeygii wuu dhintay, laakiin intuusan dhiman ayuu waraaq qoray kadibna looyarkisa u dhiibay, markuu dhinto sida loo aqriyo. Waraaqdii markii lafuray waxaa kuqornaa ninkaan inuu kadhintay lacag gaareyso 95 million$. Lacagtana oo ugu deeqay caruurta xanuunsan iyo kuwa bilaa waalidka ah. Marka dadbadan ayaa kudhexjiro shacabka aanan dooneyn in laga fahmo taajirnimo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. calanka says:

    (IKEA Africa ) IKEA opened a Moroccan location in partnership with the Kuwait-based Al-Homaizi. The first location is in the New city of Zenata (located in outskirts of Casablanca).[96][97]

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. salehismail says:

    wax wanaagsan waaye in wax la keedsado iyada oo aan laga hagran naftaada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0