Waa maxay Valentine’s Day? Maalinta Jaceylka?

14-kii bishaan Februari waa maalinta loogu yareeyo Valentine’s Day ama Maalinta Jaceylka aduunka. ValentineHadaba waxaan eegayaa taariikhda iyo asalka maalintaan.

Maalinta Valentine’s Day oo aduunka si aad ah looga xuso ayaa taariikhdeedu waxay tahay mid ku dhisan been iyo hal abuur aan sal ku lahayn sida loo dabaal deggo maalintaan. Wadamada reer galbeedka ayaa maalintaan lagu xusaa in dadka isjecel ay ubaxyo iyo shukulaato isweydaarsadaan. Waa maalin ay shirkaduhu si weyn uga faaidaan.

Waqtigii hore ayay maalintaan ahayd “St. Valentine” oo ah maalin ka mid ah ciidaha Kiristaanka oo lagu xusayo nin lagu magacaabo Valentinus. Dhamaan waxyaabaha ku dhisan jecaylka iyo sheekooyinka la xiriira galgacalka ee lala xiriiriyo maalintaan ayaa ah kuwo la alifay dhowr qarni ka hor.

Kaniisada Romanka ayaa go’aansaday qarnigii la soo dhaafay in ay ka saarto liiska ciidahooda maalinta Valentine maadaama ay sheegeen aan waxbadan laga aqoon baadariga lagu maamuusayo maalintaan. Sida ay ku timid in jaceylka lala xiriiriyo maalintaan ayaa la sheegaa in ay ka dambeys hadal la alifay oo ah in dowladii Romanka ay ku amartay ragga in aysan guursan si ciidanka aysan uga bixin iyo ninkaan Valentine oo la sheego in uu ahaa baadari diiday amarkaas. Si kastaba ha ahaatee, sheekadaas ayaa lagu sheegaa been abuur.

Waxaa la yaab ah maalinta nuucaas ah oo taariikhda nuucaas leh in ay maanta noqotay maalin dad badan ay isugu hambalyeeyaan. Bal horta haddii loo hadlo si caadi ah yaa u sameeyay jaceylka maalin gooni ah, soo ma ahan in maalin kasta lays jeclaado? oo aad maalin kasta u iibiso jaceylkaaga hadiyado iyo ubaxyo?

Marka laga soo tago midaas, ayaa waxaa ka sii cajiibsan in Muslimiinta ay u dabaal dagaan maalintaan iyaga oo qaarkood ogyihiin qaar badana aysan ogeyn in maalintaan aysan wax sal iyo raad ah ku lahayn dhaqankeena iyo diinteena.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. Mo Shine says:

    anaga muslin hadan nahay dadka isjecel malin walbo wa malinkii jacaykooda ma nihin dad sanadkii hal mar ku leh,
    ALLAH ha ciseeyo islamka oo dhan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 1

  2. TANADE says:

    Shukran walaal maanta wax wanaagsan ayaa soo qortaye

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  3. Khadija says:

    Asc, kuwa u dabaaldegaya waa kuwa aan ogeyn taariikhdeeda iyo kuwa waxii la sameeyaba wax ka samee ah.

    Tan kale aduunyada waa 2ba wax kasta caksigooda ayaa jiraa marka waxaan rabaa bal inaad ii sheegtaan hadey jirto maalinta nacaybka aduunkana kkkkkkkkkkkkkk.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 2

  4. salwa says:

    asc dhamaan waad mahadsantihiin maanta ma haboona sida gaalada oo kale in laxuso maalinta loogu magacdaray maalinta jeceelka aduunka waayo waxanahay dad mulin ah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. layla says:

    walaalayaalow maalinka jeceelka markey xusaayaan mey inta is jecel ee kala maqan isku keenaan waa kuwaan bilaash bilaash jeceel uxusaayaan waa hadey run sheegaayaan dadbaa 4. ilaa 5 sano kala maqan ina jecel laakin awood u waayey iney nolosha wada qaybsadaan swedeshku wey ku takri faleenmagaca jeceel iyo macnaha nolosha aadmiga…….

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  6. luul says:

    asc su aal waa maxaay jaceyl midabse ma leyahay.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  7. Shukri xasan says:

    TO?JIMCALE,IYO INTA IGUDHANTO, WALALA, YAAL, BIL ISXANAK WAXAT ISHEKTAN RERKEYGA AYA ITOBIYO JOGO WEYNA SOBAXAYAN PASSKA 5 SANO AH AYA SAFARADA LAGASIYAY ANA WAXAN DEGENAHAY MALMÖ TIKIT AYAN UJARAY ANO MASLAXO BADAN KA EGAYA, O AH, ITHOBIA, TO ISTANBUL ISTANBUL TO KOBANHEGAN, SI MALMO EY UGU FUDUDATO, MARKA PASKA 5 SANO AH MALAGU SOGALIKARA DANIMARK MARKAN JARAY TIKITKI AYA CABSI IGASHAY MARKA WALALA, YAL CIDI IGU DHANTO JAWABTA ALLAAH,SW/DARTIS HA’IGU SO SHEKTO, JIZAKA LAAH,!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. bahal hoose says:

    asc shukri sist shukri waa caadi waalagusoodegikarraa kopenhamn waa caadi waxna hashareeesan baabka hada labixiyo wakan aan heysano oo kale.by bahal hoose

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. Cadde says:

    walal sukri wax dhib ah malaha waa cadi dad badan aya wadas ku so galay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. scadeey says:

    maba fahansini malin taas sidii loo ku aqoon saday in aay tahay malinta jaceelka asxan hala dhaho maalinta jaceelka in aay tahay malintii cilmi uu jecladay hodan anaga somali aa nahay aan dhahno maalin taas aa noo mudan in aan afkaka shek shekno lkn waxaas dhan diintena macaan ma baneen aan iska dhaafno wallalayaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  11. ahmednuur says:

    asc
    waxaaa layaba inan nafta been usheegno waxay lamid tahay malintaan maalmo badan oolaga xuso swedan oo aanay somalida iyo islaamka kaleba ayasan fahan sanayan waxaa kamida fasaxa bilabanayo mala maha sooscodo miyaa layaqanaa malamahaass
    maxaa kussbsan yahay fasaxaad iyo malaha sanadka cusub,,, kadib sanadka cusub,,, iyo maalmo badan ,,,,,iayadooo aan ogahay inayaba qaarbadan ookamida dadka somalida ah aya kaniisadaha udoonanyaan tikidiki ciyaalkooda….. ku imaan lahayen swedan marka walllahay waxbadanaa sixid u baahan …marka ilaahay han ilaaliyo ,,,,waxaasa haboon wax walabo inan fahano kadib aan sax iyo qalad kala garano ……..

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. free man says:

    waad kumahdsantahay jimcaale aqaan korosigaan aad meesh noogu faa ideeysay iyo khuraafaadka aad bulshada ucaddeeysay ileen qofka caqliga leh waa qofka wax walba baara intuusan ku dhaqmin hadii uudhaha qofka wax walba waan sameeynaa asagoo aanan ogeeyn hadafka iyo ulajeedka arinkaas waa jaahilnimo iyo caqli xuma tan oogu danbeeysay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. hanad says:

    aad baa usalamantihin asxaabta arinti labada sano yaa wax ka so cusbonaday haya aadna bana umahadsantihin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. sucaad naasir says:

    asc walaalayaalow su,aal baan idin weydinaa qof ilmihiisa yaman kasoo bexeen ama yaman ilmo u joogaan oo ogolaasho la siiyey ogolaanshahana ugu qoran tahey goortuu baasaboorka soo baxey iyo goortuu dhacaayo waan wareeree qof familka yaman ka joogo ma idinku ku jiraa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Ugas yare says:

    Asc/oll? @sucaad nasir walalo way jirta o anigan kulahadlayo ayey igu dhacday inkasto anan jogin yaman lkn sidan ufahmay hadey su’aashada tahay o ah in warqad beslut ah o paska ah lasiyay o ey kuqorantaha in lagu ogoladay paska o waqtigas sobaxay dhacayana waqtigas o hadana an ruxi passapor usan hesan wili kaliya warqadas hesto’ hadey su’asha sidas tahay ana ku fah fahinaye sosheg mahadsanid?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. sucaad naasir says:

    thanks ugaas walaal warqadaas markaan u diro ilmaha masafaarada ayey latagayaan hadeyse latagaan maxaa kale oo laga rabaa maxeyse siinayaan ooy ku soo bixi karaan oo basaboor ah mise intey iyaga kaa soo wacaan ayaa la sugaa xagee wax laga bilaabaa walaalow adigoo raali iga ah sawiro iyo foom viso maa loogeeynaa seey ku soo bixi karaan wax i fahan sii walaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0