Waa sanad guuradii 5-aad ee Somaliska

14

Waxay ahayd maalin khamiis ah 22-kii April 2010 markii aan diiwaan galiyay magaca Somaliska.com, anigoo ujeedkagaya ahaa in aan sameeyo goob aan ku qoro aragtidayda iyo waxyaabaha la xiriira Sweden balse mudo dhowr bilood ah ka dib waxaaa bilowday in akhristayaal badan ay ku soo xirmaan bogga, iyagoo baahi u qabay in laga haqabtiro dhacdooyinka Sweden qaasatan kuwa la xiriira Soomaalida.

Maanta waxaa la marayaa 5 sano ka dib markii uu bilowday mashruucaan, iyadoo aan mudadaas soo qornay kumanaan mowduuc iyo bogga oo ay soo booqdeen akhristayaal badan oo ku nool Sweden iyo dibada. Maanta Somaliska.com waxaa akhrista dad gaaraya 40 000 qof bishii, taasoo u dhiginta qiyaastii 70% dhamaan Soomaalida ku nool Sweden. Waxaan aad ugu faraxsanahay in Somaliska uu noqday isha ugu muhiimsan ee Soomaalida ku nool Sweden ay warbixinta ka qaataan, inkastoo ay jiraan adeegyo kale oo Af-Soomaali ah balse ma jiraan cid isku hawsha in ay soo qorto macluumaadka faa’iidada u leh Soomaalida sida aan isugu hawlno.

Waxaa muhiim ah in aan cadeeyo in Somaliska.com aysan lahayn dowlada Sweden, aysan wax lacag ah ku bixin adeegeena isla markaana aanan hoos tagin shirkad ama urur. Somaliska waxaa bogg xor ah oo masuuliyadiisa 100% ay saarantahay aniga oo ah Jimcale. Sidaa darteed waa dareemi kartaan in ay yartahay awooda aan u leeyahay in bogga mowduucyo badan lagu qoro.

Insha Allah waxaan rajaynayaa in aan kor u qaadi doono tirada mowduucyo iyo macluumaadka aan ku soo daabacno bogga, waxaanan ugu baaqayaa akhristyaasha doonaya in ay mowduuc ku qoraan Somaliska in aan soo dhaweynayo. Shuruuda keliya waa in mowduuca uu xiriir la leeyahay Soomaalida Sweden ama uu faa’iido u leeyahay akhristayaaasha.

Ugu dambeyntii waxaan u mahadcelinayaa dhamaan akhristayaasha, waxaana ka cudurdaaranayaa wixii qalad ah ee iga dhacay 5-tii sano ee la soo dhaafay. Waxaana rajaynayaa in aad ka faa’idaysateen isla markaana aad ku xirnaan doontaan oo aad ka qeyb qaadan doontaan hor u socodka bogga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here