Waa sanadguurada Somaliska.com

20

Hal sano ka hor maanta ayay ahayd markii Somaliska.com aan hawada galiyay ka dib markii aan shaqsi ahaanteyda dareemay baahida ay bulshada Soomaaliyeed ee Sweden ku nool u qabaan in ay helaan warbixinada wadankaan oo Af Soomaali ku qoran.

Run ahaantii markii ay ii cadaatay in uusan qof hore u diiwaan gashan magaca Somaliska.com waan la yaabay waayo magac sidaas muhiim ugu ah Soomaalida Sweden in aan hore loo diiwaan gashan waxay ii muujisay hurdada ay ku jiraan dadkeena. Wadankaan maalinkasta wax ayaa nagala qoraa, anaguna kuwa war ka haayo ma nihin. Waxaan noqonay xoolo daaq la siiyay oo aan war ka hayn waxyaabaha agagaarkooda ka dhacaya.

Halkii sano ee aan hawsha Somaliska waday waxaa ii siyaaday aqoon balaaran oo ku saabsan Sweden iyo bulshada Soomaalida. Waxaa ii furmay indhaha oo waxaa ii cadaatay in ay waxkasta macquul yihiin balse loo baahanyahay isku day oo keliya. Somaliska.com markaan furay aqoonta iyo waayo aragnimada aan u leeyahay Sweden aad ayay u yareyd balse waxaa cadaatay in qofku uu u baahanyahay ispirit iyo isku day si uu u guuleysto.

Intii aan hawshaan waday waxaa ila soo xiriiray dad fara badan oo kala joogo daafaha caalamka iyo gudaha Sweden. Su’aalo adag iyo kuwo fudud intaba waa la i soo waydiiyay. Waxaa iigu xanuun badneyn markii aabe afrika ku nool uu ii soo diray email isagoo i waydiiyay “Jimcaale, Sweden ilmahayga iyo xaaskeyga ayaa jooga anigana diidmo ayay i siiyeen. Fadlan igu caawi sidaan ku soo ceshan lahaa” aabahaas dareenkiisu waxa uu muujinayaa dhibaatada haysata waalidiinta Soomaaliyeed. Aniga runtii caruur iyo xaas igama maqna balse waan dareemi karaa xanuunka haysta waalidiinta.

Intii aan ku soo jiray safarka Somaliska.com ee socda waxaan la kulmay dad amaan u soo jeediyay hawsheeyda iyo kuwo dhaliilay intaba. Websiteyada Soomaalida ee waaweyn intooda badan ma siiyaan aqristayaashooda fursad ay ku soo bandhigaan dareenkooda balse Somaliska.com waxaan ugu tala galay taasi in ay noqoto qeyb muhiim ah.

Safarka Somaliska ma dhamaan hada ayuu bilowday. Mustaqbalka qorshayaal badan ayaan leeyahay insha Allah, waxaan rajeynayaa waqti dhow in aan xafiis furo halkaas oo aad nagu soo booqan kartaan ama aad telefoonada nagala soo xiriiri kartaan. Qorshaha labaad ee balaaran ayaa ah in aan ku soo darno qeyb Svenska ah si bulshada aan la noolnahay ay u fahmaan dareenkeena sida uu yahay iyo in aan soo bandhigno wax qabadka Soomaalida iyo guud ahaan bulshada soo galootiga ah. Qaybta cusub ee swedishka ah ayaan u sameynayaa bog gooni ah oo lagu magacaabo nyasvenskar.se – cidii jecel in ay igu caawiso wararka, maqaalada oo svenska ah fadlan ha ila soo xiriirto.

Hadaba waxaan u mahadcelinayaa intii soo booqatay Somaliska.com, intii wararkeena faafisay iyo intii warbixinada noo soo dirtay. Somaliska hada waxaa la soo booqdaa in 50,000 oo jeer bishii iyadoo nagala soo booqdo 290 magaalo oo ku yaal Sweden iyo 88 wadan.

Jimcale

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here