Waalidiinta Swedishka oo caruurtooda kala baxay iskuulada ay ku bateen Soomaalida

22

Magaalada Katrineholm ayaa waxaa ka taagan xaalad aan wagaansageyn ka dib markii magaaladaas laga furay iskuul madax banaan taasi oo keentay in waalidiinta Swedishka ah ay 90% caruurtooda geeyaan iskuulka cusub halka caruurtii Soomaalida iyo soo galootiga kale lagu reebay iskuulada kamuunka.

Waalidiinta Swedishka ayaa qaasatan caruurtooda kala baxay iskuulada ay ku bateen caruurta Soomaalida iyo kuwa la filayo in la keeno caruurta cusub ee waalidkood lama mideynayo. Mid ka mid ah waalidinta Swedishka ah oo caruurtiisa kala baxday Iskuulka ayaa sidaan u halay.

-Nasiib daro waxaa hoos u dhacday tayada waxbarashada, maadaama ay iskuulka ku soo bateen caruurta soo galootiga ah kuwaas oo u baahan taageero dheeri ah.

Arintaan ayaa walwal ku abuurtay maamulka waxbarashada ee kamuunka maadaama ay abuureyso kala qeyb sanaan bulshada ah. Waalidiinta Swedishka ayaa u muuqda in ay dhinacooda dhibaato cusub abuurayaan maadaama ay caruurtooda kala bexeen iskuuladii ay soo galootigu ku bateen. Katrineholm ayaa hada waxaa ku nool Soomaali lagu qiyaasay 800, waxaa la filayaa 300 caruur ah in la keeno mudo dhow.

Libaan Mohamed oo ka tirsan waalidiinta Soomaalida ee ku nool Katrineholm ayaa idaacada Sweden uga waramay dareenkiisa ku aadan arintaan. Isagoo walaac ka muujiyay talaabada ay qaadeen waalidiinta Swedishka ah.

– Sidee ayaan luuqada ku baranaynaa haddii aanan xiriir lahayn? Haddii aysan caruurteena wada ciyaarin? Waxaan leeyahay hakala soocina caruurta. U ogaalada in ay wada ciyaaraan. Dareensiiya caruurteena in ay Swedish yihiin oo dibada ha dhiginina. Ayuu yiri Libaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here