Waalidiintii reer Malaysia oo lagu xukumay xabsi

Bishii Janaayo waxaan soo qoray waalidiin u dhashay wadanka Malaysia oo lagu haysto in ay garaaceen caruurtooda. Maxkamada Solna ee magaalada Stockholm ayaa maanta waalidiinta ku xukuntay xabsi ka dib markii la sheegay in mudo ay garaacitaan ku hayeen caruurtooda.

Hooyada ayaa lagu xukumay 1 sano 2 bilood oo xabsi ah halka abaaha lagu xukumay 10 bilood. Maxkamada ayaa sheegtay in kastoo dhaawaca caruurta soo gaaray uusan ahayn mid weyn balse waalidiinta lagu haystay dambiga ah in ay caruurtooda meel ka dhac ku sameeyeen. Waalidiinta ayaa sidoo kale lagu xukumay in ay magdhow lacageed siiyaan caruurtooda.

Eedeymaha loo soo jeediyay waalidiinta ayaa waxaa ka mid ahaa in ay shaamuug ku garaaceen caruurtooda. Waalidiina ayaa ku dooday in caruurtu ay been ka sheegeen arinta, iyagoo guud ahaan iska diiday dambiyada lagu soo oogay. Dowlada Malaysia ayaa isku dayday in ay Sweden ka dhaadhiciso in garaacista caruurta ay sharci ka tahay Malaysia oo caruurta lagu edbiyo. Balse Sweden ayaa ku adkaysatay in dambiga laga galay Sweden. Dowlada Malaysia ayaa dib u qaadatay caruurtooda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. um alwaled says:

    laa xawla walaa quwata elaa bilaah ilaahay hanagu amaansado meeshaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. ¨wilka says:

    asc dhaman musliminta waxan leyahay ruxi awoda inow kala tago meshan wayo sharciga wadankina kama soconayo wadankan aya muhim ah mida kale ilmaha aya ladhageysa meshan hadi adan qalad samen hata adiga laguma dhageysanayo marka isku day in ad ilmahada inta ey wax kafahmayan in ad geyso wadankadi ow ad wax ku sobarto kadib isagow wen ow waxbarasho tayoleh rabo besle thnks all

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Filsan says:

    Eedeymaha loo soo jeediyay waalidiinta ayaa waxaa ka mid ahaa in ay shaamuug ku garaaceen caruurtooda.

    shaamuug shaamuug shaamuug shaamuug shaamuug shaamuug,…. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Noo fasir Jimcaale waxaad uula jeedo Shaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamuug adoo mahadsan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  4. khadija says:

    asc alaahu akbar caleeyhim xasbiyalaahi wanicmal wakiilan xasbiyalaahi caleeyhim ilaahayow naxifdi dhamaan teena oo ubadkana xifdi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. istaahil says:

    Mansha allah waxaa wax aad loogu farxo ah in. Caruurta loo celiyay maleysiya ooo ka badbaadeen swedan walidintana xarig waxba kama dhibaayo. Mar hadii cadkoda alle gaalo kabadbaashay alxmd. Hada soomaliyey anaga yaa noo dacwoonaayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Hargeysaawi says:

    Svenska ayaad is moodey malaha sxb….. Ha jecleysan Sverige ayaan ku odhan lahaa, Wanla-weyn ayaa ku sugeysee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. gartey says:

    Qoraalka sxb soo sax. Hooyada waxaa lagu xukumey 2 bilood, maaha 1 sano iyo 2 bilood.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1