Waalidka wiilkii cunsurigu ku dilay Trollhättan oo dacweeyay hay’adaha caafimaadka

7

Waalidiinta wiilka lagu magacaabo Ahmed Hassan ee uu ninka cunsuriga ah ku dilay iskuulka Kronan ee ku yaala magaalada Trollhättan bishii Oktobar ayaa hada dacwad ka gudbiyay shaqaalaha caafimaadka iyo hosbitaalkii la geeyay wiilka dhaawiciisa. Waalidiinta ayaa dacwadooda ku sheegay in wiilka yar aan si fiican loo qaadin dhaawiciisa, iyadoo xitaa ay shaqaalaha ambalaaska ay dhulka ku tuureen isaga oo dhaawaca. Shaqaalaha ambalaaska ayaa raali galin ka bixiyay arintaas.

Waxay kale oo waalidku aad uga xumaadeen in markii la geeyay hospitaalka Sahlgrenska universitetssjukhuset ay dhaqaatiirtu ku ciyaareen jirkiisa, iyadoo dacwada lagu sheegay in aan maydkiisa la eegi karin maadaama ay ku sameeyeen qaliin foolxumo badan. Waxay dalbadeen in jawaab laga siiyo sidii wax u dheceen isla markaana la siiyo magdhow dhaqaale.

Nour Kadiye oo wiilka abti u ah ayaa wargeyska Expressen u sheegay in qofkasta oo wiilka mawdkiisa arkay uu oohin la dhacay maadaama ay si qaab daran ula dhaqmeen jirkiisa.

Dacwada ayaa loo gudbiyay hay’ada IVO, iyagoo sheegay in guud ahaan baaritaan lagu sameyn doono dhamaan sidii wax u dheceen iyo waxyaabaha qaldamay.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here