Wadada ugu fudud ee aad DNA isku cadeyn karto

5

Sida aan wadada ognahay waxaa sanadihi dambe aad u dheeraaday mudada ay qaadato cadeynta dheecaanka DNA. Qofka Soomaaliga ah ee doonaya in lala mideeyo caruurtiisa ku nool Africa ama doonaya in uu la midoobo caruurta ku nool Sweden ayaa waajib looga dhigay in ay isku cadeeyaan DNA balse Migrationsverket ayaa ah kuwo qaata muddo dheer oo sanado ka badan in ay qofka iyo caruurta DNA ka qaadaan.

Hadaba waxaa soo baxay adeegyo cusub oo ay bixinayaan shirkado kuwaasoo kuu sahlaya in aad adigu iska qaado DNA oo ka dibna jawaabta aad u geyso Laanta Socdaalka, taasi ayaa aad u yarenaysa waqtiga ay kugu qaadan karto in aad jawaab ku hesho isla markaana lagula mideeyo caruurtaada ama sharci lagu siiyo si aad ula noolaato qoyskaaga ku nool Sweden.

Shirkadaha bixiya adeega DNA ayaa waxaa ka mid ah shirkada lagu magcaabo Bernadotte & Falk oo dhamaan bulshada soomaaliyeed ee ku nool Sweden ee dooneysa  in ay la midoobaan familkooda u fududeeynaya in ay iska qaadaan DNA waliba qiimo jaban. Shirkada waxaa aqoonsan Laanta Socdaalka (Migrationsverket) iyo xitaa hay’adaha socdaalka ee wadamada kale sida USA, Europe iyo ASIA.
Wali waxaa intaasi sii dheer in ay kaa caawinayaan qaabka aad dacwada u xareeysaneysid iyo wixii talo ah oo ku saabsan DNA. Dadka uu aadka u anfacayo adeega shirkadaan waxaa ka mid ah:
1- Qofkii familkiisa  u deganyahay Sweden oo wadanka soo galay oo doonaya in uu la midoobo.
2- Qofkii familkiisa  u deganyahay Sweden ee ku dhiban Migrationsverket.
3- Qofka iska dhiibay wadanka ee diidmo la siiyay oo doonaya dhinaca qoyskiisa in uu sharci ku raadsado.
4- Qofka doonaya in lala mideeyo caruurtiisa ku nool Africa.
5- Lamaanaha  ha isku qornaato ama yaysan isku qornaanin, shuruudu waa in aad caruur wada dhasheen.
Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan adeegyada shirkada  Bernadotte & Falk waxaad kala xiriiri kartaa xafiiskooda ka furan magaalada Eskilstuna, adreeska: Munktell Science Park, Portgatan 3, 633 42 Eskilstuna.  La xiriir  Mats 0720612221, si aad balan u qabsato.
Sidoo kale booqo bogga shirkada: http://www.bernadottefalk.se/
AD

Comments are closed.