Wadamada aduunka ugu fiican oo la soo bandhigay, kaalintee galeen Sweden iyo Somalia?

26

Isbuucaan waxaa la soo bandhigay liiska 162 wadan ee ugu fiican aduunka, kuwaasoo lagu eegay dhowr arimood oo ay ka mid yihiin sida wadamadu ay u daryeelaan shacabkooda, iyo xiriirka ay la leeyihiin wadamada kale. Wadankaan Sweden ayaa galay kaalinta 1-aad isagoo lagu amaanay heerka nolosha ee shacabka ku nool, qaasatan dhinaca dhaqaalaha, sinaanshaha, caafimaadka iyo dhaqanka.

Kaalinta labaad ayaa waxaa galay wadanka dariska ah ee Denmark, oo ay soo raacaan Holland, Ingiriiska iyo Germany. Guud ahaan 10-ka wadan ee ugu wanaagsan ayaa ah wadamada reer galbeedka oo u badan Yurub, marka laga reebo Canada oo gashay gaalinta 7-aad.

Dhinaca kale, wadamada ugu liita aduunka ayaa waxaa galay kaalinta ugu hooseysa wadanka Libya oo dhinackasta oo laga eegay noqday mid ku fashilmay. isagoo ay soo raacaan wadamada Equatorial Guinea, Mauritania iyo Central African Republic oo dhamaantood ku wada yaala Africa.

Wadankeena Somalia ayaan guud ahaan lagu soo darin liiska, taasoo laga yaabo in ay ka dhigantahay in soo saarayaashu aysan helin macluumaad ku filan oo ay ku qiimeyn karaan nolosha guud ee Somalia. Baaritaanka ayaa ku salaysan macluumaad laga soo ururiyay UN-ka iyo World Bank.

Maku raacsantahay kaalinta ay gashay Sweden? Kaalintee isleedahay way gali lahayd Somalia? Ka dhiibo fikradaada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here