Wadamada aduunka ugu sharafta badan oo la soo bandhigay, kaalintee galeen Sweden iyo Somalia?

18

Dhawaan waxaa la soo bandhigay wadamada ugu sharafta iyo magaca wanaagsan aduunka. Sweden ayaa markale kaalin muhiim ah ka gashay aduunka, iyadoo lagu dhawaaqay in ay tahay wadanka 1-aad ee ugu magaca wanaagsan aduunka. Baaritaankaan oo uu sameeyay machad lagu magacaabo Reputation Institute ayaa lagu baaray sida dadku ay u arkaan wadamada kale.

Waxaa qaasatan baaritaanku ku saabsanaa sadex arimood oo kala ah dhaqaalaha, deegaanka iyo dowladnimada. Sweden ayaa dhamaan sadexdaas arimihood hogaanka u qabatay. Waxaa soo raacay Canada, Switzerland, Norway iyo Denmark. Sweden ayaa lagu amaanay dowlad wanaag, dhaqaale la isku halayn karo iyo deegaanka oo si fiican loo dhowro.

Wadamada ugu sharafta liita aduunka, ayaa waxaa galay Iraq, Iran, Pakistan, Saudi Arabia iyo Nigera. Wadankeena Somalia ayaan ka qeyb qaadan baaritaanka, maadaama aysan jirin macluumaad ku filan oo ku saabsan arimaha la baarayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here