Wadamada Holland, Germany, Sweden iyo Belgium oo la sheegay in bilaabayaan celinta Soomaalida sharciga loo diiday

15

Wasiirka  qaxootiga ee wadanka Holland, Fred Teeven oo isniintii la hadlay  baarlamaanka Holland, ayaa sheegay in amaanka caasimadda Soomaaliya, Muqdisho uu soo hagaagay  oo hada dib loogu celin karo dadka daganaashiyaha Holland loo diido.

Sida uu qoray wargeyska DutchNews, dowladda Holland waxay horay u hakisay in ay dib u celiso Soomaalida sharciga daganaashiyaha loo diido sababo  la xariiray dagaaladii ka jiray Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Fred Teeven wuxuu intaas ku daray in wadamada Germany, Sweden iyo Belgium ay dib u bilaabayaan celinta Soomaalida codsigooda magangalyo doon la diido.

Soomaalidii diida in ay si iskood ah u laabtaan ayaa laga yaabaa in lagu xareeyo xarumo amaankooda la sugay, wasiirka ayaa intaa ku daray in aan Soomaaliya lagu celin doonin qofna inta baarlaanku uu ka soo saarayo hadal ku aaddan xaaladdan cusub ee soomaalya.

Soomaali badan oo loo diiday in magangalyo laga siiyo dalka Holland ayaa  banaanbaxyo ka dhigay Holland, kuwaas oo ka cabsi qaba  inay noloshoodu khatar gasho  haddii ay ku noqdaan dalka Soomaaliya. Sweden ayaa horay u sheegtay  in ay yarayn doonto bixinta daganaashiyaha ay siiso soomaalida wadanka gudihiisa iska dhiibta isla markaan ay qiimayn doonti qofkii codsi magangalyo weydiista dhibka uu sheeganayo,  taas oo macanaheedu yahay in la joojiyey sidii hore oo qofkii la xaqiijiyo in uu koofurta iyo bartamaha soomaliya ka yimid sharciga loo siin jiray

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here