Wadanka Imaraadka Carabta oo ururka Muslimiinta Sweden ku daray liiska argagixisada

5

Wadanka Imaraadka Carabka ayaa shalay liis ay soo saareen oo ka kooban 80 urur oo lagu tilmaamay argagixiso waxaa ku jira ururka Islamiska Förbundet oo ah urur ay ku midaysanyihiin jaaliyadaha Muslimiinta ee Sweden. Ururada kale ee ku jira liiska ayaa waxaa ka mid ah Al Qaida, ISIS, Al-shabaab iyo ururo kale oo ka dhisan Denmark, Norway, Maraykanka.

Gudoomiyaha ururka Muslimiinta Sweden Omar Mustafa ayaa sheegay in uu la yaabay in wadan yar oo lagu yaqaano ku tumashada xuquuqda aadanaha ay awood u leeyihiin in ay urur Swedish ah ku daraan liis argagixiso. Isagoo go’aanka UAE ku tilmaamay mid lagu qoslo.

Sababta ay UAE liiska argagaxisada ugu dartay ururada bulshada ee ka dhisan wadamada Yurub iyo Maraykanka ayaa lagu tilmaamay mid siyaasadeed oo ka dambaysa taageero ay ururadaan u fidiyeen ururka Aqwaan Muslimiin ee ka dhisan Masar kaasoo UAE ay mar hore argagixiso ku tilmaameen.

In ururada Islaamiga ah ee ka shaqeeya danaha Muslimiinta ee wadamada reer galbeedka lagu tilmaamo argagixiso ayaa ah mid lala yaabo, iyadoo ay UAE ururadaan la barbar dhigayaan ururada dagaalada ku jira sida AlQaeda, Alshabaab iyo kuwa la mid ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here