Wadankii ugu horeeyey oo reer-galbeed ah oo aqoonsaday dawladda Falastiin

Baarlamaanka wadanka Iceland ayaa shalay oo ku beegnayd maalinta caalamiga ah ee is-garabtaaga dadka reer falastiin waxa uu u codeeyey in uu si rasmi ah u aqoonsado dawladda Falastiin. Xubnaha baarlamaanka Iceland oo ka kooban 63 xubnood ayaa 38 ka mid ah waxay ogolaashiyo ugu codeeyeen dawlad Falastiin oo leh xuduudii 1967,sida uu talafashinka qaranka Iceland ka sheegay wasiirka arimaha dibada ee Iceland, Ossur Skarphedinsson.

Baarlamanka ayaa aqoonsiga uu Falastiin ugu deeqay waxa uu raacshay soo-jeedin labada dhinacba ah. Xubnihii ka hadlay fadhiga ayaa labada maamul u soo jeedshay in si nabad ah ay oga wada xaajoodaan dhibaatada ka dhex aloosan labada wadan si loo helo laba dawladood oo daris ah si nabad ah ku wada nool kalana matala Falastiin iyo Israel.

Tan iyo markii ay hishiiska kala saxiixdeen dawlada madaxweyne Maxamuud Cabaas iyo ururka Xamaas ayaa waxaa sara u soo kacay mansabka diblumaasiyadeed ee dawladda Falastiin waxaana marba marka ka dambaysa isi soo taraya dawladaha ishoodo qabanayso deedafaynta Israel ku hayso xuquuqda dadka reer falastiin.

Saciid Cabdi Cusmaan,

Somaliska.com

Uppsala

Faafi mowduucaan

Saciid Cabdi Cusmaan

Asc, ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Aadan deeq says:

    Waa arin aad ii farxad galineysa talabadan ay qaadeen barlamanka iceland oo ay ku aqonsaden madaxbananida reer falastiin taasoo reer galbedka ay xaqiri jiren ayago ka shidal qadanaya yahuuda insha’allah inta kalana allaha sooqasbo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. massago says:

    Wadanku waxaw cod ku heli karaa aqoonsi codka 12 oo kalia e wadamada riyo caana madiido ah mawka doonto aqoonsiga sida Somlia,Somaliland,Jabuti,Eretera,S-Sudan,N-suudaanLibia, mm

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. Saciid says:

    Sida aan filayo waxaad ula jeedaa codsigooda ay u gudbiyeen golaha amniga.
    wadamada aad sheegtay midkoodana kuma jiro golaha amniga qaarkoodna lamaba aqoonsana.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Khadija says:

    Waxay ila tahay in lasoo gaaray xiligii ay Falastiiniyiintu xaqoodii heli lahaayeen waxaana u rajeynayaa reer Falastiin guul iyo horumar inshaa Allaah.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. Abuxudayfah says:

    Aqoonsigaan Gaalada Laga baryaa , Qiimo Malahan , Alle Agtiisa ayaa laga Aqoonsanyahay Mujaahidiinta reer Falastiin…….Guul Allaha idin Gaarsiiyo ,
    Ciziga iyo Sharafta walleeysan ku jirin USA oo ku Aqoonsata .

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Najma.göteborg. says:

    Ascm,wr,wbr,
    Walaala yaal waxaa soodhaw markii yuhuudu ay meel ay gasho waayilahayd oo xitaa ay geeduhu sheegi lahaayeen.siduu horayba naloogu sheegay!!
    oo waad aragtaan in ay wadamadii carbeed oo ay kaligiitalis yaashu katalinaayeen ay Ururo muslimiin ah lawaregen!!!
    Isbedelkaas daraadiis waxaa lasadaalinayaa in aysan Yuhuudi haysan meel ay degto.
    Saadaraadeed “Yuhuud” waxaa loodiyaariyay in ay Soomaaliya <Dagaan kadoon taan. waana taas tan ay soomaliya udagi la,dahay. oo larabo wadankaas istraatiijiga ah. oo ay gaalo uheshiisay.
    ws,wr,br,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. soyan says:

    asc, walaalayaal walaalaha muslimka ah sharaftooda iyo cisagooda ilaahey ha u soo celiyo waxeyna ku imaan kartaa iyagoo is fahmo kana wada hadlo aayaha dalkooda iyo dadkooda. qulubta muslimiinta oo dhan ilaahey waxaan ka baryayaah in hal mid uu ka dhigo inshaa alaah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Ragiihore says:

    Carabna wali wayka aamusantahay iceland na oo boqolkiiba boqol kirishtan ahna way ucodooyeeen, alla kuwaan emariteka iyo sacuudiga oo dawarsanaya ma arkidoonaaa? Sayidkii aa daraawiish intay sixun ubaabaday oo diyaarad aan la aqoon lagugaraacay bay dhaheeen sayidka daraawiishtii maad gacan ama qeylo dhaan noogudirtid carabta muslimka ah oo aad katimid, markaasuu gabay aan kaxasuusto ugujawaabay oo kudhahay, maandhow catowga igadaaa carabi waanaage kkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0