Walax qaraxa oo lugu tuuray masaajid ku yaala magaaladda Stockholm

1

Saaka aroortii xilliga Iswiidhan ayaa magaaladda Stockholm caasimadda ah waxaa laga maqlay waxlah qarxa oo lugu tuuray masjid ku yaalay.

Sidoo kale derbiyada masaajidka ayaa waxaa lugu xarqay astaanta kooxaha cunsuriyiinta adeegsadaan. Waxaa ay sidoo kale gudaha darbiyadiisa iyo dibadda lugu qoray ereyo ay ka mid yihiin “Ha dhintaan muslimiinta” kuwaas oo ah ereyo naceyb ah oo ka dhan ah muslimiinta.

Booliska oo halkaasi gaaray ayaa sheegay ineey heleen qeybo ka mid ah waxyaabaha qarxa balse aan dhibaato geeysan. Ma jiro cid ay dhibaato ka soo gaartay marka laga reebo argagax ay ku reebtay dadkii halkaasi u tagay ineey salaada subax ku takadaan. Booliskana waxaa ay wadaa ilaa iyo iminka baaritaan la xirriirta cidda loo maleeynayo ineey falkaasi sameeysay.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee masaajidada muslimiinta leeyihiin ee Iswiidhan ku yaala oo qaraxyo cabsi gelin lala beegsado.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here