Walxaha xaraamta ah ee cunooyinka lagu daro iyo Calaamadaha Doofaarka.

12

Doofaarka oo magacyo badan leh lakin soomaalida Sweden qaarkood ugu yeeraan Cago-yare waa noole si barax tiran loogu xarimay diinta islaamka gaar ahaan Qur’aanka kariimka ah,amarkaas eebe-weyne ka yimidna guud ahaanba umadda musliinta ah gaar ahaan soomaalidu si wanaagsan bay u qaateen una dhawraan.

Ma ahan musliin oo kali ah umadaha ka caagan doofaarka ee Yahuuda  ayey mamnuuc ka tahay in ay cunaan doofaarka wax soosaarkiisa inbadan oo kiristanka ka mid ah iyo qaar kale oo bilaa diin ah ayaan faruuryahooda ayaguna saarin.

Ayadoo taasi jirto ayaa hadana in badan oo ka mid ah maadooyinka lagu daro walxaha la doonayo in ay mudo dheer yaalaan sida cunada iyo iyo daawooyinka in badan oo ka mid ah waxaa lagu daraa wax soo saar ka yimid doofaar si aysan si dhaqso ah iskugu badalin.

Tusaale ahaan maadada af-swedishka lagu yiraahdo “Emulgeringsmedel” waxay ka mid tahay walxo badan oo asalkoodu doofaar kayimid waana maado loo isticmaali in la isku qaso walxo aan isku qasmi karin oo hadii la isku daro kala miirmaya,sida biyaha iyo subaga.

Halkan hoose maadooyinka magacoodu ku qorayahay inta badan waxaa ku jira xaydh ama dux doofaar, sida aad dhanka bidix ku aragtaana maadada inta badan magaceeda lama qoree waxaa la qoraa nambaro iyo xarfo u taagan oo lagu garto.

Beteckning , Tillsatsnamn
E 43 – Polyoxietylen (20) sorbitanmonoleat
E 435 – Polyoxietylen (20) sorbitanmonosterat
E 470 – Natrium-, Kalium- och kalciumsalter av fettsyror
E 471 – Mono- och diglycerider av fettsyror
E 472 – Mono- och diglyceriders ättiksyraestrar
E 472 – Mono- och diglyceriders mjölksyraestrar
E 472c – Mono- och diglyceriders citronsyraestrar
E 472e – Mono- och diglyceriders diacetylvinsyraaestrar
E 475 – Polyglycerolestrar av fettsyror
E 477 1,2 – Propylenglykolestrar av fettsyror
E 481 – Natriumstearoyl- 2 – laktylat
E 482 – Kalciumstearoyl- 2 – laktylat
E 491 -Sorbitanmonostearat
E 492 – Sorbitantristearat
E 494 – Sorbitanmonooleat
Macluumaadkan waxaan ka soo xigane Web-ka Uppsalamosken.se
Saciid Cabdi Cusman
Uppslaa
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here