Waqtigii lagu qaadan jiray dhalashada Sweden miyaa la badalay?

23

Isbuucaan waxaan wada hadalnay dhowr qof oo waqti dhow sharciga qaatay kuwaasoo ii sheegay in markii sharciga loo aqriyay lagu yiri waxay dhalashada Sweden ku qaadan karaan mudo 5 sano ah. Sida aan wada ognahay waqtiga caadiga ah ee Soomaalidu dhalashada ku qaataan waa 8 sano. Dadkaas ayaa sidoo kale ii sheegay in aysan waxba uga dugneyn dadka kale ee Soomaalida ah ee horey sharciga u qaatay.

Si aan arintaan u xaqiijiyo ayaan la xiriiray Laanta Socdaalka aniga oo waydiiyay in isbedel jiro. Waxay iigu soo jawaabeen in uusan jirin wax isbedel ah, oo wali 8 sano tahay waqtiga lagu qaato dhalashada. Dadka ka yimaada wadamada kale ee aqoonsigooda cadeyn kara ayaa sida caadiga ah ku qaata dhalashada 5 sano balse Soomaalidu maadaama aysan cadeyn karin aqoonsigooda waa 8 sano.

Soomaalida ayaa wax badan ka sheegta waqtiga dheer ee la sugayo dhalashada Sweden balse midaan ayaa ku timid maadaama uusan wadankeena lahayn wax dokumenti ah oo aan isku cadeyn karno isla markaana ay doonayaan Swedishku waqti ay ku bartaan cida aad tahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here