WAR DAG DAG AH: Wiilal soomaali ah oo lugu dilay magaaladda Stockholm ee dalka Iswiidhan

4

Abaarihii tobankii fiidnimo oo toban daqiio dhiman ayaa niman wejiyada soo xirtay waxaa ay weerar ku qaadeen maqaayad kafeega laga cabo oo ku taala xaafadda Rinkeby oo ah xaafad ay ajaanibta iyo soomaalida ku badan yihiin kuna taala waqooyi bari ee magaaladda  Stockholm ee dalkaan Iswiidhan.

Booliska oo goobta gaaray ayaa sheegay in halkaasi ay ku dhinteen labbo wiil oo da’doodu lugu qiyaasay labaatan jirro, waloow eeysan tafaasiil badan ka bixin dhacdada halkaas ka dhacay. Raggan hubeeysan ayaa ku hubeeysnaa qoryaha atomaatika-da ah, waxaana ay tacshiirad huwiyeen dadkii meesha fadhiyey. Haweeney goob joog ah oo u warameeysay wargeyska Expressen ee Iswiidhan, ayaa sheegtay ineey maqashay labo qarax, markii ay balakoonka xaggeeda u soo dhaqaaqdayna aragtay nin ka ordaya goobta. In kastoo saxaafada Iswiidhan eeysan sheegin in ragga halkaas ku dhintay yihiin soomaali, hadana dad aan xirriiro la sameeynay ayaa noo xaqiijiyey in ay yihiin wiilal soomaali ah oo isla dhashay.

Wargeyska Aftonbladet oo isagana wax ka qoray arrintan ayaa sheegay in rag wejiyada soo xirtay ay ka baxdeen goobta markii ay xabadaha fureen ka dib. Dadweyne aad u careeysan oo iskugu soo baxay goobtii uu weerarka ka dhacay wax yar ka dib markii ay booliska soo gaareen goobta ayaa dadweynihii bilaabeen qaarkood ineey dhagax yeeyaan booliskii halkaas yimid. Booliska ayaa sheegay ineey baaritaan xoogan sameeynayaa iyo cidii ka dambeeysay.

Si kastaaba ahaatee dilalka u dhaxeeya kooxaha falal dembiyeedka ku leh ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxaa ahaayeen kuwo soo laa laabtay una dhaxeeyo kooxo is raadsanaya, hase ahate dhac dhacdan ayaa noqoneysa mid ugu horeeysay ee ka dhacda magaaladda Stockholm.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here