WAR DEG DEG AH: Qaraxyo kala duwan oo magaaladda Malmö goor dhow laga maqlay

0

Magaaladda Malmö ee caasimadda 3aad ee dalkaan Iswiidhan ayaa goor dhow waxaa laga maqlay saddex goobood uu ku yaala. Saacaddu markeey aheyd sagaalkii iyo barkii habeenimo ayaa gaaray agagaarka Adelgatan, mana jiraan cid dhaawac ah oo la sheegay ineey ka soo gaartay.

Mid ka mid ah qaraxyadan ayaa ka dhacday meel maqaayad ah. Calle Persson oo ka tirsan booliska ayaa sheegay ineeysan hadda aanu tilmaami karin cid dhaawac  gaartay balse  baaritaano halkaasi ka wadaan. Persson waxaa kale uu sheegay in qaraxan dhacay u yahay mid lala beegsanayeymaqaayad ku taalay halkaas. Dad goob joog ah oo saxaafada la hadlayna waxa ay sheegeen iney arkeen dad goobta ka baxsaday. Qara labaad ee magaaladda laga maqlay ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka iskoolka lugu magacaabo Krokbäcksskolan.

Inkastoo qaraxyada noocan ah ay Malmö ka dhaceen marar badanhadana waxaa socda weli baaritaano la xirriira sida ay iskugu xiran yihiin, ama ay salka ku hayaan falalkii halkaas horey uga dhici jiray.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here