War degdeg ah: Mudaharaadka 4 May

27

War deg deg oo hada na soo gaaray ayaa xaqiijinaya in uu soo baxay ogolaanshihii mudaharaadka ay qorsheynayaan Soomaalida Sweden 4 May ee ka dhacaya Baarlamaanka Sweden.

C/Qadir Shekhuna oo ka tirsan ururka Somaliska Riksf̦rbund i Sverige (SRFS) ayaa hada noo xaqiijiyay in uu u soo dhacay ogolaanshihii ay dibad baxa ku qaban lahaayeen baarlamaanka Sweden Arbacada 4 May saacadu markay tahay 11.00 Р12.30 duhurnimo.

Hadaba waxaan ugu baaqeynaa dhamaan Soomaalida Sweden ku nool in ay ka soo qeyb galaan mudaharaadka oo ah mid aad muhiim ah in Soomaalidu ay soo bandhigto sida ay uga dhiidhinayaan shuruuda adag ee Sweden ay ku soo rogtay ilaa sanadkii la soo dhaafay.

Guud ahaan mudaharaadka iyo dooda baarlamaanka ayaan si toos ah wax uga qori doonaa barito haddii alle idmo, waxaa nooga qeyb gali doonaa Saciid Cabdi Cusmaan oo Uppsala ka imaanaya. Sidoo kale sawirada aad ka soo qaadaan goobta ayaad noogu soo diri kartaa sawirada@somaliska.com

Hadaba markale saacadu waa 11.00-12.30 goobtuna waa Mynttorget. Hoos ka fiirso maapka goobta lagu qabanayo dibad baxa.

map-generator.net

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here