War farxad leh…?

War farxad leh? War farxad leh? Alloow war farxad leh. Maanta waxaan doonayaa in aan ka hadlo arin beryahaan dambe soo laalaabatay oo akhristyaasha qaar ay leeyihiin “Jimcaale waxaad qortaa negative oo keliya, waxaad raadisaa ceebta Soomaalida”. 

Soomaalaay horta maxaa naga qaldan? Anigu warka ma alifo mana sameeyo, haddii uu farxad leeyahay iyo haddii usan lahayn labada waan soo qoraa. Inta badan waa soo turjumaa wararka ay qoraan warbaahinta Sweden. Intii aan Somaliska waday shaqadiisa waxaan soo qoray in ka badan 900+ mowduuc oo isugu jira waxkasta sida nolosha, shaqada, socdaalka, waxbarashada oo farxad, murugo iyo xiiso intaba leh. Negative iyo Positive intaba ah.

Mid ka mid ah akhristayaasha bogga ayaa soo qoray..

su,aal jimcaale sxb xilimaad sverige timi? run ahaantii wax wayn baa khaldan xaga suxufinimada waxaan kugula talin lahaa bro inaad kurs fara badan oo saxafada ah qadatid si aad wax dadku ku farxi karaan ama xiiso leh aad usoo qortid inta badan negative ayaad ka hadashaa kaliyata wax positive ah adoo qoraya ma jirto, iga raali ahow hadaan meel ka dhacay lakiin sidan wax ka badal. – MR NICE MAN

Waxaan leeyahay haddii aad war farxad leh hayso, oo xaqiiqo ah Mr Nice Man adigu soo dir emailkayga waxa uu ku qoranyahay Contact us. Somaliska waa bogg u furan Soomaalida Sweden oo qofkii bulshada wax fiican u haya waan soo daabacayaa mowduuciisa. Sverige xiligaan imid muhiim ma ahan. Arinta suxufinimada, waxaan filayaa in aad ku haminayso nidaamkii saxaafadii Soomaaliya, sxb kuwaas isku nidaam ma nihin. Aniga saxaafadayda waxaa lahaa Advocacy journalism. Ka eeg Wikipedia.

Arimaha socdaalka iyo Migrationsverket haddii war ka soo baxaan waan soo qorayaa ama ay jiraan wax kale oo xiiso u leh Soomaalida. Marka hala dulqaato, oo boggu kuma saabsana arimaha socdaalka oo keliya.

Mida kale, soo galootigu iyaga ayaa negativeka u badan ee anigu mana jeclaysan mana raadsan. Waa xaqiiqada wadanka ka jidha. Haddii aad  isleedahay wax ka badan arintaas, fadlan samee wax lagu farxo oo weyn si aan u soo qorno.

Qof ayaa shalay soo qoray in aan Islaamka ka qoray wax negative ah. taasi waa been abuur waligay kama qorin wax negative ah Islaamka, waan difaacaa oo waa diinteyda aan jeclahay. Waxaan soo qoraa waxyaabaha cunsuryiintu ay ka been abuurayaan Islaamka iyo Muslimiinta. WSC.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

47 Responses

  1. salah liban says:

    Walaal jimcaale waxaa loo baahanyahay faalooyinka iyo dhaliilaha ay bulshadu kuu soo qoreeyso in ay kuu noqdaan feedback aad ku saxdo waxi kaa qaldan iyo qaladaadka aad leedahay. Bulshaduna waa muraayada aad iska dhax arki karto oo aad ku ogaan karto hadba sida muuqaalkaadu yahay ee bulshadu kuu aragto. Kama hadlaayo faalooyinka aflagaadada ah oo ay soo qorayaan 0.5% dadka ka mid ah oo garaadkooda hooseeyo.

    Aniga waan qabaa dareenka ah in aad marwalbaa negativity ga soo qaadato. ujeedkeeygu maaha in aad wararka adiga sameeyso, waan ogahay oo waxaad ka soo qaadataa saxaafada swedishka ah, laakin suaashu waxa ay tahay yaad warka u tabineeysaa? ma Swedish mise Somali. waxi aad isleedahay waxay qalbi jab ku tahay mujtamacaada somalida ah waa in aad ignore gareesaa, waxi umadaada wax u faa’iideeyn karana aad ka soo qaadataa. Aniga runti waxaa iigu layaab badnaa qodob malin hore aad soo qaadatay oo ahaa Nin engineer ah oo halkaan wax ku bartay ayaa qashinka xaaqo! Taas waxaa ay ka niyad dileeysaa in mujtamaca somalida ah ee aan awalba waxbarashadodu wanaagsaneen in aysan waxb baran ayago laga yaabo in qodobki aad soo qortay soo daliilsadaan, waa kuwa niyada xoogan aan laheeyn. Halka aad ka soo qaadaneeso qodbakaas waxaa wanaagsanaan laheed in aad ka soo qaadato dad kale oo ajnabi ah oo wax bartay oo sweden horumar ka sameeyay, waana hubaa hadii aad raadisid dad sidaas oo kale ah in ay aad u farabadanyihiin, waxayna mujtamaceena u noqon karaan role model ay ku daydaan horumarna ku gaaraan.

    Ugu dambeen waxaan kugula talin lahaa walaal jimacaale umadadaa somaliyeed u jiheey dhanka wanaaga. Iskuna day in aad ku dhiiri galisid in ay wadankaan wax ka noqon karaan, qof walbaana uu gaarayo meeshuu uu dadaalkiisa gaarsiiyo. sida dhagaxa marka la tuuro uu u gaaro karo fogaan u dhiganta hadba awoodi lagu xooro.

    Mahadsanid

    Fikrad lala dhacay Thumb up 26 Thumb down 1

    • Mohamed says:

      Salah masha alaah, nin qoraa ah ayaa tahay mahadsanid. Sxb dhanka kalana nin hal abuur eleh ayaatahay. qodobkaa uu sooqray jimale dadka sameynta uu ku yeeshay ayaan ahay oo bilaabaya jaamacada saadkaan Electric och datatecknik ingenjör, marka waxan is iri hadii qashin lagurayo waqtiga ha iska dhumin, laakin yowlkeygii waa in aan gaaraa wax kasteytahaba. teeda kale jimcaale waxaan kuleyay sidii salah yiri Dadka role model ka ah soo qado oo wax baratay gar ahana soomali dad badan ayaa jira. ee waxa Negativiga ah iyo cunsuri umada waqtiga ha uga dhumin, oo dadku yeysan fikirkooda kusaleyn xisbi yar oo cunsuri ah wax uu sameyay iyo waxa uu ku hadlay taas iska in dhatir ee tadka hormarka gaaray sooqaado oo wax baratay sida aad usoo qadato tukanleyda, oo soo wareyso somalida wax mesha kubaratay ee klipkooda meshan soo dhig. mahadsanid

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Fahad says:

    Asc Jimcale sxb, sxb wararkaagu aad bey noo anfaceen runtii, waxyaabo badan oo sooomalida muhiim u ahna waad noo soo qortaa, markaa dadka ku dhaleeceynaya waxba ha u arkin, inta wararkaaga jecel ayaa badan.

    wararku ama ha wanaagsanaadaan ama ha xumaadaane muhiimaddu wa ain lasoo gudbiyaa taana waana kaaga barannay. waad mahadsan tahay sxb.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 5

  3. runta ha la isku sheego says:

    ciwaan ay dadbadani ku hungoobi doodaan
    kkkkkk
    kkkkk
    qaasatan dadka uu dadka ka maqan yahay ee sharciyada sugaayay.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. Najma says:

    Asc,Wrx,Wbr, Bacda salaan. Horta “Sorry” marka hore, Markaxigana waxaan kacudur daaranayaa in aan halkaan wax ugu sooqoraynin in aan walaalayaa idnka cilmi iyo caqli badnayn. Intaas kadib,Anigu waxay u arkaa in lagugu qaldamay Walaalka webka sooqoroow.oo soomaali waxay ku,maah maahdaa, Hadaaad “Cay rabto guurso” hadaad”Amaan rabtona dhimo” oo cayda iyo wax kasheega ama qo ugafida qof waxnoo sameeyay waa wax khuluqiyadeena kamidah, Taasna ma,aha wax wanaagsan oo waxaa mudan in aan iskadayno waa caado kun oo aan dhamaanteen leenahay xitaa anigu iskamasaarayo, Soomaalid say ubadanyihii ilaa in ilaahay unaxariitay mooyee, Marka walaal iska dulqaado oo waba ha,u arkin Dadaalkaagana sii labanlaaab oo inta sida qaldan wa u,aragta yaysan kujoojin.Waxaad wax uhaysaa waa umadd dhan. Maaha shaqsi kaliya, Qofkaan kuqanacsanayn Webka Walaal hasoobooqan! Adoo mahadsan intaad qof walaa kaaah aad aflagaadayn lahayd.Iga raaliahoow hadaad isleedahay waan qaldanahay! Ws, Wr, Wb.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  5. anwar says:

    asc markaan arkay warfaradleh runtii waa farxay markaan aqriyayna waa yaabay jimcaale ma qof waxow qoray ayaa kaa xanaajisay ilaa intaa waa inaad sabaryeelataa walaalkeey waxbadan ayaad arkeysaa dulqaado wcs

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  6. Xamza says:

    MAASHA,ALLAAH,MR, SALAH ,LIBAN wlh waxkasta o an dhihilaha waxad moda in u walalka(salah,liban) u hore usoqoray waxeyna ilatahay in ukahadlay xaqiqda

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. hasan says:

    asc jimcaale su aal ayaan ku weydiin hana u qaadan inaan mucaarad kugu ahay waxay thy su aashaydu sxb suxufi ayaad sheeganaysaa waxaadna hedlinka ama hordhaca warbixinta uga dhigtey war farxad leh war farxad lehna maad sheegin ee shaqsi ayaad u jawaabeysey weliba si gaara kuula hadlay taasna samcadaada ayey wax u dhimaysaa suxufinimo mida kale waan ku saxayaa waxaa laguu soo diraa warbixino somalida dan u ah oo wanaagsan balse ma soo gelisid webka wixii aad jeceshahay keliya ayaad soo gelisa markaa ha oran waa web somaliyeed oo umada somalida sweden ka shaqeeya wanaagooda iska hubi dadaalkaagu waa fiican yahay balse warbixinta wanagsan ee samcada inoo leh gaarsii dadka mahadsanid qof wax kuu sheegayna bublik haka dhigin sida kan maanta oo kale

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  8. malaak sharif says:

    sc
    ramadaan kariim
    walaahay aniga ahaanteey waxaan ka mid ahay dadka sweden ku cusub webkaanne maalin walba ayaan aqristaa wax walboo uu soo qoro ha fiicnaadaan ama ha xumaadaan waxyaabo badan oo aan wadankaan ka aqoonina webkaan haduusan ahaan laheen ma ogaadeen oo waan ka faa’ideeystay marka aniga ahaanteey waxba uma arko wuxuu soo qoro jimcaale hanoo faaideeyo ama niyada hanaga jebiyo sabatoo ah boqol qofoo idinka idiinka mid ah ayuu ka roon yahay isaga waaba is dhibay oo wax buu soo qoray idinka maxaad sameeyseen koleey waa iga rayi kaliya haleyga raali ahaado sc

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

    • maxamed says:

      asc saxiib malaak shariif ha noqon dameeri dhaan raacday wadanka aayd ku cusub thay wax jairna ma gid ee mel fariiso waxad leedahay ma ha na niyad jebiyo ama niyada ha n oo dhiso maxa wanag ah hadii niyadaba la iska jebiyo waa iga talo nin walbow waxaan wanag ahay iska tuur

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. ciid says:

    war ninka jimcaale ladhaho anigu iyo somaliska iyo dhammaan mowduucyada uu qoru waan jeclahay. waayo? waa waxloobaahan yahay wuxuuna noosheegaa maalinba wixii cusub. markaa sxb anigu sigaara yaan u xiisayaa dhammaan mowduucyada aad qorto waanad ku mahadsanatahay . hana layaabin hadaad aragto qof kumaagaya iskaga dulqaado umada wax xun yo wax wacan ba way ku jiraan halkaa sxb , kawad. aadbaanad umahdasanatahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. yeeene says:

    Aniga fikirkayga JIMCALE wax kaqaldan oo saas ahi majirto waxayar yaad mooda marka loo barabardhigo warsideyaasha somalida iyo caalamakaba inuu waxayar oo khibrad ahi kamaqantahay laakinse aniga dhakayga aad ayaan ugu faraxsanahay ninkii JIMCALE dhaliilayow awalba maxad akhrisanjirtay??? wad dhagalaeede…midakae ee kusaabsan warka farxadaleh SWEDEN warfarxadleh ba soogalotiga makaqoraan markaa please yaan JIMCALE dusha laga raasin eed uunan laheen ……

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Elmi says:

    Asc dhamaan akhyaarta hadaan wax yar ku darsado fikirkayga,anigu waxan qabaa in uu Jimcaale yahay nin dhalinyaro ah oo runtii aad u dedaal badan Soomaalidana wax badan la socod siiyaa,wax wacan iyo wax xunba wuu soo qorayaa waayo warka ayaa sidaa ah,marka dadka leh wax fiican uun soo qor dee waxa laga rabaa in Soomaali warkeedu noqodo wax wada fiican,taana waxa laga rabaa idinku in aa la timaadaan,laakiin inta way jirto wax aanay dheguhu jeclayn wuu soo qorayaa oo webku waxa uu inoo yahay muraayadii aynu isku arkaynay ee qof kasta oo Soomaaliya waxa laga rabaa marka uu arko xumaan ah oo aynu leenahay inuu wax ka qabto,laakiin waxan odhan lahaa meesha ka saara eraygan ah wixii xun ee aynu leenahay ha soo qorin,Jimcaale aad baan u hambalyaaynayaa waxan ku leeyahay howsha halkaa ka wad waxad haysaa howl Qarann ee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. yeeene says:

    Wali yaa arka Sweden oo war farxadleh kaqorta soogalootiga malainkasta wxaan akhrista dhamaan wargaystayda sweden markaa sxb wadankan anaga ayaa iskeenay waxlainagu amaanan mahayano ee yaan lais eedaynin..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Laydh says:

    shoooooooo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. duceysane says:

    Asc ramadaan kariim marka hore qeyrka alaha na waafajiyo .aniga marki horaba waan iri jimcaale war gudbin ayaan ku ognahay ee halaiska daayo mucaaradnimada maalinta aysan ku qancin mowduuca ka aamus ama siday kula tahay ka dhiibo
    Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. jabir osman says:

    asc? Jimcaaale akhii marka hore ilaah ajar hakaa siiyo dadaalkan dheeraad aad somalida u qabato, run ahaantii angiga sweden xal sano iyo wax la jiro ayan ku noolaha waligey maan arkin qaldaad ama arin lid ka ah aad diinta islaamka kasameysay oo aad soo qortay, wlh xittaa waxaan xasuustaa wax badan oo arimaha lidka ka ah diinta oo dadka sameeyaan aad ka jawaabeyso oo aad diafaaceyso , xittaa wlh waaad difaacdaa arimaha somalida lidka ku ah, sida gabadhii norweyn joogtay , iyo gabadhii yamaniyada eheyd oo somalida wax ka sheegeeen , .

    marka sxb ha u bixin somalida qaar warkooda, wadankii ayey dhibaaatada oo kale nabad noooga dhisan la’dahay, qof walba wax bay ka sheegeeen., marka sxb abaalkaada masoo koobi karno oo adeega aad noo sameysay ah.,

    waxaan ku leeyahay jazaaakalahu kheiraa!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Muniir says:

    A.c dhamaan akhyaarta gaar ahaan jimcaale wad mahadsan tahay lkn markaan akhriyay cinwaan waan udag dagay in aan furo bagka lkn markan akhriyay in aad ciyaarayso ayan ufahmay bro ! Any way thanks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. mazbal says:

    jimcale lkn ma aheen ciwaanka in aa ka dhigto war farxad leh marka adiga oo waaye arag ah hadaa saan qoree hadna dad ugu jawaabee dadkii kale oo kaa hooseyay ka waran maeka ani ahaan ilama wanaagsaneen in aa dhahdo war farxad leh dad badan ayaa ku sirmay saan filaa adina si loo aqristo ayaa ugu tala gashay qofkana amaan & dhaliil wuu yeelan karaa hadii lagu dhaliilay iska qaado inta ku amaaneeyso ayaa badan 1 qof ama 2 in aa u jawabto mahan mahadsanid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. dhaga yare says:

    soomaalida sidedaba waxay inta badan iska waraystaan kkkkkk

    1)Kumuun cayr fiican mafagan tahay?
    2)madhamaysay SFI?
    3)Praktik ma laguu diraa?
    4)Ninkii hore ama xaaskii hore makala tagteen?
    5) caruurtii malaguu keenay?
    6) aroos qatar ah madhiganee?
    7) handläggare snäll ah maa kugu soo aaday?
    8) abuuyo meeqa lug ayaad ku jirtaa?
    iwm.

    su aalaha kor halooqaado wax waaween ha la iska wareysto ayaan leyahay soomaaliyay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  19. dhaga yare says:

    soomaalida sidedaba waxay inta badan iska waraystaan kkkkkk

    1)Kumuun cayr fiican mafagan tahay?
    2)madhamaysay SFI?
    3)Praktik ma laguu diraa?
    4)Ninkii hore ama xaaskii hore makala tagteen?
    5) caruurtii malaguu keenay?
    6) aroos qatar ah madhiganee?
    7) handläggare snäll ah maa kugu soo aaday?
    8)ayuuto meeqa lug ayaad ku jirtaa?
    iwm.

    su aalaha kor halooqaado wax waaween ha la iska wareysto ayaan leyahay soomaaliyay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  20. Amin says:

    Scww, Ramadan kariim dhamantiin.
    Bacdasalaan aniga oo ku hadlaya magaca akhristayasha waxan raligalin siinayaa Jimcale oo ah qoraha mareegtan waxan leeyahay jimcale walal Ilaahay miisaanka xasanadka hakugu daro hawsha badan ee aad umada u hayso waan dareemaynaa hawsha, waqtiga badan iyo dadaalka badan ee aad galiso mareegtan ilaahadana cidkaa caawisaa aanay jirin sidaan filayo, walal ilaahay hakaa baal mariyo. dadka somalida intooda badani wadanka way ku cusubyihiin sidaa awgeed ma akhriyikaraan saxafada kale ee wadanka oo luqada ma fahmikaraan isha kaliya ee aan warka wadanka ka helaa waa Somaliska. dadkuna isku aragti maaha iskuna ujeedo maaha fadlan yaanay saamayn kugu jeelan inta xumi. dadka kusoo qoray qoralka aad soo bandhigtay waa dadka saxafada ka bartay websaydyada afka qabiilka ku hadla oo dhinac kaliya wax ka arka. sidad sheegtay saxafadu warka ma samyso ee way soo gudbisaa waxa ugu mihiimsanina waa in ay warka siduu yahay oo dhaba usoo gudbiso muhiimna maaha cidii ku farxaysa iyo cidii ka naxaysa cidii war gooniya rabtana mareegta reerkooda ha u radsato kaasaa ka farxine. waa mahadsantihiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Maxamed Cabdullahi Cabdi says:

    Asc.Bacdasalaan waxa ay ila tahay in aad ku saxantahay shaqadaada sababtoo ah mar hadii lagaa rabay in aad soo gudbiso dhacdada iyo sida wax ay u dhaceen amaanadii aad umada u haysay waad soo gudbisay,Waqtiyada hada lagu jiro umadu waxa ay u badan tahay in Musalsalada iyo Jilayaasha aflaamta cuntada ay cunaan iyo labiskooda ay ka helaan umada lagu maran habaabiyo midaasna waxaa u sabab ah maskaxda oo laga qabsaday dadka ama la jiheeyo (Mind Control)ay ku hayso dabaqada sare ee caalamkan sida qarsoon umaamusha.
    Hadii shakhsi soomaaliyeed uu qalad sameeyo iyo hadii qalad lagu sameeyo,Sido kalana hadii uu wax fiican sameeyo intaba soo gudbi.
    Dardaaran:-
    Dunidan aan ku noolnahay waxaa la iskula dhaqmaa,
    Ninkii seexday siciis dibi dhal.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  22. jibrail says:

    jimcale wa ku salamay bra dadka ha u bixin dad waxa jiro si kale u fakirayo aniga waxa dhihi laha ninkan jimcale aan bogadino shaqo buu ino haya anaga somali inta badan film dhagool ba ino shidan luqada ma barano marka ninkan jimcale waxa nalagu xanta iyo wararka ayuu ino soo dhag dhageyaa mxa kalifayo inaan ceyno waa eden daro sxb shaqo wacan bilad sharaf baa xagena ka is tahishaa good luck

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. axmed bulxan says:

    webkaan somaliska waxaa wa mid anfacay somalida sweden iyo inta wadankaan dano kaga xidhan yihiin ,dhalinyarada qortana way ku mahadsanyihin,anigu waxan aaminsanahay in la soo qoro negativeiyo posative wixi ay somalida sweden leedahay ,mar waa war iyo dhacdo dhacday waana loo baahan yahay ,marka kale negativeka macnihuusu waa isa sax ,posativekuna waa dhiiri galin markas sxb dadaaaal jimcaale thanks ilahay ha ku garabgalo dulqaadna yeelo why maan rag wa mudacyo afkood waa wax ka horyimada ma wayaysid khalad iyo sax labadaba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. kamaaludiin says:

    waa yaabka yaabkii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. saara says:

    jimcaale walaal anagaa jecel aqbaartaada ee ha isku mashquulin waxaan waxba ahayn qofka haduu meel mas,uul ka yahay waa caadi in la,caayo adiga ayaanba kula yaabey ajarkaaga ha iska daadinin.mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Ahmed Wadani says:

    ASC Jimcaale sxb iska dulqaado Somalia qofkii u shaqeeya dhib kama baxee su’aasha weydiinta mudan ayaa waxeytahey bal yaa lacag kugu siiyo inaad u shaqeeyso oo aad wararka u soo qorto web site ka inuu kiro yahey cid moog miyaa jirta kkkkk markaas ayaa lagu aflaagaadeynaa sxb Somali baad tahey ha u bixin waligaa ciil wad ku noolaaneysaa ileen dad waxaan nahey aanan xadaari aheen ee umadaha ugu hoosee nafsiyan hadalka kama fiirsano oo waxaan rabaan iska dhahnaa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  27. Abukar Mohamed says:

    Aniga waxaan qabaa jimcaale inuu bulshada wadanka ku cusub inuuu faidynayo oo uu u turjumyo waxa aay ka qoreen saxafada swedishka dadka soomaliyeed war ruuxa dooda ka qabo haduu yaqaano luqada swedishka meeqaan aqoon luqada ee in la caawiyo u bahan aniga markaan iska hadlo waan aqaana luqada hadaneh waxa ii fudud in aan wabkeena ka aqristo mahadsanid jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. qardho boy says:

    Jimcaalle dadakan iska talactalacleh dheg ha u dhigin qoraaladada aad qodho aad baanu ugu maqsuudna hadey farxad yihiin iyo naxdin leyahayb isku wad farxadda leh iyo waxaan farxadda lahayn.inaan wax walba Ka ogaannno rabnaa. Wadanka. Dedaalkagana sii labalaab insha allaah dadkaan soo qorayana wixii macqul ah Ka qaado jimcaale ku tagersanahay. Farxad iyo naxdin adunka xalkisa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. runsheeg says:

    asc rabadaan kariin dhamaantiiin walaalayaaal hadaan usooo noqdo jimcaaale iyo somaliska run ahaantiii way jiraan khaladaadad badan oo xaga saxafada ah iyo aqoon dari haysata jimcaale laakiin kolay dadaaal wuuu muu jiyay inkastooo ay ka fiicnaaan lahayd in saxafada uu jamacad u galo saxafinimaduna maha war la sooo turjumo eee waa karti u bahan sooo jiidasho iyo xiiiso asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. darbaweyne says:

    asc marka hore marka xigta jimcale dadka waxee u bahanyihin ma ahan wax adag un waxee ku farxan oo somalida farax gelinaya u so dhig tan kale qoraladada ha isku dhela tirnadan qeybaha qaar wad ka dhigi karta nagativ lkin dhex geli mar marka qaar wax umada u wanagsan dhira gelin u ah asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. cadnaan says:

    war beenta iskadaa waxaa rabta ha nooqorin maxaa kaaqaldan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. Abdirazak Hassan says:

    Akhbaarka farxada leh ma kan baa?
    waa igu lug gooysay, akhbaar dambe oo aad ku sheegto mid farxad leh kuma khaldami doono inshaa Allaah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. Maanka says:

    Asc dhamaan asxaabta ku xiran webkaan jimcaale waa mahadsan yahay waana dadaalay lkn ha qaato dhaliishiisa maadaama uu howl umada u haayo saxaafadana ha u adeegsado inuu umada ku rogman sweden uu kor ugu qaado magacooda isagoo u adeegsanaayo inuu soo bandhigo dadka ku dayashada mudan iyo fursadaha waxbarasho shaqo ee wadanka ka jiro oo mowduucyada meeshaas ha u badiyo hana iska daayo waxyaabada fadeexada eh sida warkaan farxada lagu sheegay iyo qiimo la,aantiisa dhaliisheyda ugu weyna waa fadeexadii wiilki ilmihiisa raadinaayay uu soo bandhigay walaalkeen sawirkiisa kadibna haddii warbixinta lasiiyay ey qalad eheyd waxaa la rabay inuu u ceeb qariyo uu warka xun ee dambe uu ka gaabsado mana ahan arimo famil inuu ku soo bandhigo meesha waxaas iyo wax aan u qalmin qalinkaaga jimcaalow umada ugu badal wax anfac u leh idinkana soomaaliyey ceebtiina waa taqaaniin ee ninkasto magaceena kor inuu u qaado ha isku dayo fadhi ku dirirka iyo taleefanka badan waa waxa dhulka na sii dhigaayo ee qof walbow masuuliyadaada qaado si guri guri iyo reer ba aan kor ugu wada kacno aana u noqono bulsho lagu daysado diin waxbarasho iyo aqlaaq intaba ilaaheyna soomaali dhibka haka qaado meel kasto waxaan noqonay lo, kissi oo meel kasto baahan aanaga goosanaayee anigoo ula jeedo wadan kasto waan ku dhibannahay anakaana ka masuul eh oo aan dareemeyn jawiga cusub oo la galay iyo in nalaga rabo dadaal dheeraad eh.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  34. xayow says:

    jimcaale suxufi wax kama ogid iska raac xolaha aad raaci jirtay sxb qof lee is amabaayo welige maa arkin jimcaale wuu iska jecel yahay inuu noqdo qof suxufi ah laakin malahan aqoontiisa tariiqdiis dib halo racaao jimcaale meeqa jir waaye jamacee ayuu kaso baxay muxuna dadka u sheegi karaa muxna u diiday inuu sheego inta sano uu joogay sveriga inuu sheego war jimcaalow dantaada qabso bro oo aad u timid wadakaan haku dhax walanin suxufi nimo waana og nahay qof walbo oo is dhibo oo somali ah wax maso baranin ayuu dhahaa adiga jamacad miyaad ugu baxday sveriga jimacale oo aad ku noqoto suxufi naga daa cayaarta marka is faale lee inta aduuna kadhamanaayo jimcele badiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. Stockholm says:

    Xayow Hadalkaaga makaa xaasidnimaa mise waa maseyr. Jimcaale uma quurtid raganimadiisa, Xoolo ayaa tahay sidaan magaalo looma joogo, hadhowna waxaad leedahay soomaalida xumaanta laga soo qoraayo maxay tahay, Jimcaale adiga oo aflagaadeynaayo ayuu hadana kommentarkaaga soo gudbinaayaa asagoo tirtiri kara. Respekt Jimcaale.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  36. ali says:

    ASCJIMCAALE WAAD MAHA SAN TAHAY WIXII WAX KAASHEEGAY ANAGAA SAMA FALEEYNA WALAAL WAA NIN KA MID AH AQRISTYAASHA WAXAAN KUUGU DUCEEYNAA IN ILAAH AJAR KAASIIYO WAR BIXINADA AAD NAGA SIISOUMADAAN AAN U SOO QAXNAY WAANA MAHAD SAN TAHAY WALAL.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  37. ali says:

    WAA ISLA ANIGII MARKALE MAHADSANID ,
    WAXAAN DEGANAHAY TROLLHÄTTAN,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  38. Dalmar says:

    Asc, jumcaale iyo dhamaan kuwa ku xiran webka somaliska.com anigu hadaan ka hadlo shaqsi ahaanteeyda waxaan leeyahy iska daaya maseerka jumcaale waa walaalkeena somaliyeed hadana waxii aqbaar oo u ku saabsan arimaheena iyo mida wadanka Sverige waan ka helnaa webkiisa marka waxaa waajib innagu ah inaan dhahno 1000 tack,, and may allah bless him.mr jumcaale waxaan ku leehay jobba jobba hele tiden brother……nd we support you

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  39. dacad says:

    asc kkkkkkk runtiiii waxa jira qaar badan oo uu jimcaaale maskaxda ka qabsaday oo u haysta nin wax fiican u haya kan isagiiii ayaa iska dhamaaan lah xageee lagu arkay nin suxufiya oo is amana waxaaan qoray intaaas oo mawduuuc qor laakiin wax tayo leh qor bro waxna bro ayaan ku dhihi lahaaaaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. somaalidhaba says:

    asc jimcaale iyo walalaha ku xiran webkan waxan u mahad celinaya walalkeen jimcaale WALAL HA U JAWAABIN DADKA SIDA XUN U FEKARA adigaa ku qiimo dhacaya shaqadaadana masuuliyadeedii hilmaamaya anigu hadan nahay somali swedan waa naqaan waxaad tahay taariikhda ayaana ku sheegaysa ee in lagu amaano umaa baahnid waxaad soo qortana waa lagu qanacsan yahay sababtoo ah wax kale lama haayo oo bedala afkeenana ku hadla oo kasoo baxa sveriga waxaan rabaa inaan halkaan ku soo gudbiyo arin aan kala kulmay sxbkay WUXUU DHAHAY SOMALISKA WUXUU II YAHAY ALVEDOL OO AHA KANIINAGA MADAXA LOO CUNO SABAB AH HADANAN AQRIN WAX AYAA IGA MAQAN MAALINTAAS. marka sxb midka wax kaa sheegayana waa jiraa midkaana waa jiraa ee hore u socod dhoqo ha u istaagin dadkaas.1000tack

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  41. Ramadan says:

    ACWW,salaan kadib walaal Jimcaale wixii wanaag iyo war ah waxaa kuu soo koobay walaalkeena Saalax inta kala waa uun”wax ku daris wax ma ka dhimeyso” waxaa nasiib daro ah dad aan magaca xitaa si sax ah u qori karin oo Jimcaale wax baro leh sida daacad ninka isku magacaabay sorry isku xishooda Soomaaliyeey?!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  42. Raaqia says:

    asc bacda salaan wall jimaale wad ku had san tahay wax kasta oo aad noo soo gudbiso qofka ibn adanka ahana khalad waa ka dhici kara laakiin somali haday naf leedahay ismay cunteen ee way tashan lahayd marka anigu mudo ilaa sanad iyo badh waan ku xidhnaa somaliska wax khlad ahana kuma arag somalinaa waa layaqan weligood qofka hor gala ee wax uqabta bay dabada dab kaga qabtaan ee jimcaale illaahaay baa abaal laga hela wall ee dadka markay waxba qabsan kari wayen ku dhalay caynaya dheg ha u jalaqsiin wadna ku mahad sanahay howsha aad wado wabillaahi towfiiq wscwrwb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  43. Hassan says:

    Ramadaan kariim dhamaan umadaha muslimka ah,
    Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in la helo websit: af-somali ku soo baxa oo dadku isku dhaafsadaan afkaartooda iyo wixii cusub laga socdo, waadna ku mahadsan tahay shaqada aad qabatay. lkn waxaa ku badan aduunka websit-yo qora 90% negative iyo 10% positive marka jicmaale dhaliisha ma ahan in aad adiga tahay ee waa meelaha aad ka soo qaadanayso warka fadlan waxaa nahay aqristayaasha webkaan isku day in aad waararka ka soo qaadanayso positive u badan adiga oo xaqiiqada soo gudbinaayo dhibaato ma ahan in negative la qaro waayo waa loo baahan yahay in wax la ogaado waana loo nool yahay wax ogaanshaha, lkn warka isku dheeli tir.

    Marka ay timaado arimaha bushada waxaa fiican iyo positive ka aad ka cabirtid si loo helo bulshada meel ay tiigsato lkn hadii la soo qoro qof nolosha ku guul daraystay oo keliya dhalinyaro badan oo niyad lahaa ayaa dis-moral noqonaysa.

    Maalin dhaway waxaan soo arkay mar aan Goteborg tegay buug lagu magacaabo somalida Sweden oo aan aad iyo aad ula dhacay waxaa loogu magac daray booga somalida sweden. Waxa uuna ka hadlayaa somaia wadankaan wax ku baratay iyo waxyaabaha ay ka shaqeeyaan oo bulshada qaybaheeda kale duwan leh sida Qareeno somali ah, Dhaqaatiir, Kal-kaaliyeyaal Caafimaad, Injinooro, Dhaqaalaha kuwo bartay iyo shaqooyinka ay hada ka shaqeeyaan aad iyo aad ayaana ula dhacay xaqiiqdii.

    Waan hubaa in aad heli doontid warar badan oo positive ah xaqiiqdana ku salaysan adiga oo aan negativega aad ignore gareyn waayo war la helaaba talo la hel lkn fakarkayga waa warkaaga haysku dheeli tirnaado.

    Layaab ma lahan somali haddii aynu nahay dhaliisheena aad ayaya u badan tahay. In aan wax dhaliilno ama ay dhaliisheena ka badan tahay mahadnaqeena waa wax iska caadi ah. Marka waxaan ku leeyahay waad ku mahadsan tahay mar labaad shaqada aad qabanayso iyo dadaalka aad ugu jirto.

    Asalaamu Alaykum dhamaan walaahala somalida ah meelkasta aya joogaan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  44. maaahir ibraahim says:

    jimcaale sxb kuddala in aad soo qortaan wax umada wax utaraa aad ayey ufara badan yihiin mida kale anigu waxa aan ka codsanaya somalid sweden in ay iigu soo duceyan in uusan illaah ikeenin aniga sweden

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  45. Gudoomiye La Doortay says:

    SC. Horta aniga hadal badan soo qori maayo, laakiinse waxa kaliya aan odhan laha waxay tahay Somalidii intuu xumaanshahoodii soo dhaafay suuqyada ayay marayaan in ay diidaan in la soo qoro xita xumaanshahooda. Wali lama hayo Somali ayaa maanta arinka wanaagsan ku dhaqaaqay iyadoo la leeyahay, kaliya wararka waxa lagu soo sheega xumaanshahooda, gaajadooda iyo musuqmaasaqooda. Jimcaalena waa ninka kaliya ee maanta arimaha Sweden ka jira oo sax ah idiin soo qora, dadkan akhrista xita websitekan waxa laga yaaba in 75% aanay garanayn afka Swedishka, hadana marka loo soo turjumo wixii dhacayayna ay qofkii soo qoray ay dib u qabsanayaan. Ilaahow Jaahilnimada naga saar hadaan Somali nahay, kollay hadaanay Somali maanta jaahil ahayn dhulkeenu sidaas uma dayacnaadeen oo gaajo iyo macaluul iskumaanu dilneene!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0