Waraysi ku saabsan arimaha mideynta reeraha Soomaalida

Isbuucii la soo dhaafay waxaan fursad ka helnay xisbiga Miljöpartiet in ay nooga jawaabaan 10 su’aalood oo ay soo diraan akhristayaasha Somaliska. ku dhawaad 70 qof ayaa soo diray su’aalo balse sidii balantu ahayd 10 su’aalood ayaan u dirnay.

Su’aalaha ayaa waxaa nooga soo jawaabay David Nilsson oo ah xoghayaha arimaha Socdaalka ee xisbiga Miljöpartiet maadaama ay mashquushay Maria Ferm. Hadaba sidaan ayay noqdeen jawaabaha.

1. Shiine, Borås: Waxaan u dacwooday xaaskayga wax caruur ahna iskuma aanan dhalin, maxaan ka fili karaa sharciga cusub?

Xisbiga Miljöpartiet waxa uu ku dadaalaya in ay Sweden noqoto wadan furfuran oo dadka aan wax isku dhalin iyo caruurta la soo korsaday ay fursad helaan. Arintaan dowlada ayaan kala hadlaynaa balse ma balan qaadi karno in ay arintu sida aan dooneyno noqoto.

2. Khadar, Katrineholm: Waxaan dalbaday in layla mideeyo xaaskeyga iyo caruurta balse waxaa la i siiyay 4 diidmo. Ma waxaan ku qasbanahay in aan kiis cusub soo bilaabo ka dib July 2012?

Waxaan xooga saaraynaa in aan nidaamka ka dhigno mid fudud oo dadkana u fudud laanta Socdaalkana u fudud. Balse qiyaastayda ugu badan waxay tahay in kiis cusub loo baahan doono.

3.  Ahmed, Ludvika: Wali ma aanan bilaabin dacwada. Ma waxaan sugaa ilaa July mise hada ayaan bilaabaa?

Haa, waxaa wanaagsan in la sugo ilaa July markaas oo sharciga cusub uu dhaqan galay.

4. Dhool, Kalmar: Hubaal ma tahay in reeraha la mideyn doono? 

Waxaa loo qorsheeyay lacagtii ku bixi lahayd, marka waa mid la hubo in reeraha la mideynayo. Si kastaba ha ahaatee, ma cada sida sharciyadu isku badali doonaan balse muhiimadu waa in July 2012 hawshu bilaabato.

5.  Amal, Köping: Goorma ayaa la soo bandhigayaa mooshinka? Goorma ayaa baarlamaanka la horgeynayaa oo go’aan laga gaarayaa?

Way adagtahay in la shaaciyo waqtiyada saxda ah ee la qaadayo talaabo kasta balse dowlada waxaan heshiis kula galnay in mooshin baarlamaanka la horkeeno xiliga guga isla markaana uu dhaqan galay July 2012. Waqtiga waxaa saameyn kara inta ay qaadato wadahadalka u dhexeeya dowlada iyo anaga.

6.  Abdirahman, Nässjö: Waxaa jira wiilyar oo aan soo korsaday, ma jirtaa fursad laygula mideyn karo isaga iyo caruurta aan dhalay?

Waxaan aad ugu doodaynaa in caruurta la soo korsaday lagu daro mideynta. Balse waa in aan cadeeyaa in ay tahay arin adag walina heshiis lama aanan gaarin dowlada sidii arintaan loo sameyn lahaa.

7. Qunbe, Linköping:  Diidmo badan ayaa la i siiyay, Laanta Socdaalku waxay dhahday hanagu soo laaban. Maxaan sameyn karaa?

lama socdo kiiskaaga qaaska ah balse waxay noqon kartaa in aad kiis cusub soo xareyso marka waqtiga la gaaro.

8. Daahir, Vänersborg: Waxaa ii jooga wiilyar oo hooyadiis geeriyootay. Laanta Socdaalku waxay leeyihiin soo bandhig cadeyn. Muxuu ka badalayaa sharciga cusub arintaas maadaama aanan cadayn ka keeni karin Soomaaliya?

Taasi waa dhibaato aan ka war hayno waana mid waajib ay tahay in xal loo helo.

9. Iki, Ludvika: Markaan Sweden imid 18 waan ka yaraa balse hada waxaan buuxiyay da’da. Ma jirtaa fursad laygula mideyn karo waalidkey?

Haddii qofku qaangaar noqdo kuma jirto arimaha mideynta reeraha. Waxaan xisbi ahaan xooga saaraynaa in dadka waalidkood ay keligood ku noolyihiin dibada ama ay xanuunsanyihiin in lala mideeyo qaraabadooda halkaan ku nool.

10.Abdi, Stockholm: Laanta Socdaalku waxay iga dalbatay in aan cadeeyo in aan masuul ka ahay caruurtayda. Waxaan diyaar u ahay DNA. Maxaan sameyn karaa?

Kiiskaaga qaaska ah lama socdo balse markii sharciga la badalo waxaa ku filnaan doona DNA in lagu cadeeyo waalidiinta iyo caruurtooda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa’idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su’aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa’ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

38 Responses

  1. abooto says:

    waa mahad santahay jimcaale iyo wiilka xisbiga aan taageersanahay ee miljöpartiet David oo noogu soo jawaabay si waafi ah oo aan fahamnay waana ku mahadsan yahiin in ay na qanciyaan maadaama aan ku nool nahay nolol aan aad u walwalsanahay ilaah ha noo saqiro anaga iyo caruurteena oo nabad ahna ha isku keen keeno ilaahna meeshooda haku nabad yeelo inta ay nooga imaanayaan jimcaaloow qeyr fara badan ayaan eebe kaaga baryeynaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. iqraa says:

    aadban kugu mahad celin sida aad noogu soo gudbisay arimaha na khuseeya, aniga waliba mid aan u bahnaa waa waridka in lakenayo iyo inkale waxaan jawab fican kahelay labarka 9 laad mahad sanid ALLE BAAN KAGA BARYIN IN UU KAA FARXIYO JIMCALE….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. abdiraxman says:

    masha alah walal jimcale sualaha iyo jawabtooda aadbey ufican yihin oo dadka aan wax isku dhalin iyo caruurta la soo korsaday ay fursad helaan meshas olajeykeda malamidey nayo dadkan waxiskudhilin an ugartay sxb adiga maxey kulatahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Faracade says:

    as/ca maashallaah waa wareysi aad muhiim u ah aad ayaan ugu faraxsanahay sida aad noogu soo gudbisay runti JIMCAALE BILAD SHARAF BAAD MUDAN TAHAY sida howlkarnimada leh ee aad soomaalida arimahooda uga shaqeysid ILAAHEY ajar hakaa siiyo…runti aad baan ula dhacay sida aad pagekiina u update gareysaan iyo sida aad warka usoo tabisaan wali ma arag page soomali oola mid ah..NICE WORK BRO KEEP IT LIKE THAT

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. DHOOL says:

    waa mahadsantahay jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. hodan says:

    asc walal jimcaale dadka an wax isku dhalin mala mideeynaayo miyaa dadka wax isku dhalay bis miya la mideynaya iso jawaab thnks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. haji ahmed says:

    Thnx jimcaale sxb sida hufan o ad usobandhigtay jawabaha. Way iskacadahay mideynta kuwa aan waxba iskudhalin inay ka adagtahay dadka wax iskudhalay o arintoodu tahay comeci comaca.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. cilmi Halmstad says:

    ASC, dhamaan dadka afsomaliga ku hadla waan salaamayaa bacdal salaan, waxan kaloo salaan aad qaali u ah ku salaamayaa MR-JIMCAALE.
    Jimcaale sxb waxaad soo dirtay jawaab aad qaali u ah oo dadku wax badan iska weydiin jireen sida dadka ilmaha isu dhalay,kuwa aan ilmaha isu dhalin iyo dadka la soo korsadayba. waad ku mahadsan tahay kun jeer. (tack) 2012.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. amal ahmad says:

    Amal köping scm wad mahad santahay jimcaale sidaa nooga cawisa sualah

    eena adiga iyo inta kulasha qayso macsalaama

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. mohamed says:

    illaah baa mahada iska leh marka xigto kolay wixii qayrka nooogu jiro ilahayhana waa fajiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Lil messi. says:

    Wan idin salamaya dhamantin. Jimcale alle ajar haka siiyo howsha adag e ad u hayso umada somaliyed e qoxotiga ah hadana kala maqan. Allaha u sahlo inta kale maqan in ay midobaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Mustafa says:

    asc wr wb dhaman umada somaliyed meel walba ay joogan
    waxa kalo halkan ka salamaya amba uga mahad celinaya walalaha somaliska
    jzk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Abdi says:

    Asc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. C/raxman (in Addis ababa) says:

    Asc.Dhammaantiin. Waa kumahsantahy Jimcaale sida aad Noola socodsiiso marwalba. Alle hakaa ajar siiyo adiga iyo inta kaala qayb qaadaty ..Waa jawaabo qiimo leh. Balse Waxaan kujirin 10 ka su aalood dadka aan Anigu kamidka ahay oo laga qaaday DNA ga ayna Cadahay inay isdhaleen. islamarkaana lasiiyey diidmada laguna yiri dib umasoo xarayn kartaan dacwadan. Maxay samayn karaan? Adoo raali ah jwb igasii fadlan. Mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. yackow says:

    illah baa mahad leh Jimcale aad ayaa umahadasan runtii aad ayaa nooga haqabtirta hadba meesha ay marayso xalada mideynta reeraha Somalida.Koley Jimcale waxay ilatahay in taarikhda aad galayso maxa yelay waxa tahay qofka kaliya ee isku howlay howsha sida ugu aad ku garsiin laheed dadka Somaliyeed ha ahaato kuwa Sverige ama wadamada kale ee dafaha aduuna
    AAD AYAA UMAHADAN TAHAY MR JIMCALE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Sharmarke Gnosjö says:

    Walaal jimcaale waa mahadsan tahay laakin waxaan aad uga xumahay in su’aalaha ay ahaayeen ku celcelis hal mawduuc ku wareegaya oo looga kaaftoomi karey hal su’aal waxaa jirey su’aalo badan oo muhiim ah waxaan dhihi lahaa in cibirkii ka dhumay su’aallaha oo laga garan karo jawaabaha fudud oo xisbigu ku jawaabey. balse waa mahadsan tahay ma xuma dadaalkaas.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. sweden says:

    asc all wan idin salamay ani ra yigeyga markan cabiro waxii ilmo isku dhalay in la kenaayo oo la mideynayo 2iyo kuwa aan ilmo isku dhalin ilmo bixinta ilaahbaa hayee laakiin ilmaha lasoo korsaday iyo wilidinta in laakenaayo umaleyn maayo waxaa ogahay in dhaqalaha sweden hoos u dhacay kuna baxo daqli badan dadka soo galootiga ah iyo ilmaha ay ku kenaan wan soo korsanay iyo iyagoo malinkasto dib u dajin loo subiyto is af garad waa ka dhax abuurmo dadkaas aan is dhalin hadane is keenay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. amino says:

    waaa mahadsan tahay jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Raaqia says:

    ASC BAHDA SOMALILKA
    WALL jimcaale wadku mahadasan tahay dadalakaga aad ugu jiro walaladada somaliyed jzklh
    wall hadii su aaluhu soc dan waxad maria ii waydisa caruurta dada ka baxaysa wakhtiga ogolanshaha 18ka gadhaysa iyo aniga waxa rauurta la igu diiiday keen abahood abihina wanu is wayanay marka arinta wa waxba laga bedelaya oo DNA UN BAY RAINTU NOQONAYSA MIYA WALL ISLLAAHAY FAMILKAGA IYO ADIGA HAKU XAFIDO WABILLAAHI TOW FIIQ Göteborg

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Saacid says:

    war nin yahow shaqo fiican ayaad qabateen waadna ku mahadsantihiin, dhamaan suaalahii iga dhex guuxayey waana arki doonna waxa xiga insha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. sharmarke says:

    jimcaale sxb waxaan ku weydiyay dacwada markaan bilaa wayay wilkeygu ma qangarin lakiin hada inta an dacwada sugaayay ayuu qangaray maku jiraa dadka la mideynaayo,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Sabrin says:

    Asc. Walaal jimcaale waxaan jogaa Africa waxaan rabay in aan ciyaalkeygii oo i ilaabay dhowr bilood la soo joogo kadibna u soo guuro magalada fagesta, goormee ayeey kula tahay in aan ku soo laban karo sweden si aan dacwada u sii wado waxaan ka waxaa goormee ayeey kula tahay in aay migrationsverket ka bilaabayaan in aay dadka ugu yeeraan DNA.
    mida kale waxaad iga caawisaa in aad war bixin yar iga siiso magaladaada adoo mahadsan mana laga helaa shaqo qofkii yaqaano afka swiidhishka oona wato shahaado wixii uu qofka qibrad u leeyahay shahaadadane aay ka timid isla sweden. Qeeyr Alle haku siiyo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  23. omar says:

    asc dhamaan asxbta daneysa mideynta familjada iyo bahda daadihisaba salan kadib walal jimcale suaalaha ay soo gudbiyeen asxbta waxa muhiim ah in aad noo weydiiso wasiirka socdaalka sababta oo ah xisbiga dooga waxba nooma didano waana midka u taagan u ololeynta sidii loo mideyn lahaa reeraha kala maqan sida darteed waxan kaa codsanayaa isla su aalihii in aad hadii uu waqtiga kuu samaxo aad no weydiisid wasiirka socdaalka gendi a dhabee asagaa naga hortaagan midaas waa mahadsan tahey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Jimcale says:

    Sharmarke ninkaan su’aashaas sidii aan u qoray uma uu fahmin balse hadalkii hore ee ka soo yeeray Laanta Socdaalka waxa uu ahaa nin dadka qaangaaray iyaga oo dacwadu u socota loo tixgalin doono xiligii ay dacwada xareysteen. Waa laga yaabaa hadalkaas in uu isbedalay.

    Sabrin laanta socdaalku hada waxaa jira dad ay DNA ugu yeereen balse sida la hubo waa wixii ka bilaabma 1-da july.

    warbixinta ku saabsan Fagersta halkaan ayaad ka heleysaa http://somaliska.com/nolosha-kamuunka-fagersta/

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  25. Amal says:

    Asc walaal waa arin wanagsan waana so dhaweyneynaa. Hadii walidkey iyo walaalahey e iga maqanyihiin, horayna ugu dacwooday wax jawaab ahna aan helin, markii aan dacwada xareynayay aan ahaay 16, maxaa sameyaa hada oo aan jiro 18, hada rajjo ma leyahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. mukhtaar ismael ibrahim says:

    maraka hore waxaan salaamaya bahda somaliska waxaan marka labaadna umahad naqaya cidkasto rarintan isku hawshay waxaan rabaa in la iikiino xaskayga iyo hooyaday oo lagu dilay souht africa xaladeeda caafimad ay tahay mid aan wax kaqabawayno tasoo souht afaricana dhakhataradu ay yidhahdeen waxaay ubahaan tahay qaliin waxaay nawaydiiyeen lacag aad ubadan mana awoodikarno waxaan waydiisanaya dawladan sweden inay isoo qado hooyada iyo xaaskayga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. sahra says:

    asc walaal waad mahad san tihiin adiga, David iyo Maria Ferm laakiin waxaan ka sii jeclaan lahaa in aad igu soo darto anigana jawaabtaeyda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. hodan says:

    walal maxa iii jawaaab jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Hodan hada lama sheeki karo midaas. Wadahadal ayaa wali socda arintaas ku saabsan. Waxaa la hubaa in la mideynayo dadka caruurta leh balse dib ayaan ka ogaan doonaa sida ay noqon doonto xaalada dadka aan wax isku dhalin.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. ugaas says:

    salaan kadib jimcaale dadka kadaa riwaayada qaawan waxaan filaa in wax badan ka qaldanyahay qaab qoraalka tan kale waxay dadku jecelyihiin ayaad ogtahay laakiin runta markaan sheegno xaalku saas ma ahaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  30. geele says:

    asc salaan kadib aad ayaan kuugu mahad celinayaa jimcaale
    sida aad ugu dadaashay su aalo badan oo aan qabnay inaan jawaabtooda helo waxaan ku leeyahay jazaakalaahu khayr

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. qalad naceeb says:

    asc aqayarta dhan. salaan kadib waxa raba inaa u jawabo wiilka isku magacaabay ugaas ee soo qoray fariinta tarikhda markey eheed iyo sacada :01/17/2012 – 19:21
    ninkaagaan isku magacaabay ugaas waxaan ku shegayaga in somaliya iyo dadaka somaliyeedba ay u hor mari waayeen nuucaaga oo kale oo nagu dhex nool. sababta aan taasi u leeyahay aya ah in aad kentay fikrad lid ku ah qofka isku taagay oo isku howlay in uu somalida dhibateysan in uu warbixin kasiiyo arimaha laxariiro qoysaska la mideynaya ayaad waxaad u soo qortay in uusan af somaliga sifiican uu u qori karin iyo waliba in uu u sheegayo dadka somaliyed war been ah. sidaa dardeed ayan waxan ku leyahay waxa tahay duli aan waxba garaneynin ee maxa ugu mashquuleysa jimcaale war hada wax ogtahay oo aad cadeen u heyso in uu been u shegayo dadka waxaa kula gudboonaa adiga oo adan jimcale qoraalkiisa iyo run tiisa ama bentiisa fara gashan in aad shegto waxa aad heyso oo dan u ah umada somaliyeed hadii kale amada illaaheey hakaa aman hesho waxa tahay ayaba jirine

    asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  32. ugaas says:

    sxb qalad nacayb waad mahadsantahay laakin ma ahaan meeshu somaliya waxaad ku nooshahay wadan dawlad kadhisantahay malaha waxaan filaa waxaad ku hanaqaaday burburkii meeshaan wax walba waa sharci mana ahaan fadhi ku dirir xogtaan ogahay iyo tan meesha taala isma lahaan, xumaana igama ahaan kaliya waxaan rabaa in runta la sheego riyada la iska daayo, waayo dalkeenaa ku burburay
    hadaad ubaahantahay waan ku qancinaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. Najmo says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. dagan says:

    sc dhaman umada soomliyed waxan ugu horeyn umahad celinaya ilheygii na abuuratay waxa kalo umahad celina jimcaale walalkey waxan raba 1sual inad iga jawabto tas ah aniga waxn joga afrika waxa heystaa wil yar oo 3jir ah waxa ii dacwooday ninkeyga wiilka isaga uma dhalin abihii wuu geriyooday marka maxa naga quseya kiiska mideynta reraha madama cunugeyga uu san abe kale laheyn taladaada waa noo muhiiim mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. dagan says:

    jimcale adigoo rali ah walal iga jawaab su asha mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. ayaan says:

    marka hore jimcaale wan ku salaamay amrka xigto aniga hadaan qiyaaso fikirkeyga waa runtada sida aad warka u qeexday oo ah in ay adag tahay in dib loo gudon siyo lamanayaasha kala maqan waayo lama kala sari karo kan u socdo ganacsiga iyo kan sax xaskiisa kensanaayo hadey ilmo isku dhalaan haaa taas waa sahal ilmaha alsoo korsadaa kusoo haray ilamah lasoo korsaday dadka ma ogo dhibka ay wadanak ku hayaan waxaa ku baxo lacag aan cadi aheyn wan dhalnay iyo wan soo korsanay ilamah lagu keenay 3dhib ay sweden ku hayaan kan lasoo korsaday oo dadkii keenay is fahmi wayeen ooka tagay kadibna dhib ku noqotay dowlada sweden oo ay god man u subiyeeen godmankana jimcaale wadla socotaa migrationverket iney lacag siyaan ilmihiyoo dib intii loo dhibay dad usoo dacwonaayo dadkii la keenay oo gabi ahaanba la wayay hada skattverket maxey u bilaabeen iney idkardka u subiyaan oo ay dadka indho ogu qadaan si usan qofna u heysan labo sharci marka dadka sax isku dhalay marnaba kalama tagaan wey is heystaan saas ayeey u keeneen in ay inta kale didaan waxaaku jiro dhaqalahooda waxaana ku jiro nabadooda waayo nmid wadankii danbi kasoo gaalay ayaa sweden len soo gadanayo berina qarax geysanaayo marka somali weyn wadankeeda iyada ais cuneyso wadamadakalena waa laga nacay ee ilaahey ha u furo nasri qeyr qabo wabialahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. ayaan says:

    dagan kiska waxaa ka quseyo sis ninka ku keenaayo ilmaah isaga uma dhalin waxaad u dhashay nin kale marka dadka sharciga qabaanaayo bad ka mid tahay oo wali waxaa ku saran didmo singel bad tahay singelna wali dowlada sweden wey diidan tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0