Warbixin ku saabsan halka ay marayso xaalada Mideynta qoysaska Soomaalida

Haweenay lagu magacaabo Lena Rösell oo ka tirsan urur ka shaqeeya arimaha bulshada oo lagu magacaabo Sociala Missionen ayaa soo ururisay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan halka ay marayso xaalada mideynta qoysaska Soomaalida.

Lena ayaa xiriir la samaysay Laanta Socdaalka (Migrationsverket) iyo Safaaradaha Sweden ee ku yaala Addis Ababa iyo Nairobi si ay uga hesho macluumaadka ay soo diyaarisay.

Arinta cusub ee laga dheehan karo warbixinta Lena ayaa waxaa ugu muhiimsan in safaarada Nairobi aysan wali shaqo bilaabin isla markaana aysan xaqiijin waqtiga ay dib u furayaan hawsha waloow ay ka dhawaajiyeen in ay u badantahay bisha July/Augusti 2012 waqtigaas in ay dib  hawsha u bilaabaan. Bisha soo socota ayay si rasmi ah u xaqiijin doonaan xiliga ay safaaradu dib u furmi doonto.

Dadka ku nool Kenya ayaysan hada suurto gal u ahayn in ay wax dacwo ah xareeyaan iyagoo ay u furantahay in ay dacwada ka dhiibtaan safaaradaha Addis Ababa ama Kampala.

Dhinaca kale safaarada Addis Ababa ayaa shaqadu si fiican uga socotaa sida Lena warbixinteeda ku sheegtay inaguna aan dhowr jeer u soo qornay. Arinta muhiimka ah ee laga faaideysanayo warbixinta Lena ayaa ah in safaaradu ay sheegtay in dadka ay muhiimada kala siinayaan oo go’aamada ugu horeeya laga gaarayo dadka caruurta leh, qaasatan kuwa caruurtooda ay qaangaarka ku dhowyihiin iyo caruurta iyagu aan la joogin waalidkood.

Safaarada ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in ay durbadiiba qabteen dhowr kun oo codsi. Arinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in dadku ay codsigooda ka xareyn karaan internetka iyaga oo aan safaarada tagin taasoo u badbaadinaysa waqti iyo lacag.

Website laanta Socdaalka ayaa laga xareysan karaa dacwada iyadoo haddii lacag lagaa doonayo aad halkaas ka dhiibi karto. Qofka Sweden jooga iyo kan dibada jooga labadu internetka dalabka waa ka dhiibi karaan. Qofka internetka ka dalbada dacwada waxa uu safaarada tagayaa markii loogu waco waraysi ama in DNA laga qaado.

Qaabka dacwada looga xaraynayo internetka ma ahan mid fudud balse qofkii doonaya in uu tijaabiyo waxa uu gali karaa halkaan http://www.migrationsverket.se/info/5517.html – Waxaan isku dayi doonaa in aan soo faahfaahiyo qaabka looga xareysanayo dacwada internetka.

Ugu dambeyntii dhinaca lacagaha layska qaadayo waa sidii aan horay ugu soo qornay mowduucyadii aan ka qornay safaarada Addis Ababa oo aad halkaan ka dheehan karto.

http://somaliska.com/faahfaahin-ku-saabsan-shaqada-safaarada-sweden-ee-addis-ababa/

http://somaliska.com/warbixin-ku-saabsan-shaqada-safaarada-sweden-ee-addis-ababa/

 

Sidoo kale, halkaan waxaad ka akhrisan kartaa macluumaad gaar ah oo Laanta Socdaalku u diyaarisay Soomaalida.http://www.migrationsverket.se/info/5515.html

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

41 Responses

  1. DHOOL says:

    jimcaale waa mahadsantahay sida dhiiran oo aad umaadad ugu cawineysid , noloow ,insha allah waa eey hagaagi wax walbo ,

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  2. Mohammed says:

    Waad ku mahadsan tahay. Waxaan sugnaaba waa habka fudud ee loogu xareysan karo Internetka.

    Su’aal:

    Walaal sidee lagu aamini karaa ama aan ku xaqiijin karaa markaan fooka buuxiyo inaaan buuxiyey iyagana uu gaaray ileen waxani waa Elektaroonic.
    Mise iyaga ayaa jawaab ii soo diraya markay Helaan Foomkaan waxk u codsaday.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. hooyo says:

    asc jimcaale please walaal waxa igu dhanto iga fa i dey codsigeyga waxan ku weydinaya aniga caruurteyda ayan sacuudiga uga xareeyay marka maxkamada ayan jabaab kasugaya waxeyna idhahen bisha 6aad aya kuso jababeyna waxan raba inaan keeno ithopia lacagna waan bixiyay hore hada hadan adis keeno foom cusu maan xareynaya mise keyga ayaa isi soconayo aan jabaabta kasugayo walaal iusoo jawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

    • MASSAGO JAWAAB--HOOYO says:

      inkastoona kawaabida xaq u laheyn oo su,aasha cid kale kuscooto hadana waan isku dayaaa. Hadii ilmahaagu joogaan Sa,uudi ma ubaahnid inaad adiss ama wadamada kale usoo masaafuriso meeshooda ayagoo joogaan lee laga soo qaadi karaaa bisha 6–xaad hadii aad jawaabtaa hesho kaliya waxaad iska dhiibee oo lagaa rabaaaa lacag garaamaaad ah oo yacni ganaax cml inteey sharci darro kujoogeen sa,uudiga ilmahaagu taasna sauudi kaliya ma,ahin ee xatee etobia way biloowday hawshaas muga waa kudu kaguur qanja u guuur talo ahaan sasaan kugula tali lahaay ra,yi ahaan

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. fariid says:

    jimcaale walaal iyada ooy safaaradda kenya xiran tahay maka sii xareysan karaa internetka ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. hooyo ilmahedu ka maqan yahay says:

    illahay khayirbuu ka dhigi donaa insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. yuusuf says:

    jimcaali , hal su aal ayaan ku weydiinaaa , dadka talyaaniga ka soo dacwoonaayo internetka ma ka xareeysa karaan foomka , taa ii soo ogaw bro aad ayaa u mahadsanatahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. faadumo says:

    ASC jimcaale alle ha ku siiyo aduunkana nimco aaqirana jano. ka dib waxaan raba inaad iga jaahil bixiso internetka ma aniga jooga sweden ayaa ku hormaraayo mase qoyskeyga oo joogo neyrobi.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Abdirahaman sheikh dahir (wasiirka) says:

    Asc Jimcaale aad baa u mahadsantahay sida aad ula shaqeysay umataada somaliyet aniga waxan jogaa sida hore idin ku shegay magaalada adis ababa waxaa dadka qaar ka maqlaaye in l bilaabay bixita passport insha allah mar dhow ayaa tagi doonaa si aan ogaado sida ey wax marayaan insh allah allah noo fududeeyo dhamaantena aad ban ugu mahad celinaa mr jimcaale iyo wabset (somaliska)

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. deeq,darajo says:

    ASC/dhamaan walaa laha muslimiinta ahaaw, itaas kadib waxaan xusid kaar ah sinaya walaalkeen jimcaalle,waxaan leeyahay waat kumahad santahay howsha aad uheyso walaalahaga somalida ah, waan kuugu mahad celinayaa,,,hadaan uguda gak\lo fikirkeeyga ku adan mawducan oo ciwaan kisu yahay(WARBIXIN,KUSAABSAN HALKA EY MAREYSO XALADA,MIDEYNTA QOSASKA SOOMALIDA) hadaan kahadlo mawduuca (FRM,A,2,Z,,,wa wax fiican lkn waxaad mooda in aan wax cusub kujirin war bixinta maxaa yeelay safarada ethobiya,, in ey sgaqeyso wan ognahay safarada nayrobina in ey xiran tahay ayadana wan og nahay ok waxaan filayay markan arkay ciwaanka in aan wax cusub arkidono lkn nasiib wanaag markaan dhameyay mawduca aqrintisa waxaan isweydiiyay war hedhe wax cusub ma araktay jw waa maya cala kulixaal waxaan lenahay walalkeen jimcale marka hore thxs lkn waxaan ALLE (SW) ka,baryeynaa waraar cusub oo xiso leh in ay noosoo yerto wabilahi towfiiq asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. Abdirahaman sheikh dahir (wasiirka) says:

    Waa ku salamay Faduma adiga oo mahadsan waxaa ku hormaraayo qoyskaaga balse su aal xareyta ma mid cusub mise waa mid hore loo xareeye mida kale hadii safarada ka xareyn lahed halkeh ku hor mari laheed marka adiga oo raali jimcale waxa u ku mashqulsanyahay howla kale marka anaga ayaa is ka faa ideysaneyno mida kale safican u akhri si aad u fahanto

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Umu xakiimo says:

    Walaal Jimcaale waad mahadsan tahay . Waan aqriyey Foomka waana arkey Habka loo Xareynayo lkn waxaan Qabaa Su’aal.

    Su’aal:

    Reerkeega anigoo jooga Halkan Sweden ma ugu xareen karaa Foomkooda.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. saciid says:

    Asc sxb jimcaale iyo akhyaarta sharafata leh saakay ayaa ladaabacay waa xisbiga miljöpart iyo dowlada halka ey mareyso jimcaale noosoo fasir bro war bixinta kor ayaan ku soo diray iidoo copy ah bro waaku sugeynaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. ciilkad raga u qabtaa waynaa yaab. says:

    markaa uu jimcaale inyar oo warbixina usoo qoro ayey ku washaaan somalidu yaab, waar su,aalaha caatada ah la fadhiista niyow oo suga samra.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Yusuf garaad says:

    Sxb jimcale waxan kaa codsan laha dadka carurta leh subax kasto waxle kadiyarisa bls ma iskudayday dadka aan wax dhalin inad imaragationka waydiso?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Bashir abass says:

    As,jimcale ader halmar hataa inaad wax kaqorto dadka aan ilmaha lahayn maxad kudiday?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Nimco dahir says:

    Jimcale dadka carurta leh le udoodaa dadka aan wax iskudhalin programmeka ogumajiraan?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Yasmin mohamed aden says:

    Walalaha aan carurta dhalin Allah ha idansiyo, wilkana ha eedaynina jimcale edo adigana wad garan karta 2 aros ah o kala maqan xisaha ay isku hayaan k k k k ee iskuday inaad warbixin udiyariso Allah wakil ah,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Ali says:

    War hadi aad jimcale waydisan su,al kusabsan dadka aan wax iskudhalin wad kashalayni dontan,sidu Allah yiri laa tas’alu can asha’a intubda lakum tasu’ukum,ha waydinana nbiga scw su,alo hadu idishego aad murugonaysan,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. hooyo says:

    please jimcaale isoo jawaab hada wax igudhaanto aniga sacuudiga ayan ka xareystey waxana sugaya jawaab bisha 6aad marka ciyaalka ayan raabaa inaan keno ithopia lacagna wan bixiyay marka hadaan keeeno fom cusu maleyga raba mise kii hore ayan si wadana walaalow fadlan isoo jawaab ariintas ayan ka murugeysanahay dacwda maxkamada ayeey iga jirta waxeyna idhahen bisha 6aad ayan ku so jawabeyna

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Waxaan filayaa in ay noqon doonto foom cusub waayo sidaas ayay safaarada Addis Ababa beryahaan samaynaysay. Lacagta waxay ku xirantahay sharciga uu leeyahay qofka kuu dacwoonaya. Faahfaahin dheeri ah waxaad ka helaysaa qoraaladii aan horay u qornay.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Salman says:

    K k k k

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. faadumo says:

    Website laanta Socdaalka ayaa laga xareysan karaa dacwada iyadoo haddii lacag lagaa doonayo aad halkaas ka dhiibi karto. Qofka Sweden jooga iyo kan dibada jooga labadu internetka dalabka waa ka dhiibi karaan. Qofka internetka ka dalbada dacwada waxa uu safaarada tagayaa markii loogu waco waraysi ama in DNA laga qaado.waa qoraalkiina oon soo minguuriyay.lkn aniga naag handläggare i ah ayaa i tiri internetka ayaad ka dalban karta waana i balamisay si ey ii caawiso shakigaas ayaan qaba ee jawaab fiican i siiya, lacagna waad shube ayeey i tiri sharciga aan heystana waa A7 oo waa lacag laan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Cabdulaahi says:

    a.s.m. waad mahadsantahay Jimcaale didaalka ad wadid ee safaarada Addis Abbaba hady keenen foom cusub eee kii hore wax ka soo qaad malaha miyaa sxb waa su.aal aan anigu dhiibtay mahadsanidna Jimcaale …w.w.w.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Ali says:

    K k k away dadki laha waxna iskumanan dhalin,imagarationka waxay sheegen manta inad raja ledihin blse niliga horeyo,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Ali says:

    As,dhaman dadki aan waxna iskudhalin dhalin,imagarationka waxay sheegen manta inad raja ledihin blse niliga horeyo,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. cabduqaadir shiine says:

    asc waan idin salaamay soomaali wayn salaan ka dib jimcaale aaway warbixinta aad sheegtay ithopiya iyo nairobi ha nagula wareegine waan ognahay waxa ka socda ee maxaa cusub aaway warbixinta cusub ee midaynta reeraha somalida naga jaahil bixi ama badal ciwaanka wuu qaldan yahay walaal thanks

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  26. Midnimo doon says:

    asc walaalayaal dhaman somalida waa salamayaa salaan kadib waxaan lee yahay Somalia meelkasta ayaa lagu bahdilay taaso dhibka ugu wayn keenay anagoo is jeclayn ayaa waxaan gacanta usii galnay dad aan na rabin marka koow aan tashano walaal nimada tixgalino intaas waa guubabo. mida kale sida dowlada sweden sharcigeeda dhigayo qofka haduu doonayo inuu la midoobo ehalkiisa kan sweden joogo ma dalbankaro ee waxaa wax soo dalbada kan sweden bananka ka jogo marka arinkas bal halaysla eego. mida kale ilaah ayaa sahli karo waxkasta ilaah aan talo saarano qofkii bariskisa inta ka qoran yahay wuu imaanaa insha alaah
    Mahadsanidin
    Mídnimo doone!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  27. hooyo says:

    jimcaale walaal waa mahadsantahay sidaa igu so jawaabtay ilaah ajar haka siiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. abdi says:

    asc dhamantiin ,su,aasha aan jeclahay inaan idin waydiiyo ayaaa waxay tahay ,qofka sweden jooga miyaa dacwada xareyn jiray mise qofka sweden dibadiisa jooga ayaa dacwada xareyn jiray ,waa sida uu midnimo doon sheegay ,marka ma fahmin see wax ujiraan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. maryama says:

    asc marka walal jimcaal waad ku mahadsantahay sida holkarnimoda iyo dacada ay ku jirto aad ugu adeegay uma soomaliyeed kaar ahaan dadka ku dhaqan dalka sweden sida aat aqbaarta ugu soo tabisid .
    walal waxaan ku su aalayaa away ciwaankii aad noo bilowday oo ku saabsanaa wax barshada swidhan oo uu ka hadlayay wiil soo maliyeed.waxaan uu bahanahay in an wax ka ogaado in aan sida aan wax ku baran karo ribo la aan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. magan says:

    salaan dhamantin walal jimcaale dadka aan waxba isu dhalin waxa laga yeelayo arinkooda miyaad iska daysayna bal arinkaa walal wanu kaa sugaynaa noo soo dedaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. magan says:

    salaan dhamantin walal jimcaalde dadka aan waxba isu dhalin bal maalin qudha wax arinkooda ka soo qor mise wax wara ma leh iyagu walal arinkaa hoos u eeg ilahay hakaa abaal mariyo ee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. Abdulkadir says:

    Waan idin salamay waxan joga adis hada ayaan xareyay formki iyo form visaha .waxaa layga qaday lacag calaa qofka 1950 bir oo u dhiganta 120$ oo ah deposit hadii lagu ogalado qarashka passporka ,waxaan sugaya in DNA La iga qado insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. salmo hassan says:

    waan idin salamay jimcaale suaal ayaan kuwedina qof ayaa horey leen loga xareeyay adis marlabaad maloga xareen karaa kambaala indho ayaa horey looga qaaday masoo bixi karaan indhaha laga qaaday jawab adigoo raali ah tack

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. xaliimo says:

    asc jimaale waad mahadsan tahay sidaad noola socod siisay arinta waxaan hada kaa sugaynaa waa faah faahinta kudirsiga malfaadka nedka waxaan kaa rajaynaynaa inaad noo soocadayso wsc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. madiino says:

    asc waan idin salaamay dhaanta aqrista yaasha iyo jimcaale waxaan ku waydiiyay jimcaale ma ilmahay ga oo joogo yaman ayaa bilaabay ama aniga oo jooga iswiidhan ayaa nedka ku diraaya. wcs.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. faadumo says:

    asc jimcaale waxaan maqlay in bisha 5naad uu soobaxaayo sharci cusub isfariya kaa soo ah in qofkii mar diidmo lasiiyo uu markale isa soo dhiibi karin haduu isasoo dhiibana uu galaayo xabsi maxaad ka ogtahay arin kaas fadlan waxii jawaab ah iigu soo dir ciwaankaas mahad sanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. safo says:

    ASC dhaman walalaha musliminta ah salan ka dib jemcale waxan rawa in ad iga cawisid warbixin ku sabsan. aniga waxan heysta bassporka daganashaha sweden ma so gursan kara nin kenyan ah oo maxa sharuud ah oo la igu xiri kara walal hadi ad wax igu dhanto iga jahil bixi wad mahadsan tehen dhaman

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. umu ilhaan says:

    ASC maxaa sabab u ah xirnaashaha safaarada swiden ay ku leedahay kenya walaal jimcaale adoo raaliay ma noo faah faahin kartaa arintas. mise labada dowladoodaa ku heshiiyeen baabainta heshiis wax u qabda la aanta familada kala maqan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. beyzaaaani says:

    asc dhaman
    ebow caruurta qaan gaarka ah oo safaarada inte xayirneed ku dhax weynaaday maxaa war bixin ah aad ka haysaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1