Warbixin ku saabsan Muctamarka Stockholm

Waxaa dhamaadka isbuucaan la qabanayaa Muctamar weyn oo ka dhici doona magaalada Stockholm kaasoo ay ka soo qeyb gali doonaan mashaa’iq caanka ah qurbaha iyo Soomaaliya iyadoo barnaamijyadu isugu jiraan  Muxaadarooyin, Nadwo, su’aalo & jawaabo.

Muctamarka ayaa ka dhici doona xaafada Rinkeby, qaasatan Rinkeby ungdomanshus. Waalidiinta ayaa loo diyaariyay xanaaano caruurta looga hayn doono inta muctamarku socdo. Xiliga uu socon doono muctamarka ayaa ah  29, 30 Juni & 01 Juli – Saacadaha.

Jimcada 16.00 – 22.00
Sabtida 11.00 – 22.00
Axada 11.00 – 22.00

Muctamarka ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona culumada iyo aqoonyahanada hoos ku xusan.

Sh. Abdirahman Bashir (Djibouti)
Sh. Dyib (Uk)
Sh. Usuuli (Uk)
Drs. Maryam Qasim (Uk)
Sh. Ahmed Jowhar (Uk)
Sh. Abdukadir Abdi Shakur (UK)
Ustaad Ismail Micad (Uk)
Sh. Ahmed Abdullahi (Germany)
Sh. Abdisalam Shiino (Sweden)
Sh. Bashir Aaman (Sweden).

Wixii faahfaahin ama su’aalo ee ku saabsan muctamarka ayaa waxaad kala xiriir kartaan

Sh. Ahmed Budul 070-036 64 84
Sh. Abdi Aziz Sharaf 073- 873 20 63
Ahmed Siraj 073- 704 3875

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. Mohammed says:

    ASC MARKA HORE SALAAN KA DIB WAAD KU MAHADSAN TAHAY jIIMCAALE walaal soo gudbinta fariintan Qaaliga ah lkn waxaan ku darsan lahaa adigoo iga raali ah haddii aan qaldanahay na ia raali naqo meesha ku qoran ” MUCTAMARKA” AMAY KA wanaagsan tahay oo ay ku wanaagsan tahay ” MU’TAMARKA” WAAYO WAXAAN FILAAYAA DHANKA AF-CARABIGA INAY KU KALA DUWAN YIHIIN OO AY KALA MICNO YEELANAYAA. WAAD MAHADSAN TIHIIN INSHA ALLAH WAXAAN RAJEENAYAA INUU NOQDO KII LAGU LIIBAANO AAKHIRO IYO ADUUN. WSC.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Khadija says:

    Maashaa Allaah aad iyo aad ayaan kaaga mahadcelinayaa warbixinta qiimaha badan eed naga soo siisay mu’tamarka ka dhici doona Stockholm haddii Alle idmo. Walaalahayga meelaha kala duwan uga soo safray iney ummadooda baraarujiyaana ajir iyo xasanaat badan Allaha ka siiyo annagana kuwii wax ku qaata Allaha naga dhigo.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  3. Fm says:

    ASC! Culumaddu ma yihiin kuwii aanu naqaaney ee Wadanka Somalia seban ka seben Diinta Islaamka soo gaarsiiyey ee Ahlusunna-Waljamaaca (iyo Madhabta Shaafici wadanka ku fidin jirey) mise waa kuwa caqiidada xun ee indho duubatadda (Shabaab)wadanka ku beerey ee Asalkoodu ahaa Al-Itixaad + Itisaam + takfiir + wa kadaa kadaa. Ileyn waxaan ognahay inuu jirey Mutamarkii 8 aad ee Culumadda Ahlusunna Wal Jameeca ee xalay lagu soo gabagabeeyey Tensta,Stockholm. Soomaaliyeey iska fiirsha ninka Diinta Islaamka aad ka xanbaareysaan, waxaa jira qolooyin badan oo Diinta Islaamka ku ganbada oo aan heysan dariiqii toosnaa ee Islaanimadda haddii kale waxaad arkeysaa qof caqiido xun hadaad Diin ka xambaarto adigoo dadkii Islaamka leh hebel waa gaal hebel Mushrik, Hebel waa ridoobay ileyn waxaa jira kuwa badan oo shaatigii Islaamka wata oo aan toosneyn, waxaana ka mid ah bidcooyinka , Karaaniya, Mushabiha,Shiicadda iwm. Asc.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 7

  4. Fm says:

    Iyo Wahaabiyadda oo dhaqaale badan lagi bixiyo sidey u faafi laheyd. marka ha la taxadaro wabillaahi towfiiq.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 7

  5. Khadija says:

    Till Fm walaalow anniga waxaa ila quman inaadan aflagaadeyn oodna kala saarin culumada soomaaliyeed maxaa yeelay waxaad lumineysaa qeyb ka mida aayaadka Alle iyo axaadiista Nebiga Csw oo na faraya inaan wadajirkeena ilaalino oonan kala tegin. Marka xigana waan aaminsanahay iney culimadaan aqoon maadiya iyo macnawiyaba leeyihiin. Ugu danbeyntiina waxan kaa codsanayaa inaadan culimada diinta nooga dhigin sida axsaabta siyaasadda oo kale.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 2

  6. JAY JAY says:

    qofkastooo islaam ah wax wanaagsan sheegaya waa in laga qaataa waxa wanaagsan ee uu naftiisa iyo dadkaba u shegaayo mida kale Xer iyo elhu suna iyo dhamaan inta jecel in aay aayad quraadka ah iyo axaadiisba sidii soo fasiray aanan waxba ka badalayn raacayna dariiqii alle iyo muxamed s.c.w waan soo dhawaynayaa aniga ahaan allow muu kakfiir runta ka hadlaaya ahaado waxaa wanaagsan uu wado ayaan qaadanaaaa camalkiisa isaga iyo alle

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  7. sucaad says:

    mohamed sax MUTAMAR weeye maha MUCTAMAR macnahan way ku kala duwan yihiin aad luqada Carabiga jimacaale adna wad ku mahadsan tahay fariinta qaligaa aad nosoo gudbisay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Fm says:

    Asc,Till:- Khadija Walaashey si xun wax ha u wasiran anigu waxaan idin kaga digey waa qofka bidciga ah oo Diintii Alle aan ka run sheegeyn si kale u fasiraya aayaadka qur,aan Axaadiista nabiga csw iyo ijmaaca Islaamkaba aan ku jirin kaas ayaan kaaga digey Qur,aan iyo Axaadiithna ku lumin maayeee waxaaba i faraya in laga digo Qur,aanka iyo Axaadiithta Nebiga NNKH hadaadan fahamsaneyn Alle ha ku fahamsiiyo wabillaahi towfiiq, Asc

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  9. Massago says:

    SOMALI LAGA WEEY MAAYO MUCAARAD IYO MALA AWAAL BEEN AH XEEY IS DHAAMAAN MUCTAMAR IYO MU-TAMAR ULA JEEDKA ERAYGA AA MUHIIM AH E DHIHIDA WAX MACNA LEH MASOO KORDHIHEEYSO.
    Tan kale FM SAX BEEN MAAHIN KULANKII 8–DAAD EE CULUMADA AHLUSUNAH WALJAMECA WAXAA LASOO GABAN GAYEEYAY ASBUUC KAHOR KAN MAXOW KAGA DUWAN YAHAY????

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  10. Mohammed says:

    Sucaad walaal waad ku mahadsan tahay Messego walaal adigana waa saxantahay muhiimada waa ula jeedka lkn waxaad ogaataa AF-CARABIGU WAA QANI hadana inyar hadii ay kaa khaldan tu ujeedka ereyga aad ula jeeday iyo waxa dadku u fasiran karaan ba wuu is bedeli karaa ee iga ma ahan walaal Mucaarad nimo .

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0