Warbixin ku saabsan sida ay u socoto mideynta reeraha Soomaalida oo la soo saaray

84

Hay’adaha ka shaqeeya arimaha qaxootiga ee lagu magacaabo Röda Korset iyo Sociala Missionen ayaa soo daabacay baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen xaalada mideynta reeraha, qaasatan mida Soomaalida ee la furay bilowgii sanadkaan.

Warbixintaan oo ah mid dheer ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyinka jira iyo tusaalooyin ku saabsan dad sharciga loo diiday iyo sababaha ka dambeeya. Warbixinta ay soo diyaariyeen labada hay’adood oo ah mid qiimo weyn ku fadhida ayaa lagu lafa guray dhamaan waxyaabaha quseeya arimahaan oo ay ku jiraan mideynta caruurta iyo waalidkood, caruurta la soo korsaday, dadka aan caruurta isku dhalin, kuwa caruurta leh balse aan wada noolayn 2 sano inta aysan imaan Sweden iyo kuwa isku guursaday Sweden ee iyaguna caruurta isku dhalay.

Inta badan dadka caruurta leh ee iyaga iyo caruurtooda ay horay u wada noolaayeen mudo ka badan 2 sano inta aysan Sweden imaan ayaa iyaga sharciga la siiyay oo aysan wax dhibaato ah ka taagnayn. Caruurta la soo korsaday iyo kuwa 18 sano gaaray ayaa iyaga laga reebay mideynta sida lagu soo bandhigay warbixinta. Dadka aan wax isku dhalin ayaa arintooda aysan wax xal ah hada lahayn.

Arinta xiisaha leh ayaa ah in dad caruur isku dhalay la siiyay diidmo iyagoo sabab looga dhigay in aysan horay u wada noolayn labo sano. Shuruudaan labada sano ayaan guud ahaan ku jirin go’aankii maxkamada sare (Migrationsöverdomstolen) ay gaadhay bilowgii sanadkaan. Balse waxaa si qaas ah u go’aansaday Laanta Socdaalka (Migraitonsverket) oo xitaa qoraalkooda ku cadeeyay in “xaaladaha qaarkood aysan muhiim ahayn in reerku ay labo sano wada noolaayeen” balse dhamaan kiisaska lagu soo bandhigay warbixinta ayaa diidmo la siiyay dadka.

Arintaan ku saabsan labada sano ayay dhacday in xaaladaha qaarkood caruurta la siiyay ogolaansho halka aabaha ama hooyada la siiyay diidmo taasoo sabab looga dhigay in aysan labo sano horay u wada noolayn isla markaana sharciga la siiyay caruurta uusan ahayn mid “bani’aadanimo” ama “magangalyo” sida lagu muujiyay go’aamada ay gaareen Laanta Socdaalka.

Waxaa kale oo warbixinta lagu soo bandhigay kiisas ku saabsan dad Sweden gudaheeda isku guursaday oo ka dibna caruur isku dhalay. Tusaale waxaa ka mid ah nin ka soo jeeda waqooyiga Somalia oo horay diidmo loo siiyay balse markii uu halkaan haween ka guursaday isla markaana ay caruur u dhashay uu dacwo xaraystay, diidmo ayaa la siiyay taasoo sabab looga dhigay in “uusan dacwada ka soo xarayn Sweden inta uusan soo galin wadanka, in aysan isaga iyo xaaska 2 sano ku wada noolayn dibada Sweden” iyo in caruurtiisa aysan haysan sharci bani’aadanimo.

Warbixintaan ayaa muujinaysa in dadka intooda badan aysan u suurto galin in lala mideeyo reerahooda. Waxaa kale oo muuqata in uusan soo muuqan xal ku aadan arimahaan warbixinta lagu muujiyay maadaama aysan hada socon wax olole ah oo ku aadan arimahaan. Waxaa sidoo kale hada xaalada sii adkaynaya maadama Laanta Socdaalka ay badashay aragtideeda ku aadan Soomalia.

Halkaan kala bax warbixinta oo Swedish ku qoran.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here