Warbixin soo bandhigtay fashilka ku yimid isdhexgalka soo galootiga

Baaritaan uu sameeyay ninka lagu magacaabo Jan Edling oo shalay la soo bandhigay ayaa muujisay sida uu u fashilmay isdhexgalka dadka soo galootiga ah iyo Swedishka. Baaritaankaan oo lagu sameeyay 38 xaafadood oo ay u badnayihiin soo galootiga ayaa muujinaya sawir murugo leh oo ku aadan sida dadka xaafadaas ku nool ay uga hooseeyaan bulshada inteeda kale.

Xaafadaha sida Rinkeby, Tensta, Husby ee Stockholm iyo Rosengård ee Malmö ayaa ah goobo ay dadka ku nool 40% aysan waxna baran shaqana haysan. Ardada ku nool xaafadahaas ayaan iskuulka sadex meelood hal aysan dhamaysan dugsiga sare.

Jan Edling ayaa xaafadaha soo galootiga ku tilmaamay xerooyin lagu xareeyo dadka aysan bulshadu dooneyn, kuwaasoo uu ula jeedo soo galootiga. Waxa uu ku taliyay in dowladu ay si degdeg ah u abuurto komishin qaabilsan arimaha isdhexgalka oo ka shaqeeya sidii loo wada-dejin lahaa soo galootiga iyo swedishka.

Jan Edling ayaa sheegay in dambiyada ku soo badanaya xaafadaha ee ay geysanayaan dhalinyarada ay calaamad u yihiin fashilka isdhexgalka. Iyadoo dhalinyaradaas noqdeen kuwo rajobeelay oo dambiilenimada u arka wadada keliya ee ay kaga bixi karaan xaaalda adag ee ka jidha xaafadahaas.

Sidee kula tahay adiga xaalada isdhexgalka Sweden? Maku raacsantahay qoraaga warbixinta aragtidiisa?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

27 Responses

  1. Jag gillar inte dictatori says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 7

  2. Ubah says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 8

    • rashka says:

      Walaasheey adigoo mahadsan. meeshaan waa meel bulsho mana ku haboono in lagu soo bandhigo su’aalo qof shaqsi ah la weydiyay. wixii macluumad uud ah waa ok. marka sidaas ula soco.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. roodo says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 7

  4. filis says:

    runti waxan dhihi laha dadka STOKHOLM iska jooga bilaa macno laanta ah halageeyo gobolada ama waqooyiga SWDEN .

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  5. umu amiin says:

    asc

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  6. umu amiin says:

    asc dhaman ubah abayo Horta wanasiib interviyuga waxa jira dad badan oo lagaqaday balse an wax badan laweydinin lkin aniga aya mar dhaw maray interviyu iyo DNA labadaba mudo sacad ah aya suaalo leyweydinaye lagabilabo imashaheygi wadanka ilaa meshan iskugursanay lkin ilaah mahadii wan kawada jawabay DNAgu waqti badan maba iga qadan lkin wa nasib sidan kushegay iyo hadba hanlegarka kugu soaado waxan kudhihilaha waxbo ha ismurjin wad modeysaa inshalah nasiib wacan abayo

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 3

  7. xoosh says:

    waaxaqiiq arintaas jada lahor ayaan si aalo kawaydiinay mas iuliyiin kasocota GÖTEBORG lkn way kajwaabi waayeen su aasheenii.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. Ubah says:

    Umu Aamina walaal aamiin aadbaanad u mahadsantahay alle ha iiga dhigo mid Fudud. Rooda walaashay Hanlager waxay ii qabteen markii uu kiiskaygu marayay 10 bilood’ waxayna iisoo Tuureen interview 13 bilood oo dhawaan ahayd xoogaa fasax aygaleen ayaa dib u dhigay markaa alle ha inoo sahlo amuuraha dhamaanteen.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  9. 2sano says:

    Anigu jawaab baan sugayaa dhawaan 10bilood baan sugayey laakiin dhawr mar diidmo hore u helay plz cidii war haysaa hanala wadaagto

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  10. roodo says:

    aad baa y mahsantahy ubah mcnto aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  11. ubah says:

    Rooda walaashay adaa mudan Macaanto.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. ARINTA SDHEXGAL LA.AANTA WAXEEY ILATAHAY SABABTEEDA WAXA LEH KOMONKA MAXAAYEEKAY MARABAAN INEY QAXOTIGA KU DHAXFARXAAN SWD. SAAS AYAANA SABAB U AH IN NALA EEDEEYO LK DAD MEDIAHA QORO WAXAA LAGA RABAA INEY EEDA DUSHA KASAARAAN CIDA AY QUSEEYSO

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Mumin says:

    Ka warama isku mid miyaa arrinta 2 sano iyo Soomaalinimadaada ma cada waa ku wareeray warkaas?????

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  14. MUMIIM RUNTA HADAAD RABTO 2 SANO IYO SOMALINMADA MACADO INTABADA WAX PLAMANKA SWEDEN AW SO ANSAXSHAY MAJIRAAN WAA SAC CAANA DIIDI RABO MAQAARKA MEEL DULEELO KADAYAA. HADBO WAXEY KUXIRANTAHAY HLG MUGAAS KIISKA GACANTA KUHAAYO AY KUXIRANRAHAY SAW KUULA MACAAMIILO. WAXAAN RABBI UGA BARYAA FIMLADA KALA MAQAN DIIRABKI DAREEN KA.AAN ISKU SOO FOORSHAY ALLAHA KADHIGO. ANNA QAASATAN MURAAD AYAAN LEEHAY E ISO DUCEEYA

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  15. Um Alwalid says:

    Sc dhamaan asxaabta webka ku xeran.
    Roodo abaay maxaan soo qornaa markii war cusub la haayo lee wax mala soo qoraayoo maxaan soo qoraa inaan jawaab weli sugooyaa mise inaan habeen seexan mise inaan cunto ka go,ay mise mise mise alxamdulilaah calaa kuli xaal hadii la amuusan yahay waxaa loo amuusan yahay wax cusub lama haayo laakiin webka mar walba waa lasoo galaa hadii lacala wax cusub aad idinka soo qorteen .
    Ubah abaayo ilaahay hakuu soo fududeeyo aniga dhacaanka macal interfiyuuga nus saaco eey i haysatay alxamdulilaah hadba waa handaleegarada kuugu soo aado ee abaayo ilaahay ahkuu soo fududeeyo .
    aniga nafta ayaan u keenay maalin ku dhaaf ayaan tel hanleegarada u diraa daraad waxeey iigu tiri isbuucaan ama kan soo socda jawaab ayaad iiga helee laakiin waa beenteed boqol jeer ayeey iigu tiri sidaas ee alaha inooga soo wada qaado.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  16. roodo says:

    kkkkkk aaamiin mcnto umu alwaliind

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  17. Ubah says:

    Umu alwaliid walaashay aad iyo aadbaan u Mahadsantahay, alle ha inoo wada sakhiro Gaal iyo Muslimba,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  18. Mumin says:

    Masago Hassan waa run wax walbo waxey ku xeran tahay Kiisgaaga qofka haayo sida uu kula dhaqmo maxaa yelay waxaa arkay wiil lagu dhahay somaliya wax saas u badan iskulama noleen iyo somalinimadada soo cadee oo xitaa DNA test ay ka qadeen waa wax laga yaabo qof ay meshaan ciyaal igu dhasheen hana la cadeeyay inu yahay ilmaha aabahood wax lagu xero sharuudo uusan soo saarin sharci dajinta baarlamaanka sweden koleey waa sida uu goaan u gaaro gacan yaraha haayo kiiska insha alaah alla u sahlo qof walbo oo wax ka sugaayo migrationka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  19. Mohamed says:

    Asc Aqayaarka ku xeran somaliska salaan kadib waxaa rabaa waxaa nogu dhaantaan inaad noo soo gudbisaan suashaan

    Waxaa jiro wiil mesha ay ilmo u dhasheen asagana leh sharci wadan kamid ah yurub oo aan eheyn sharciga weyn ee Europeanka marka waxa ilmaha meshaan ugu dhashay ugu qoran Ökant sharciga deganaansha wadankaan hooyada dhashayna waxaa ugu qoran Somali, xitaa hore isku shegteen oo Skatt-ka ku registareesan yagay aabaha waqtigey is guursadeen marka qofkii fikir nagu dhaamo waa soo dhaweeneynaa mahadsanidiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  20. rashka says:

    Aqyaarta sida caadiga ah labo sano wax la dhaho ma jiraan. ujeedka ugu weyn ayaa ah in labada qof wax isku dhaleen , ama xitaa haddii ay single yihiin in qofka loo dacwoonaayo uu heystaa passport wadan aan aheyn kan soomaaliya.!!!!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. sokeeye says:

    ASC dhaman asxaabta ku xidhan pagekan salaanta ka bacdi waxa aan u bahanahay talo bixin caawin ah aad banan uso dhaweynaya cawintina talo bixta ah waxa aan ahay aabe ka qoyskisu joogo sweden ilmana ugu dhashay se wali aan immigration aan waxba dacwada loga xareyn se u bahan in aan bilaabo dhawan insha Allah marka waxa an rabey in an ogado hadi anan warqada maherka aan naloga diwan galin in aan bilowno CASE kayga miyay dhibato igu kenaysa waxanan cidwalba uga mahadcelinaya cawintoda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. roodo says:

    sokeeye wlal ado raali ah hadii aadan haysan warqada iskatka ma xarysan karto dacwad e intaad u yerto xajiydada maxkmadaha meshii dawlad leh tagoo meherka waxaad kadhigtaan xilga ay cuurtinu dhalan ka dhigta anigaba intaan gabr afrika ku dhalaan hadana maxkmeda itopiya tagny aniga iyo odagyga wakhtigii baan u shagay way na dhaarshen weyna ii sameyen asbuuc bana la igu diiwangshay marka ha isku dayin sababto ah m ahaysato cadyin in ay tahay xaaskaaga

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  23. sokeeye says:

    wll ROODA waad mahadsan tahay dhawan ayaan raba inan warqada maherka ka sameyo Adis anan u diro xajiyada insha Allah marka wll hadii aan dhameyn karo galigey waa cadi sowmaha mise waxa ka fican inan anago wada socana semayno aad baad u mahadsan tahay wll

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. roodo says:

    sokeye walal maxkmada islaamka ma ogola hadadaan watqad kaa lunty marlabad donyin in laguu so saaro hadii aan haryba aadan maxkmada u marn waxaa kuu fiican sida sharciga ah inaad wax wangsn ku samysataa anagu gortasanu is guursany waxana nalka diiday waraqdii somaliya saasanu u nimi maxkmada way idin dharin wayna idin siin wasarda armaha gudaha aydana shaabd kuugu dhufan e islaanta hakuu timaado inshaa allaah way kuu hagaagysaa walal niyada khyir u sheeg ilaa 2013 anigu iswedhan baan sugyey itopiyan jogaa 2sany nagu hsysten hadana dacwadii bayba nagu dheryen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. sokeeye says:

    wll ROODA waad mahadsan tahay insha Allah ilahay ayay gacantisa waxwalba ku jiraan insha Allah khayr ayaa inagu xigi doona wll aniguba mar hore ayaan warqad Maher Ethiopia ka sameyay by telephone lkn wey khalden marka imika hadi rabi idmo inan si sharciya u dhameyo ayaan rajeynaya insha Allah wll adna waan ku ducaynaya in ALLAH muradkaga ku sahlo wll aad banan kugu mahadcelinaya talada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. umu ashraf ahmed says:

    Rinkeby ahaaa allaha meshan maxa somali logu shegay ani waba yaabee wan so dhaweynayaa isdhaxgalka wana muhiim wayo wad araktan san mesha an isku bahaysano an ugu bahdilan nahay allow no gar gaar

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0