Warbixin: Waa maxay Midsommar?

Ciida midsommar waa mid si weyn looga maamuuso dalkaan Sweden oo ku beegan 23 bishaan Juun oo ku aadan sabtida. Soomaalida qaar ayaa ka qeyb qaata dabaaldaga maalintaan iyadoo iskuulada SFIga ay bilaabeen in ay dadku ku baraarujiyaan ka qeyb galna maalintaan. Hadaba warbixintaan waxaan ku eegeynaa taariikhda maalintaan iyo sababaha ka dambeeya.

Midsommar waa caado soo jireen ah oo laga maamuuso wadamo badan oo Yurub ah sida Sweden, Norway, Finland , Denmark iyo wadamo badan. Caadadaan ayaa dhinac waxay xiriir la leedahay diinta Kiristaanka oo lagu maamuuso xasuusta nabi Yaxye. Dhinaca kale caadooyin badan oo la sameeyo ciida midsommar ayaa waxay xiriir la leeyihiin dhaqamadii acraabiga ee ka horeeyay inta aysan diinta Kiristaanka soo gaarin Sweden.

Ka hor 1953 midsommar waxaa loo dabaal dagi jiray 24 bisha Juun balse waqtigaas ka dib waxaa loo wareejiyay jimcaha iyo sabtida u dhaxeeya 19-25 Juni. Galabta jimcaha ee ka horaysa sabtida ayaa waxaa loo yaqaan (Midsommarafton) halka maalinta sabtida ee ku beegan maalinta midsommar loo yaqaan (Midsommardagen). Ciida midsommar ayaa ah ciidaha ugu muhiimsan Sweden oo la dhihi karo waa ciida keliya ee dhaqankeeda Swedishka yahay marka la eego qaabka loo dabaal dago.

Dabaaldaga weyn waxa uu dhacaa galabta jimcaha iyadoo ay isku soo ururaan familka oo dhan halkaasoo ay soo ururiyaan ubaxyo iyagoo dhisa tabeelo ay ku wareegsadaan iyagoo ciyaaraya. Marka ay ku wareegsanayaan tabeelaha loo yaqaan (midsommarstång) ayay hadana waxay dhageystaan heesaha iyagoo madaxa ku xirta ubaxyo. Goobtaas ayaa lagu cunaa baradhada iyo qudaar kale isla markaana aad ayay dadku u cabaan khamriga.

Waqtigaan midsommar ayay Swedishku waxay aaminsanaayeen waayihii hore in uu wanaagsanyahay nasiibka iyo sixirka iyagoo dhalinyaradu qaasatan gabdhaha ay soo ururiyaan ubaxyo kuwaasoo ay hoos dhigaan barkinta ay ku seexanayaan, iyagoo rajeynaya in habeenkaas ay ku riyoon doonaan qofkii guursan lahaa. Waxay kaloo aaminsanyihiin in waqtigaan caafimaad la helo iyo dhaqaale.

Marka laga reebo caadooyinka ayaa maalinta Midsommar waxay ku beegantahay maalinta ugu iftiinka dheer ee aduunka, waqtigaasoo ay qoraxdu joogto dherarka ugu sareeya.

Sawirada aad ku aragtaan mowduuca ayaa ah Soomaali la barayo sida loo dabaaldago midsommarka magaalada Borlänge ee gobolka Dalarna.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

19 Responses

  1. aden juu says:

    somali ilaahay ah una xariisto.amiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  2. mohamed says:

    mahadsnid bro in aan ka fogaadao maahane uma dhawaato ciid gaalo

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. Nuradin says:

    K.k.k.k. Runti jimcale thanks aad ayad umahad santahay % qasab ma aha in warbixintadu noqoto mid kuqotonto lanta socdalka ookaliya runti waxan u arka wararka nocan okale ah in ukugujiro misaan adun iyo aqirobaleh jizakumalah

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  4. Faa`id says:

    Run ahaantii wey fiican tahay in dhaqanka Sweden wax laga ogaado iyo waxa ay aamin san yihiin iyo habka ay u nool yihiin, laakiin maaha dhaqankooda inaan caruurteena barno oo sidooda oo kale u dabaal degno. Ubaxyo iyo waxay dhaqankoodu dhigayo aan caruurteena u saarno. Anaguba ciido waan leenahay Ciidul Adxaa Ciidul Fidri iyo Ciida Jimcaha kastaa.Warbixintuna waa huhiim inay mactabka ubax ku sameeyaaan waan arki jirey sanooyinkan danbe balse aqoon durugsan uma lahayn inay dhaqankooda tahay ayuun baan u arki jiray.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. Abdulrazak says:

    Mahadsanid in badan Jimcaale sxb koley ciidaha gaalada wey fara badan yihin waxaana waajib nagu ah in aan ka digtoonaano waxyaabaha sharafka islamka wax u dhibaya inaga hadaynu nahay dad islam ah shaqo kuma lihin ciidaha Midsommardagen iyo wax lamid ah ee illahay waxan ka rajeynaya in uu na hareer mariyo aafada qurbaha iyo dhibaatada gaalada…….Amiin……wabillahi towfiiq

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Turaabi says:

    Asc Inaa lillahi wa inaa ilayhi raajicuun walalayaal waxan Allah ka baryayaa inuu naga badbadiyo gaalada iyo kuwa raaca iyo sharkoda
    waxan halkana fariin uga dirayaa Aabaha somaliyeed ee sawirkiisu ka muqda websideka
    waxan ka naxsanahay inuu ilmaha muslimka ka qayb galiyo xaflada gaalada ha ogaado Aakhiro wala waydinayaa taas
    wcs

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. sucaad says:

    mahad sanid jimcaale lkn soomalida waxan uga digayaa inan ka fogaano cadada galada e diinta islamka kasoo horjeeda madaman muslim ku abtir sanayno

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. Fm-Faa`id says:

    Ra,yigii sanadkii hore u ekaa ee aan ka dhiibanay waa asagoo ayaan jeclahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Bashir says:

    waad mahadsan tahay jimcaale sxb. waxan aad ula yaabaa dadka qaarkood oo wax kasta oo uu jimcaale soo qoro ama taariikhaha Sweden ha ahaato ama mowduucyo kale ha noqdeene mar kasta caado ka dhigtay inay muran ka keenaan iyo dood. wallaahay ayaad ayaan ula yaabaa
    marka jimcaale waad mahadsan tahay 100%

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Saredo1 says:

    Waxaas wadan keed ayaan joogna waa arago kadhaqaaq..lkn sabtida ayana ma sidanba mise?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. jijo says:

    HAAAA WAA SAX ILLAHEY NAGAMA QEYB GELIYO
    AABAHA SOOMALIYEED XAQA ALLAHA TUSO AAD AYUU IILA QALDAN YAHEY

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Somali Jeceyl says:

    Jimcale xooga markan webka melo badan ka firshay ama aan si fican qoralada ugu kuur galay waxaa mooda in qola gooni ah lacag kusiiso si aad u bahiso wax yalo dad qas ah gooni ugu ah sida Somalida ad dhaqan xumo ugu shegtay in aad so weriso Ciidaha Galada Aqii Alle kaxisho oo waxad qoreyso ha noqdan wax dadka ka fa i dayan Mahadsanid…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. NJB says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk midkanya dadka ka qabto war hedhe xafladan waxay ahayeen 1 sano ka hor waxkale od so galiso miyad weyday . waxaba kaga daran waxuu inoga dhigaya wax cusub. ninyahow dadka haku ciyariin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. macquul says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Rana says:

      Hello Webmaster, I noticed that is rainkng pretty low for some keywords, this may be due to the new Google Panda update, or it could be due to a variety of other factors. I’m sure you already know about On-page SEO, where Google cares highly about proper formatting of various H1/H2/H3 tags, having your main keyword appear in the beginning of your post and having your post end with the keyword, along with having keyword related alt tags and very relevant LSI. However, you do not seem to have the proper Keywords or relevant Keywords in your posts and in the website. Right now you need a tool or plugin that will allow you to check on Keyword insights, search trends and check for backlink analysis and to find out your Keyword competition. To find a Keyword Plugin that combines both Keyword Research and has the ability as a Rank Checker is what , please check out our 5 minute video.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. djama says:

    soomaaalidu hadii aay wadankooda ku laami weeydo sidaas unbeey website kaste uga caban oo cunsuriyad ka cabanayaan.
    waad ku qasbantihiin inn la idin midab takooro, waayo uma aad dhalan waddanka aad joogtii.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Gacliyo xigtooy says:

      Gacliyo xigtooy

      Asc walaalayaal waxaan halkaan idin ku soo gudbindoonaa dareenkayga oo aad u kacsan.Waxaan idinka codsanayaa in aad dhuuxdaan macnaha erayada, inaad qadaa dhigtaan iskuna daydaan inaad fahantaan, isku daydaan inaad ka jawaabtaan. Islamarkaasna inaad su,allah jawaabtooda i siisaan.

      Cudurdarasho

      ma,ahi gabyaa ma ahi abwaan,buraanburka, heesaha,shiribka iyo dhamaan sugaanta soomaliyeed aqoon durugsan uma lihi. Sidaas darteed wixii qalad ah oo ku jiraa waa aqoon xumadayda. Waxaa kale oo iga xasuusina ullamma jeedo guruubo gaar ah. Waxaan hada isaga kiin dhexbaxayaa Tosmooyinkii iyo su.aalihii. Waxaana aad uga mahad calindoonaa cidkasta oo iga qancisa ama isku dayda jawaabaah su,allahaas insha allah.

      Gacliyo xigtooy

      Garashada guracan, gar,aqoon xumada garabsiin qabiil,guruubyada is xagan, gurashada hanitida, gurigeena taal hadaynaan isgaran gacmahana is qaban waa guuldariyo geeridaa ku ooy. Balgarwaaqsadoo isgarawsadoo sharafteena iyo magaceena guban, inaan gaasirnoo badrool ugu shubnaa magaceena gubaa ,garmiyaa sidaan?Gar,aqoon miyaa?Magarsoor xaqiyo garaaad dacadaa?

      Gurigaa gashaba hoos buu ka guban. Odaygaa gurxamin, habartaa gilgilan, caruurtuna gadkale bay u guuxayaan. Gurigii rabina guruubyo is hayaa midba geesqabsaday laga galabcaroow. Lookaaladana gaan geesaraa gogasha u dhigtoo waa dana guracan iyo gada qabiil.

      Gurboodkii danboo ku dhex koray dalkaan waa lagu gablamay guruub calanleh iyo maynoqon kacaan ka dhexkaca kuwaan, aqoontuna magalin. Guruubyadii horoo labataban guyaal soogalay gaygi waa gabi banaan iyo gogal madow. Guruubkaan daboo yimid goordhaweed iyo kuwa imaan wax gardaadsha iyo garwadeen ma helin waa goraya cawl gabal keedi dhacay.

      Gacaliyo xigtooy Gacma wada jiriyo gurmad soo kacaa gusha lagu hantaa,godobsheegadkiyo khilaafkaan nagubay gurigeena dagay,guruubaysigiyo gabigaba qabiil godod ma uqodnaa maku gawracnaa?

      Gacaliyo xigtooy ma isgardaadinaa, ma isgarabganlaa, Soomaali guud gayigeena yurub gogal ma u dhignaa, koodii waxgala geedka ma u dirnaa? Aan soo guntoo soo gunaanadee gacaliyo xigtooy

      Away garashadii?Away guurtadii ?Gobanimadii iyo away gacaladii?Away Geesidii,googaaradii, garmadoobihii, garashada lahaa,xilka gudan ogaa?

      Codsi

      Fadlan ogow inaad leedahay shan magac oo kaaga bahan inaad si isku mid ah u dhawrto, u xanaanayso,ogow in aad sheerkula tahay inta magacaas kula wadaagta. Ogaw khaladka aad ka gasho magacyadaas in uu samaydoono dhamaan ( Shareholder)

      Fadlan ogaw in magaca amaano uu kugu yahay maadaaba uu dad kala dhexeeyo ka fogaw in aad ku istaagto, ku tumato, dhaqanka sharafta iyo sumacada uu xanbarsan yahay magacaan.

      Magacaaga Somalia, All Somalia People are share with this name so pl careful to damage this name.

      Magacaaga Islam, Muslim, All Muslim ,Islam are share with this name so pl careful to damage this name.

      Magacaaga African, Black , All Africa and black people are share with this name so pl careful to damage this name.

      Magacaaga immigrant All immigrants people are share with this name so pl careful to damage this name.

      Magacaaga Ali, fadumo, this is your awn name, so you can du what ever you like because it´s belong to u!

      BY Rooble

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  16. Gacliyo xigtooy says:

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. amina says:

    somaalia waxan rajeynaa nabad iyo caano
    dhalaanka soo koraayo wax barasho fiicaniyo cafimaada qab iyo barwaaqo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0