Warbixintii ugu dambeysay ee safaaradaha Sweden ee Nairobi & Addis Ababa

43

Warbixintii ugu dambeysay ee naga soo gaadhay safaaradaha Sweden ay ku leedahay magaalooyinka Nairobi & Addis Ababa ayaan halkaan idinkugu soo bandhigaynaa ee ku saabsan arimaha socdaalka.

Safaarada Nairobi ayaa soo sheegtay in xaalada dacwada ee halkaasi ka socota ay hada noqotay mid dardar ku socota, Waxay safaaradu sheegtay in xiliga sugitaanka interviewga uu siyaaday oo hada yahay 8 – 10 isbuuc. Safaarada ayaa sheegtay in ay qaabileen 549 dacwo.

Safaarada ayaa ugu baaqday dadka internetka ka xaraystay dacwada in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiraan si waqti balan loogu qabto.

Dhinaca kale safaarada Sweden ee Addis Ababa ayaa hawsheeda si fiican u wada iyadoo hada qabatay ilaa 8400 dacwo oo waxay Laanta Socdaalka u soo gubdiyeen in ka badan 4000 dacwo. Safaarada ayaa sheegtay in dadkii horey dacwada u xaraystay ka hor go’aankii maxkamada ay ilaa hada ka harsantahay kiisas gaaraya 700 dacwo.

Safaarada ayaa sheegtay in wali ay muhiimada leeyihiin dadka caruurtooda ay ku dhowdahay 18 sano iyo caruurta aan waalidkood la socon. Safaarada Addis Ababa ayaa sidoo kale ku guda jirta balaarinta xafiisyada shirkada si kor loogu qaado hawsha. ilaa hada waxay dadka ku qaadataa 7 isbuuc in wareysi loogu yeero.

Warbixintaan waxaa soo diyaariyay Lena Rösell oo ka tirsan ururka Sociala Missionen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here