Wareysiga shaqada & Sweden

12

Suuqa shaqada Sweden waa mid adag oo qaasatan ku adag dadka soo galootiga ah oo weliba aad ugu daran Soomaalida, maadaama ay yartahay cadeymaha aan soo bandhigi karno iyo inteena badan oo heerkeena waxbarasho iska hooseeyo.

Hadaba haddii aad fursad u hesho in laguu waco wareysi shaqo – intaas ayaaba guul weyn ah, marka sidee looga bixi karaa? waxaa muhiim ah dhowr arimood in aad ka ogaato nidaamka ay isticmaalaan dadka Swedishka marka ay imaato wareysiga, shaqaduna nuucey rabto ha ahaatee, dakhtar ilaa dhul xaaqe, su’aalo waxaa jira isku mid ah oo ay dadka weydiiyaan.

Dadka Swedishka waxay doonayaan in ay adagi ku baaraan, shaqsiyadaada inta aan loo dhaadhicin in aad shaqada qaban karto iyo in kale, sidaa darteed waxaa muhiim ah in aad shaqsiyadaada dhabta ah soo bandhigto, waxaa laga yaabaa in aad isleedahay isi sharax oo is gad balse taasi waxay keeni kartaa in laguu arko qof iska badbadinaya.

Waxay dooanayaan in ay ogaadaan wanaagaaga iyo xumaantaada waxaa laga yaaba in ay ku weydiiyaan, inoo sheeg dabeecadaada wanaagsan iyo mida xun? way fududahay in aad suaasha qeybteeda hore aad ka jawaabto balse aad ayay u adagtahay in qofku uu is cambaareeyo oo uu xumaantiisa sheego, waxaaba macquul ah in aadan xasuusan balse way doonayaan oo jawaab ayay rabaan.

Markaad ka jawaabto waxay muujineysaa in aad tahay qof daacad ah oo qaangaar ah balse markaad dhahdo wax ceeba ma lihi, waxay kuu arkayaan qof wax qarinaya taasoo wadada u fureyso in waxkasta oo aad sheegto shaki galo.

Maadaama aad ajanabi tahay, waxay kale oo ku waydiinayaan qorshahaaga mustaqbalka iyo Sweden, waxaa muhiim ah in aad u cadeyso in aadan meel u socon oo qorshe dheer aad ka leedahay Sweden. Waxay ka cabsi qabaan in aad iska laabato adoo shaqada ku jira, marka waxaa muhiim ah in aad u sheegto in aad Sweden ku noolaanaysid oo halkaan uu gurigaaga yahay. Waxaa kale oo muhiim haddii Swedishkaaga uusan wanaagsaneyn in aad u sheegto in aad haryo habeen barato oo ay muhiimadaada kowaad tahay. Ha dhihin luuqada waan dhameeyay adoon wax badan aqoon, wax la cayriyo been ayaa u orod gaaban.

Qododka kale oo muhiimka ah waa dharka, waxaa muhiim ah in aad si wanaagsan u labisato. Sheyga ugu horeeya oo ay eegayaan waa labiskaaga haddii aan taas lagu qancin oo qof wasaqle ah aad tahay, waxaa laga yaabaa irdaha fursada in ay kaa soo xirto.

Balse qodobka ugu muhiimsan oo waxa aan kor ku soo qornay oo dhan ka muhiimsan waa waqtiga. Wadankaan waqtiga waa la caabudaa, Soomaalidana waxaa la dhihi karaa waa kuwa ugu liita waqtiga. Hadaba haddii aad wareysi shaqo u socota waxaa 100% muhiim ah in aad waqtiga ku timaado – ama ka soo hormarto. Haddii aad soo daahdo haku tashan in aad shaqada hesho – waxaaba macquul ah in aan lagula hadlin.

Ugu dambeyntii ha soo iloobin in aad soo qaadato wixii warqado ah ee cadeynaya shaqadaada. CVgaaga waa muhiim. Waxaa kale oo iska fiican in aad wax ka soo barato shirkada aad u shaqo raadsaneyso, haddii ay website leeyihiin aqriso oo fahan waxa ay qabtaan.

Wixii talo iyo waayo aragnimo ku saabsan mowduucan ku darso fikradaada fadlan.

Nasiib Wacan!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here